Midabbada ciddiyaha iyo cudurrada ay ka digaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daryeelka ciddiyaha iyo in fiiro gaar ah loo yeesho midabbadooda waa muhiim. Sababtu waxay tahay ciddiyuhu waxay ku siinayaan tilmaan la xiriirta caafimaadkaaga iyo in aad xilli horeba sii ogaato dhibaatooyinka caafimaad ee kugu imaan kara.
Marka aad aragto midabka isbeddela, muuqaallo dhibco ah ama ciddiyo-jajab ama waxyaabo kale oo ciddiyaha ku yaalla waxay noqon kartaa digniin cudur soo socda. Mar kasta oo ay taasi dhacdo waxaa habboon in lala tashado dhaqtarka maqaarka si uu u fahmo xaaladda iyadoo loo marayo baaritaannada dhiigga iyo hababka kale.
Inta badan dhibaatooyinka caafimaadku waxay la xiriiraan kelyaha, maqaarka, beerka, qanjirka, nafaqeynta iyo habka difaaca jirka.
Waxaa xusid mudan in isbeddel kasta oo ku yimaada ciddiyaha aysan muujin dhibaato caafimaad oo halis ah.
Khabiir ku takhasusay maqaarka oo lagu magacaabo Valeria Zanella Franzen ayaa yiri, "Ciddiyaha lugaha si wanaagsan looma daryeelo, marmarka qaarkoodna waxay taasi sababtaa dhibaatooyin badan. Tusaale ahaan, waxay isu beddelaan jaalle, waxayna noqdaan kuwo qallafsan."
Waxaan dul mari doonnaa qaar ka tirsan midabbada ciddiyaha iyo xaaladaha ay tilmaamayaan ee caafimaad-darrada ah ee u baahan in wax laga qabto.
Ciddiyo cadcad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii qof uu dareemo in isbeddel aan caadi ahayn uu uga dhacaya ciddiyaha, waxa ugu horreeya ee ay tahay inuu eego waa midabka.
Haddii midabka ciddiyaha uu u eg yahay caddaan, waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa cudurrada uu sababo fangaska, kuwa ku dhaca unugyada maqaarka, oof-wareen iyo xitaa cudurrada wadnaha.
Nafaqo-la'aanta iyo cuntada uu borotiinku ku yar yahay ayaa sidoo kale sababi kara.
Khabiir ku takhasusay maqaarka oo lagu magacaabo Juliana Piquet ayaa tiri, "Ciddiyaha midabkaas leh waxay calaamad u noqon karaan dhiig-yarida. Macdan-la'aanta jirka waxay ka dhigi kartaa ciddiyaha inay u ekaadaan qaabka qaaddada oo bannaan leh."
Waxa kale oo jirta diillimo cadcad oo ka soo muuqda ciddiyaha. Laakiin wax dhibaato ah ma keenaan, mana tilmaamayaan wax isbeddel ah oo ku yimid jirka.
Si loo daweeyo xaaladahan, dhaqaatiirtu waxay si guud isugu dayaan inay ogaadaan sababta dhabta ah ee dhibaatada bukaanka.
Haddii midabka cidiyahaagu ay billaabaan inay caddaan u muuqdaan, u tag dhaqtarka maqaarka. Samee haddii lagu gula taliyo in lagugu sameeyo baaritaan caafimaad, si dhaqtar takhasus dheeraad ah u leh loola xiriiro haddii loo baahdo.
Ciddiyaha jaallaha ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciddiyaha huruudda u ekaada waa wax mararka qaar ku yimaada hidde-raac, da’da weynaatana way keeni kartaa. Xaaladdan oo kale, waxay ku imaan kartaa baruurta ka dhalata cayilka.
Waxaa sidoo kale horseedi kara caabuq fangas. Hase yeeshee, xaaladaha daran qaarkood, waxay tilmaamaan HIV, dhibaato kaa haysata kelyaha ama difaaca jirka.
Dadka aadka u cabba sigaarka waxaa dhacda in midabka ciddiyahooda uu isu rogo jaalle, taas oo ay ugu wacan tahay sigaarka tooska u soo gaaraya. Waxa gaar ahaan aad looga dareemaa suulka iyo farta hore.
Baro cad oo ay yeeshaan ciddiyaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhakhaatiirta ku takhasusay maqaarka ayaa sidoo kale ugu yeera 'pitting'. Waxay u egyihiin dhibco yaryar oo ku yaalla ciddiyaha, oo u badan hal ciddi.
Waxa lala xiriirin karaa nooc ka mid ah cambaarta, unugyada maqaarka ama difaaca jirka ama cudur kasta oo maqaarka ah ama dhibaatada timaha.
Juliana Toma, oo ah dhaqtarka maqaarka oo la shaqeysa Jaamacadda Federalka ee So Paulo ayaa tiri, "Haddii meesha cad ee ciddiyaha ay muuqato, markaas waxaa laga yaabaa inay la xiriirto timaha hoolma (diirma). Waa in la daaweeyaa."
Xaaladaha qaar oo si gaar ah loo xusay ayaa jira, kuwaas oo noqon kara calaamad muujinaysa cudurrada galmada lagu kala qaado ee loo yaqaan waraabowga.
Ciddiyo buluug ah
Inkastoo tan wax badan la arko, haddana ciddiyaha buluugga ah waxaa sabab u ah isticmaalka daawooyinka qaarkood.
Kiisaska noocan oo kale ah waxaa lagu arkaa ciddiyaha dadka isticmaala dawooyinka finanka ama duumada (malaariyada).
Marka ay taas dhacdo waa inuu dhaqtarku eego haddii ay jirto baahi loo qabo joojinta dawo gaar ah ama haddii ay jirto baahi loo qabo in la beddelo noocyada daawada.












