Maxaa ka jira haddii aad Dawaco disho inaad jaraynayso?

Published

Bulshooyinka kala duwan ee Itoobiya, ayaa waxay rumeysan yihiin in gacmaha dadku ay jaraynayaan, haddii aad disho ama garaacdo Dawacada.

Iyadoo ay taasi ka dhex jirto bulshada dhexdeeda, haddana dhakhaatiirta arrinkan fahansan, ayaa waxay sheegeen inay tahay dhibaato caafimaad oo dhanka neerfaha ah.

Dr Taddeo, ayaa wuxuu daaweeyaa bukaannada qaba dhibaatooyinkan neerfaha.

Khubaradu waxay sheegayaan gacmaha qofka oo jareeyo, ama marka ay wax ku qabtaan dhadhaqaaq sameeya iney tahay astaanta qarqaka keena oo loo yaqanno Parkinson.

"Sababtu maaha qof, ayaa dilay ama garaacay dawaco, ee waa cudurka Parkinson ama Shalalka," ayuu yiri Dr Taddeo.

Dr Taddeo wuxuu sheegay waxa ay dadka aaminsan yihiin waa halkeeda balse uu isagu maalin walba dadka cudurkan shalalka qaba ay u yimaaddaan uuna ka daweeyo cilladuuna ay ka timaaddo cudur neerfaha ku dhaca.

“Cudurkanna waxaa keena neerfaha jirka miisankiisa dhowrayey oo ay cillad ku timaaddo neerfahaasi oo ah kuwa maskaxda ka yimaadda. Haddii neerfaha maskaxda ee wadashaqeeya uu khilaaf ku yimaadda oo ay si siman u shaqeyn waayaan waxaa imaneysa inuu qofka jirkiisa oo dhan ama xubin ka mid ah ay jareyso,” ayuu yiri Dr Taddeo.

Dhakhaatiirta cudurkan ku takahsusay waxay isku raacsan yihiin cudurkan inta badan inuu da’da la xiriiro.

Cilmi ahaanna waxaa cudrka loo sii kala qaadaa Hypokinetic iyo Hyperkinetic.

Nooca Hypokinetic badanaa wuxuu ka yimaaddaa qofka oo jimicsi aan sameyn ama jimicsi uu horay u sameyn jiray joojiyo. Halka nooca labaad ee Hyperkinetic uu ka yimaaddo dhaqdhaqaaqa jirka iyo rabitaankeenna oo iskhilaafo.

"Dhibaatada caafimaadku waa dhaqdhaqaaqa xad dhaafka ah ee jidhkeena oo ka soo horjeeda rabitaankeena," ayuu yidhi.

Haddaba muxuu yahay cudurka Parkinson?

Cudurkan neerfaha ku dhaca ee Parkinson magaca looga yeero wuxuu ka helay dhakhtar reer London ah oo lagu magacaabo James Parkson oo cudurkan sharraxaad iyo daraasado qoto dheer ka sameeyey.

Cudurka Parkinson waxa la og yahay in uu saameeya hab-dhiska neerfaha iyo qaybaha jidhkeenna ee ay neerfayaashu maamulaan.

Astaamaha ugu horreeya uu cudurkan leeyahayna ma aha kuwa muuqada.

Gariirka oo ka mid ah astaamaha ugu horreeya oo cudurka oo soo ifbaxa wuxuu ka billowdaa hal gacan kaddib ayuu gacanta kale ama jirka intiisa kale u gudbaa.

Cudurka marka uu weynaadana wuxuu sababaa qofka inuu dhaqdhaqaaqi waayo ama shalal uu ku dhaca. Sida qofka oo socodka gaba ama xubnahiisa dhaqaajin waayo, codkiisa oo xabeeb yeesho iyo codkiisa oo aad hoos ugu dhaca iyada oo astaamahaasi marba marka ka sii dambeysa ay ka sii daraan.

Astaamaha cudurkan uu leeyahay

Astaamaha ugu horreysa ee cudurka waxay ka billowdaan lugaha iyo gacmaha gaar ahaanna faraha.

Inta ay fadhiyaan ama ay nasanayaan dadka xanuunkaasi uu haleelana gacamaha wey isku qabtaan si ay jareynta ay sameynayaan u xakameeyaan.

Jareynta ama qarqarkaasi oo mararka qaar laga yaaba inuu yaraado marka aan howl qabaneyno.

Murqaha jirka qaarkoodna waxaa ku adkaaneyso sidi la rabay iney u shaqeeyaan taasoo ku dhici karta qayb kasta oo jirkeenna ka mid ah.

Sida oo kale waxay khubaradu sheegeen inuu cudurka dheellitirnanta jirka uu saameyn ku yeelanayo.

Talooyinka cudurka ku aaddan

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay sababta rasmiga uu cudurkan ka dhasha inaan weli la garaneyn.

Balse daraasado la sameeyey waxay muujinayaan in sunta cayayaanka, wasakhowga hawada iyo haraaga warshadaha ay kordhiyaan khatarta inuu cudurkaasi qofka ku dhaca.

Waxaa kale oo la ogaaday cudurkan inuu da’da la xiriira inta bandanna dadka ay da’dooda 60-yada tahay inuu haleelo, inkasta oo WHO ay sheegtay cudurka inuu dhalinyarada laftooda u uku dhici karo.

Cudurkan oo ah mid la kala dhaxlo wuxuu ku badan yahay ragga halka dumarka uu ku yar yahay.

Dhakhaatiirtuna waxay sheegaan dawooyinka ugu habboon oo cudurkaasi daweyntiisa loo isticmaalo iney ka mid yihiin Levodopa/Carbidopa.

Hase yeeshee, daweynta iyo qalliinnada cudurkaasi lagu daweeyo oo kharash aad u badan uu ka baxo ma awoodaan dadka dakhligooda uu hooseeyo, halka waddada ugu wanaagsan oo khatarta cudurkaasi lagu yareyn karo ay tahay qofka uu cudurka haleelo in si weyn loo daryeelo, daryeelkaasi oo ay dhici karto iney noloshiisa hagaajiso.