Hoggaamiyeyaasha dunidu waxay xusuustaan 'Boqorad qalbi-wanaagsan'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyeyaasha dunida iyo dad kale oo muxtaram ah ayaa si weyn u maamuusay Boqorad Elizabeth II oo da'da 96 jir ku geeriyootay.
Boqoradda waxay ku sharfeen dadnimadeeda qotada-dheer ee gudashada waajibaadkeeda, adkeysigeeda iyo dareenka Boqoradda ee kaftanka iyo naxariista ku dheehan.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo madaxda Boqoradda maamuustay hormuud u ah wuxuu ku tilmaamay "boqorad qalbi-wanaagsan" isla-markaana "Faransiiska saaxiib u ahayd".
Madaxweynaha Mareykanka ee hadda xilka haya Joe Biden wuxuu markii ugu horreysay Boqoradda la kulmay 40 sano ka hor, wuxuuna ku tilmaamay "Boqorad niyadsan oo qarni dhan mataleysay".
Biden oo ka hadlaya booqashadiisii UK ee 2021 isaga oo madaxweyne ah, wuxuu yiri: "Waxay nagu soo jiidatay caqligeeda, waxaa na dhaqaajisay naxariisteeda, si aan hagrasho laheyna waxay noola wadaagtay xikmadaheeda."
"Boqorad Elizabeth II waxay ahayd haweeney waddaniyad ah, sharaf leh, waxayna dhidibbada u aastay xiriirka iyo iskaashiga Ingiriiska iyo Mareykanka. Waxay gacan ka geysatay xiriirka labada dal inuu noqdo mid gaar ah," ayuu sii raaciyay Biden.

Xigashada Sawirka, 10 Downing Street
'Taariikh ayay ku nooleyd, taariikhna way dhigtay'
Boqorad Elizabeth II intii ay boqoradda ahayd waxay la kulantay 14 madaxweyne oo dalka Mareykanka soo maray.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama wuxuu sheegay in boqoradda ay "adduunka ku soo jiidatay" boqortooyo lagu qeexay nimco, xarrago iyo anshax-shaqo oo aan laga daalin.
"Marar badan, waxaa nagu soo dhacaya dhiirranaanteeda, sida ay dadka u dejiso, sida ay dadka ugu soo jiidan jirtay kaftankeeda iyo soo-jiidashadeeda aadka u wanaagsan," ayuu yiri Mr Obama oo boqoradda marar badan la kulmay bayaan uu soo saaray.
Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog oo ka mid ah madaxda caalamka ee maamuustay Boqoradda wuxuu yiri: "Waxay ahayd astaan deggenaasho, mas'uul xilkas ah, akhlaaq, dadnimo iyo waddaniyadba kulansatay."
Inkasta oo Boqorad Elizabeth II aysan booqan Israa'iil, haddana waxaa Israa'iil booqday Charles, Edward, Willam iyo Amiir Philip-kii geeriyooday.
"Boqorad Elizabeth waxay ahayd astaan taariikheed, waxay ku nooleyd taariikh, taariikh ayayna dhigtay, geerideeda kaddibna waxay ka tagtay taariikh dahab ku qoran oo lama illaawaan ah," ayuu ku yiri Madaxweyne Herzog qoraal uu soo dhigay.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu farriin tacsi ah u diray dowladda iyo shacabka Britain geerida boqoraddooda ku timid awgeed. Wuxuu sheegay "geerideeda inay khasaare aad u badan ku tahay shacabka dalka Britain."
Waxyar un kaddib markii la shaaciyey geerida Boqoradda, Raysul wasaaraha Canada, Justin Turdeau oo murugeysan wuxuu sheegay Boqoraddu inay ahayd "mid jaceyl iyo qaddarin qoto-dheer u haysay shacabka dalka Canada."
Boqoradda intii ay xilka boqortooyada haysay waxay la kulantay 12 raysul wasaare oo soo maray dalka Canada.
"Dunidan murugsan, nimcadeeda joogtada ah iyo go'aankeeda ayaa dhammaanteen raaxo noo horseeday," ayuu yiri Mr Trudeau, isaga oo intaa raaciyay inuu u xiisi doono "sheekadeeda" iyada oo ahayd "mid fakar wanaagsan, caqli badan, cajiib ah, waxtar leh, kaftan badan iyo in kaloo badan," ayuu yiri Trudeau.
"Waxay ka mid ahayd dadka aan dunida ugu jecelahay, waana u xiisi doonaa", ayuu yiri isaga oo ilmada cishanaya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
'Shakhsiyad aan caadi ahayn'
Calamada waddamo badan iyo midka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa hoos loo dhigay.
Madaxa Golaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen waxay sheegtay Boqoraddu inay ahayd "mid leh karti ay jiil kasta kula xiriirto, waxayna tusaale u ahayd hoggaaminta dhabta ah".
Boqoradda Denmark, Margareth II oo ah Boqoradda keli ah oo haween ah oo dunida boqor ka ah waxay farriin tacsi ah u dirtay Boqor Charles.
"Waxay astaan boqortooyo u ahayd boqortooyooyinka Yurub ka jira, iyo guud ahaanba dhammaanteen," ayay ku qortay farriinta tacsida ee ay soo dirtay.
Boqorka Netherland, Willem-Alexandar oo ay Boqorad Elizabeth yihiin ilmo-adeer shanaad wuxuu sheegay isaga iyo boqorad Maxima inay xusuusanayaan "ad-adkaanteeda iyo caqligeeda" iyo "ixtiraamka iyo kalgacaylka" ay boqoraddu lahayd.
Boqorka Belgium, Philippe iyo Boqorad Mathilde waxay sheegeen Boqoraddu inay lahayd 'shakhsiyad aan caadi ahayn... oo intii ay xilka haysay muujisay sharaf, geesinnimo iyo daacadnimo”.
Hoggaamiyaha Jarmalka, Olaf Scholaz wuxuu ammaanay "kaftankii cajiibka ahaa ee boqoradda", wuxuuna hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay “in ay ka go’neyd dib-u-heshiisiinta Jarmalka iyo Ingiriiska wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayna ahaan doonto mid aan la illaawi doonin."
Raysul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi oo xusuusanaya kulankii xusuusta lahaa ee uu Boqoradda la yeeshay xilli uu UK booqday waxaa uu yiri: "Weligey ma illaawi doono naxariisteeda iyo dhiirranaanteeda."
Wuxuu sidoo kale Twitterka ku soo qoray. "Mid ka mid ah booqashooyinkii aan kula kulmay waxay igu tustay farshaxan uu Mahatma Gandhi hadiyad ahaan u siiyay xilligi ay guursaneysay. Weligey qaddarin ayaan u hayn doonaa tilmaamihii wanaagsanaa ee ay lahayd."
Boqor Salmaanka Sacuudi Carabiya iyo dhaxal-sugaha Maxamed bin Salmaan oo farriin tacsi ah ka diray geerida boqoradda waxay ku tilmaameen "astaan maamul oo ku dayasho mudan oo taariikhdana ay xusi doonto".

Xigashada Sawirka, Getty Images
'Kalsooni sii jireysa'
Toddobaatankii sano ee ay Boqorad Elizabeth xilka haysay waxay la timid isbeddello aan caadi ahayn, isbeddelladaas oo meelo badan ka muuqda.
Sida uu Barack Obama sheegay "waxay u soo joogtay barwaaqo taabbo-gashay, dayaxa oo cagta la dhigo iyo dumintii darbiga kala qaybinayay labada Jarmal.
Madaxweynaha Ireland oo Boqoradda ammaanay wuxuu yiri: "Boqoradda waajibaadkeeda si heer sare ah ayay u gudatay, taasoo keentay kalsooni ay ugu sii noolaan doonto quluubta shacabka Britain inay ku sii noolaato. Taariikhda Britain waxay ku leedahay boos ay jirin cid kale oo buuxin karta."
Siyaasiga reer Ireland, Taoiseach Micheál Martin oo geerida Boqoradda ka hadlay wuxuu muddadii ay boqortooyada ka soo arrimineysay Boqorad Elizabeth II ku tilmaamay "qarni soo afjarmay".
"Sida ay uga go'neyd gudashada waajibaadkeeda iyo u adeegidda shacabkeeda waxay muujineysay kartida iyo caqliga sarreeya ee ay Boqoradda gaarka la ahayd," ayuu ku yiri Martin bayaan uu soo saaray.
Wuxuu sidaas oo kale uu xusay talo-bixinnadeedii iyo khudbaddii qiimaha lahayd ee ay soo jeedisay xilli 2011-kii ay booqatay Ireland.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu sheegay Boqorad Elizabeth "inay ahayd shakhsi dunida oo dhan isbeddel u horseeday, isbeddelladaas oo ay ku jiraan xoreynta waddamadi Afrika iyo Aasiya ee ay Britain guumeysaneysay iyo aasaasidda Ururka Barwaaqo-sooranka."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bayaan uu boqoradda ku ammaanay wuxuu Gutteres ku sheegay "inay ka go'neyd dadaal hagar-la'aaneed inay ku bixiso u adeegidda shacabkeeda. Dunidu waxay weligeed xusuusnaan doontaa hoggaaminteedii wanaagsaneyd iyo wax badan oo ay gaar la ahayd."
Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro wuxuu soo qoray "Boqradda in aysan boqor u ahayn oo keli ah dalka Britain, balse ay dhammaanteen boqorad noo ahayd."
Madaxweynaha Argentina, Alberto Fernandez oo farriin tacsi ah bartiisa Twitter-ka ku soo qoray wuxuu sheegay inuu shacabka iyo dowladda Britain uga tacsiyeynayo geerida ku timid Boqoraddooda Elizabeth II."














