Muxuu muhiim u yahay dheymanka Ruushka ee la mamnuucay?

dheyman

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Dalka UK ayaa ku dhawaaqay mamnuucidda dheymanka Ruushka iyadoo xoojineysa cunaqabateynnada ka dhanka ah dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Dalalka ku jira ururka G7 ayaa sidoo kale doonaya inay awoodaan inay dabagalaan dhagaxyadan qaaliga ah si ay u xannibaan dhoofinta Ruushka iyagoo isku dayaya inay xaddidaan lacagaha ku qulqulaya dagaalka Ruushka.

Balse sidee ayay arrintan waxtar u leedahay, mase laga yaabaa inay ka dhashaan caqabado aan laha sii fekerin?

Sidee ayuu muhiim u yahay dhoofka dheymanka ee Ruushka?

Ganacsiga dheymanka ee Ruushka, oo ay ka soo xarooto $4bn (£3.2bn) sanadkiiba, ayaa qyeb yar uun ka ah guud ahaan waxyaabaha uu dhoofiyo.

Kahor duullaanka Ukraine, wax dhoofinta guud ee Ruushka ayaa gaartay $489.8bn sanadkii 2021, sida laga soo xigtay bankiga adudunka, iyadoo shidaalka iyo gaaska ay $240.7bn ka tahay intaas.

Si kastaba, Ruushku waa dalka ugu weyn adduunka ee dheymanka dhoofiya, marka laga soot ago dalalka Afrika.

Shirkadda dalkaas laga leeyahay ee Alrosa ayaa gacanta ku heysa dhoofinta dheymanka ee Ruushka – waxayna sanadkii 2021 soo saartay saddex meelood meel dheymanka adudunka dhan.

Faa’iidooyinka Alrosa ay hesho waxay aaddaa qaanadda dagaalka ee aqalka Kremlin, sida laga soo xigtay Hans Merket, oo ah baare ka tirsan Waaxda Warbixinta Nabadda Adduunka – balse marna uma dhowa sida ay muhiim u yihiin shidaalka iyo gaaska.

Maxay dalalka G7 u doonayaan inay u dabagalaan dheymanka Ruushka?

dheyman

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalalka Galbeedka ayaa doonaya inay dhimaan dakhligan tanoo qeyb ka ah dadaallada lagu wiiqayo dagaalka Ruushka.

Si kastaba, ganacsiga dheymanka ee adduunka ayaa ah mid isku qasan, mana aha mid cad oo waadax ah.

Dheymanka ayaa gacmo badan soo mara isagoo u dhaxeeya halka laga qoday iyo suuqa, ayuu yiri Mr Merket.

Caadiyan dhagaxaanta ayaa soo mara suuqa ugu weyn caalamka ee Antwerp, Dubai, Mumbai iyo Ramat Gan, oo u dhow Tel Aviv.

Ganacsatada ayaa dhagaxaanta ku qiimeeya miisaanka, midabka, caddaanka iyo xagtinta amaba garaafooyinka ku taalla – iyadoo ganacsato kala duwan ay raadinayaan waxyaabo kala duwan.

Kaddib waxay qaataan dhagaxaanta soo hara, way isku dayaan, wayna iibiyaan – hannaanka ayaana lagu celceliyaa.

Ganacsatada iyo shirkadaha ayaa iyagoo maseyr ku jiro qariya halka ay ka heleen dheymanka - waa "maraqooda sirta ah", sida uu qabo Tobias Kormind, agaasimaha barta dheymanka lagu iibiyo ee 77 Diamonds.

Balse shirkadaha waaweyn ayaa xannibi kara ganacsiga dheymanka ee Ruushka haddii ay si wada jir ah uga baxaan, ayuu sheegay.

Sidee loo xannibi karaa qulqulka dheymanka Ruushka?

Mareykanka ayaa hore cunaqabateynno ugu soo rogay dheymanka Ruushka.

Si kastaba, waxaa halkan ka jira "hubanti la’aan weyn", ayuu yir Mr Kormind.

Xannibaadaha ayaa quseeya dheymanka cayriinka ah – balse mar haddii la jarjaro oo la qurxiyo, dalka uu asal ahaan ka yimid muhiim maaha.

Dadka ku jira dallaka G7 ayaa iibsada ilaa 70% dheymanka ugu badan adduunka - marka mamnuucid ka timid G7 ayaa saameyn yeelan karta, haddii la dabagalo dheymanka, ayuu yiri Mr Merket.

Si kastaba, mamnuucidda G7 ayaa la micno noqon karta in dheymanku uu aado suuqyada kale ee Shiinaha iyo Hindiya, ayuu yiri Mr Kormind.

Dabagalka dheymanka ayaa fududeyn kara xannibaadda.

Sidee loo dabagali karaa dheymanka?

Haatanba waxaa jira barnaamij la isku dayayo in lagu xannibo "dheymanka dhiigga" ee loo adeegsaday in lagu huriyo dagaalka, waxaana lagu magacaabaa Hannaanka Kimberley, halkaasoo dalalku ay ku xaqiijiyaan in dheymanku yahay mid ka madax bannaan dagaalka.

Si kastaba, tani ma oggolaaneyso in dheymanka la dabagalo lana ogaado dalka uu asal ahaan ka yimid.

Mr Merket ayaa sheegay in habka ugu fudud ee lagu dabagali karo dheymanka uu yahay in hannaankan la ballaariyo si loogu daro diwaangelinta halka ay dhagaxaantan ka yimaadeen.

Waxaa sidoo kale jira teknolojiyado calaameeya dhagaxaanta, waxaana la sameyn karaa mid baarta si loo ogaado dalka ay ka yimaadeen.

Saameyn intee ah ayay mamnuuciddan yeelan kartaa?

dheyman

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan dheymanka Ruushka ayaa aada Hindiya, halkaasoo ay ku taallo xarunta ugu weyn ee jarjaridda iyo qurxinta lagu sameeyo.

Ganacsiyada yaryar ee dheymanka ee magaalada Surat ee dalka HIndiya ayaa haatanba ay heysataa dhibaato, kaddib mamnuuciddii Mareykanka.

Gudaha Afrika, shirkadaha gudaha ee soo saara dheymanka ayaa faa’iido ku qaba kaddib mamnuucidda Mareykanka. Si kastaba, shirkado badan oo Afrikaan ah oo dheymanka soo saara diyaar uma aha ka qeyb qaadashada howlaha dabagalka, sida uu sheegay Mr Merket.

Dalka Angola, shirkadda Alrosa ee Ruushka ayaa saami weyn ku leh macdan qodidda, adkeynta cunaqabateynta ayaana saameyn karta howlaha macdanta ee gudaha.

has a significant stake in mining, and tightening sanctions could hit local firms.

Marka la eego Yurub, howlaha dabagalka waxay u baahan tahay gacan calami ah, ayuu yiri Tom Neys, oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee Xarunta Antwerp World Diamond.

Haddii aysan taas dhicin, Yurub waxay khatar gelineysaa inay $40bn sanadkii ku lumiso ganacsiga meelaha aan lahayn hannaan lagula dagaallamo musuqmaasuq lacagta iyo argagixisanimada, ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in cunaqabateynada UK "aysan saameyn ku yeelan doonin iibka dheymanka Ruushka" sababtoo ah UK keliya 1% ayay ka tahay ganacsiga dheymanka ee dunida.