Maxaa sababay in gabadhaan saaxiibkeed ay Facebook ka baratay uu qudha ka jaro?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Muddo sanado ah, Jack Sepel iyo Ashley Wadsworth waxay ahaayeen saaxiibbo iska bartay qadka Internedka oo aad isugu isugu dhawaa inkasta oo ay isu jiraan 7,242 kiiloomitir.
Laakiin markii Ashley oo 19 jir ah ay go'aansatay inay ka tagto Canada oo ay UK u guurto Jack Sipple, dartii ayuu dhawr bilood ka dib dilay.
Ashley hooyadeed, Christie Gendron, ayaa tiri: 'Waa wax laga xumaado in waqtigii ugu dambeeyay ay ku fikiraysay waxa dhacay. Siday u cabsatay, muxuu noqon lahaa hadalkeedii ugu dambeeyay, maxay codsan lahayd?
'Weligay ma ogaan doono. Waxaas oo dhan waxaa garanaya laba qof oo kaliya, kuwaas oo midkood aanu dunidan joogin, midna aanu waligii run sheegeyn. oo ay ula jeeddo gabadheedii geeriyootay iyo ninka dilka u gaysatay.
Ashley, oo ka timid gobolka British Columbia, ee dalka Canada, waxay u tagtay inay kula noolaato Jack, oo 23 jir ah, guri hal qol ah oo ku yaalla Waddada Tennyson ee Chelmsford, dalka UK.
Kowdii bishii Febaraayo ee sanadkaan, ayaa Ashley boolisku heleen maydkeeda.Jirkeeda waxaa ka muuqday ceejo iyo mindi uu laabta kaga dhuftay dhowr jeer.
Xilligii maydkeeda la helay waxaa maydka dhinac fadhiyay oo sariirta dul-saarnaa, Jack.

Kadib markii uu qirtay Jack inuu Ashley' dilay waxaa lagu xukumay xabsi daain, ugu yaraan ah 23 sano, waa haddii cafis loo fidiyo,haddii kale nolashiisa oo dhan ayuu jeel ku qaadan doonaa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
'Suurta gal ma ahayn in aan ka joojiyo'
Ashley hooyadeed Christie,ayaa sheegtay in gabadheedu ay ahayd gabar firfircoon, jecl ciyaaraha oo ay waliba u haysayxiiso gooni ah. Markii ay jirtay 12 sano, waxay ku jecleed ciyaaraha sida fardo fuulka, barafka iyo kuwo kale. Isla waqtigaas waxay qadka Internedka ka baratay Jack Sepel, oo ah wiil u dhashay dalka Ingiriiska. Waxaa ka dhaxeeyay xiriir jaceyl oo mararka qaar istaagi jiray, kadibna dib u bilaaban jiray.
Inkastoo aysan waligood si fool-ka fool ah isku arkin haddana, Jack wajigiisa qoyska Ashly ee Vernon aad ayay u yaqaaneyn. Waxay ku sheekaysan jireen qolka iyaga oo mararka qaar qaab muuqaal ah u wadahadli jiray iyagoo isticmaalaya aaladda Face Time, isagoo xitaa mararka qaarna sallaami jiray hooyada dhashay Ashly.
Markii ay da’deedu gaarta Ashly 18, waxay go’aansatay inay ka mid noqoto dadka ka shaqeeya Kaniisadaha .Waxay u sheegtay hooyadeed inay ku jirto waqti xasaasi ah oo ay ka shqeynayso howlaha diinta ay aaminsantahay.

Xigashada Sawirka, Sawirka qoyska
Ashley waxay sidoo kale markaasi go'aansatay inay u guurto UK, oo ay la noolaato Jack. Christie ayaa walaac ka muujisay 'laakin ma aysan suurtagal ahayn in laga joojiyo socdaalkaas.
"Wiil kasta oo Ashley la kulanto waxay la barbar dhigi jirtay Jack. Wax walba mar walba waxay kala tashan jirtay Jack. Dilku xitaa qalbigeyga kuma soo dhicin.“ ayay tiri Ashly hooyadeed Christie.
Ashley waxay ku wargelisay qoyskeeda iyo Kaniisadda Mormon ee Chelmsford welwelkeeda ku saabsan hab-dhaqanka Jack. Safarkeeda ay dib ugu laabanaysay Canada waxay u ballansaned 3-dii Febaraayo.
Laakiin Jack ayaa dilay laba maalmood ka hor inta aaney ka tagin Ingiriiska.
'Ashley way tagtay, Jack wuu dilay'
Aabaha dhalay Ashley, Ken Wadsworth, ayaa yiri: 'Waxaan soo toosay subaxii Febraayo 1-deedii, gabadheyda Hailey ayaa telefoonka igu sheegtay in walaasheyd dhimatay, Ashley waa dhimatay. Ashley waa dhimatay. Jack ayaa dilay” ayay tiri.

Intaas kadib wuxuu wacay booliiska Canada si uu ugu sheego inuu ka baqayo in gabadhiisa oo joogtay Ingiriiska in la dilay.
Muddo yar ka dib, waxaa soo wacay Booliska Essex ee UK waxayna qoysku ogaadeen in gabadhoodii ay dhimatay.
"Qalbigaagu wuu jabay," ayuu yiri. Waxaan u tagay dhaqtar, waxaana u sheegay in laab-xanuun badan I hayo, markaas ayaa la ii sheegay in waxa I haya ii yahay wadne xanuun. Wuxuu hadalka sii raaciyay Ken Wadsworth.
“Aad bay u adag tahay. Gabadhaada yar sidan ha ku baxdo. Ma jiraan erayo lagu sifeeyo murugadan. Marna kama baqayn inay dareenkeeda muujiso. Waxay ahayd mid aad u weyn, oo jacayl ka buuxo. Xoriyad ayaan siinay wuuna isticmaalay”.
Ken wuxuu u safray UK isaga iyo xaaskiisa si ay u helaan meydka Ashley. "Waxay ahayd markii ugu xumayd noloshayda," ayuu yiri.
Maana ogeyn wixii horey u dhacay
Jack Siple wuxuu u guuray Tennyson Road bishii Abriil 2020-ka, wuxuuna aad uga carooday sababta ay u doonaysay saaxiibtii inay Canada, ku laabato.
Sideedii subaxnimo ee kowdii bishii Febraayo, qoys daris la ahaa ayaa maqlay qaylda Ashley, waxayna garaacaysa albaaabka.

Xigashada Sawirka, Sawirka qoyska
Ashley waxay u sheegtay in Jack uu dilayo oo ay cabsi dareemayso.
Haweeney deriska ayaa guriga tagtay si ay ula hadasho Jack Seiple oo ay xooga axaaladda u dejiso, dabadeed way soo noqotay, iyadoo kaxaysanaysa Ashley. Jack wuxuu raali galiyay Ashley ka dibna haweenaydii deriska lahayd way baxday.

Xigashada Sawirka, ESSEX POLICE
Xoogaa yar kadib, Ashley waxa ay fariimo u dirtay dhawr qof oo ah saaxiibadeeda kaniisada Mormon ee Chelmsford iyadoo u sheegtay inay jirto xaalad degdeg ah oo ay u baahantahay gargaar. Muddo gaaban ka dib, Jack wuxuu isticmaalay taleefoonkeeda wuxuuna farriimo u diray qof kasta isagoo u sheegaya in wax walba ay caadiyihiin.
Jamie Ashworth iyo Taylor Borden, oo ay Ashley saaxiibo ku ahaayen kaniisadda, ayaa yimid guriga oo ku yaalla wadada Tennessean. Markii ay waayeen wax ka qabta telefoonka waxay waceen booliiska. Markii uu Jack dilka gaystay wuxuu la hadlay walaashii,isaga oo wlai walaashaadii la hadlaya ayay boolisku yimaadeen,4-tii galabnimo.
Qoyska iyo dhamaan saaxiibbadii ay lahayd Ashly ayaa ku tilmaamay in ay ahayd qof wanaagsan oo laf-dhabr u ah qoyska isla markaana ay jeclaayeen.
Waxay intaa ku dareen in ay aad uga murugoodeen dilka loo gaystay oo waliba ay in badan ooyeen.












