You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Daraasad laga soo saaray 'faquuqa ay la kulmaan Muslimiinta UK'
Cilmi baaris dhawaan la soo saaray ayaa muujinaysa in Muslimiinta si gaar ah loola bartilmaameedsaday sharciga jinsiyad kala laabashada ee UK.
Arrintan ayay darasadu sheegtay in loo aaneynayo awoodaha dheeraadka ah ee la siiyay sharcigan iyo dhaqangelintiisa. Machadka fadhigiisu yahay UK ee Xiriirka Jinsiyadaha (IRR) ayaa sheegay in awoodaha noocaas ahi lala bartilmaameedsaday Muslimiinta gaar ahaan kuwa ka soo jeeda koonfurta Aasiya, oo iyagu lagula kacay takoor dhanka dhalasahada ah.
Warbixintan ayaan la daabacay iyadoo uu soo cusboonaaday muran hor leh oo ku saabsan keeska Shamima Begum oo kooxda Daacish ku biirtay iyadoo 15 sano jir ah lagana xanyuubiyay sharciga UK si wafaqsan xeerka cusub ee sharci kala noqoshada.
Frances Webber, gudoomiye ku xigeenka IRR oo sidoo kale ah qoraaga warbixinta, ayaa yiri: "Farriinta uu diray sharciga jinsiyad kala noqoshada 2002 iyo dhaqangelintiisa inta badan waxa uu ahaa mid ka dhan ah Muslimiinta Britishka ah ee ka soo jeeda koonfurta Aasiya inkastoo ay haystaan baasaboorka UK hadana loolama dhaqmo , si la mid ah sida dadka asal ahaan ka soo jeeda Britain."
“Iyadoo qof ‘asalka ah ee haysta dhalashada Ingiriiska, oo aan haysan dhalasho kale, uu samayn karo dambiyada ugu foosha xun o aysan khatar gelayn xaqa uu u leeyahay in uu sii ahaado muwaadin Biritish ah, balse qiyaastii 6 milyan oo muwaadiniin British ah oo haysta dhalasho ayaan dareemi karin kalsooni iyo muwaadinnimo.”
Webber waxa uu sheegay in ka hor inta aan loo isticmaalin sharcigan kala noqoshada dhalashada daaciga Muslimka ah ee Abu Hamza 2003-dii, wax kala laabashada jinsiyadda lama sameyn muddo 30 sano ah.
Balse tan iyo markaas iyo wixii ka dambeeyay 2017 waxaa dhalashada lagala noqday ilaa 104 qof ka dib burburkii dowladda Islaamiga ah ee Suuriya.
Inkasta oo ay dawladdu sheegtay in awoodaha dhalasha kala noqoshada loo isticmaalo oo keliya dadka khatarta weyn ku ah amniga qaranka, ama galay dambiyo fool xun, haddana warbixinta ayaa ku doodaysa in saamayntu ay tahay in dad gaar ah loo adeegsaday islmarkaana loola dhaqmay sida in ay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah. ”
Webber ayaa yiri: " sharcigan waxaa loo keenay in lagu bartilmaameedsado Muslimiinta Britishka ee koonfurta Aasiya ka soo jeeda iyo kuwa Bariga Dhexe ." Warbixintu waxaa lagu xusay in shuruudaha kala-noqoshada jinsiyadda ay yihiin "kuwa aan kala cadeyn oo qeexnayn," waxayna ka digaysaa khatarta ah in markasta loo isticmaalo ujeedooyin siyaasadeed, iyadoo Webber uu tusaale u soo qaadanayo kiiska Begum.
Dhawaan ayay ahayd markii la sheegay in Begum lagala nqoday dhalashada UK.
Isbeddelkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay awoodaha kala noqoshada muwaadiniinta ee sharciga jinsiyadda iyo xuduudaha, ayaa kor u qaaday fejignaanta iyo wacyiga bulshada, waxaa uuna sidoo kale la kulmay xeerkan dhaleeceyn -iyada oo uu horseeday mudaaharaadyo islamarkaana ay ka soo horjeedsadeen qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka.
Xafiiska arrimaha gudaha ee UK wuxuu sheegay in sharcigan uusan bartilmaameedsaneyn qowmiyadaha laga tirada badan yahay ama diimo gaar ah, sharcigana uu qeexayo waddooyiinka loo marayo dadka dhalashada lagala noqonayo.
Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha gudaha ayaa yiri: “Muhiimaddeennu waa inaan sugno ammaanka UK."
Ka qaadista jinsiyadda waxay dhacdaa ka dib marka si taxadar leh loo tixgeliyo xaqiiqda iyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Waxaa loo adeegsadaa kuwa ku helay dhalashada khiyaano iyo dadka ugu halista badan, sida argagixisada, xagjirka iyo dambiilayaasha geysta dambiyada abaabulan ee halista ah.
"Ma bixineyno wax raaligelin ah waana qaadaynaa tallabo kasta oo lagama maarmaanka ah si aan UK uga ilaalino kuwa khatarta ku ah amnigeena."