Xeeladaha dejinta yoolka iyo sida loo gaaro guusha

Published

W/Q: Mohamed Omer

Mohamed Omer

Xigashada Sawirka, Mohamed Omer

Bini-aadanku waa ujeeddo u noole. Haddii uu waayo qasdi iyo yool uu eryanayo, wuu anbadaa.

Asalka bannaanba maxaa ay muhiim u tahay in la yeesho oo la dejisto yool? Noocyada kala duwan ee yoolasha? Meelehee ayaan ka samaysan karaa yoolal? Sidee loo gaadhaa yoolasha?

Weydiimahan iyo meelo kale oo muhiim ayaan ku eegaynaa maqaalkan.

Inaad yoolal nolosha ka yeelataa waa muhiim laba arrimood awgoodba; In aad si buuxda u qabsato maamulka noloshaada iyo in aad beekhaamisid wax-soosaarkaaga. Labadaa arrimoodna waxa keliga suugogelin kara waa samaysasho yoolal ku haga.

Yool la’aantu waa khatarta ugu weyn ee mustaqbalkaaga ka dhigi karta looma ooyaan. Inta badan waxa dhacda in aan fududaysanno oo aan dib u dhigano waxyaabaha qaar, waxaasina ay hadhow noqdaan caqabado isku keen horgudba oo aan dhaafi kari wayno. Waxa sidoo kale dhacda in maskaxdeennu inoo sheegto in aan yara sugno inta wax hagaagayaan, si markaa aad adiga oo hubanti ah wax u bilawdid. Laakiin sida ay u badan tahay maba timaaddo ‘markaasi’. Xaqiiqada ayaana diiddan taasi oo xiliga ugu fiican ee aad wax ku dhaqaaqi kartaa waa isla daqiiqadda aad hadda joogto.

Qasab ma aha in aad heshid xaalad ay waxwalba kuu saxan yihiin, si aad markaa wax u billowdo. Waxaa muhiim ah in aad diyaar tahay mar walba. Waayo in aad diyaar tahay oo aanad fursad helin ayaa ka fiican in adiga oo aan diyaar ahayn ay fursadi ku hor timaaddo, sidaana kugu dhaafto, maadaama aanad u diyaar galoobin kana faa’iidaysan karin.

Yoolashu nolosha ayay qaabeeyaan. Waxay ka dhigaan mashruuc nidaamsan oo jiho leh. Haddii aanad nolosha yoolal ka lahayn, waxa aad noqonaysaa anbad tamartiisa iyo karaankiisu baylah yihiin oo haya dariiqii burburkiisa.

Marka aad yool samaysatid, waxa aad isla markaaba dib ula soo noqotay maamulka noloshaada. Waayo waxa aad go’aamisay halka ay tahay in aad beegsatid oo aad gaadhid. Sidaas waxa aad ku yagleeshay jihada uu geedigaagu u dhaqaaqayo. Tamartaada oo dhanina waxay tagaysaa dhanka uu jiro fekerkaagu.

Yool samaysashadu waxa kale oo ay kaa dhigtaa qof wax soo saar badan oo karaankiisu dheef iyo midho dhal leeyahay.

Gaarista hadafka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daraasaado kala duwan ayaa muujinaya in dadka hadafyada dejistaa ay aad ugu dhowdahay inay gaadhaan - weliba uga sii dhow yihiin dadka aan hadaf lahayn ama aan dejisan.

Marka aad qeexdo yoolalkaaga, waxaa maankaaga ka baxa shucaaca kaa qariya waxyaabaha kuu muhiim ka ah. Markaa si fudud ayaad u arki kartaa waxyaabaha kuu muhiimka ah. Markaa si qunyar oo deggan ayaad u kala hori kartaa masuuliyadaha noloshaada. Waa halkan meesha aad si fudud u garawsan kartid baylahdaada dhabta ah iyo waxyaabaha danahaaga horumarinaya.

Marka aad halkan marayso, waxaa si toos ah aad u aqoonsan kartaa dhabqiyayaasha tamartaada dhuuqa isla markaana kaa leexiya dhabbaha kuu muhiimka ah.

Noocyada yoolasha:

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hadafyada aad nolosha samaysan kartid waxay noqon karaan kuwo wakhtiga la xidhiidha, sida: yool muddo gaaban, mid muddo dheer iyo mid noloshaada oo dhan ah.

Waxay sidoo kale yoolashu noqon karaan kuwo adiga gaar kuu khuseeya oo ahaanshahaaga la xiriira ama waxay noqon karaan kuwo khuseeya waxyaabaha aad qabato ama aad leedahay sida shaqadaada IWM.

Hadafyada muddada gaaban waa kuwa aad rabto in aad gaadho dhawr bilood gudohood ama ilaa labo sanno gudahood. Hadafyada muddada dheer waa kuwa qaata ugu yaraan toban sanno. Inta badan waxaa loogu halqabtaa arrin la rabo in la gaadho 5 sanno gudahood. Mararka qaarkood waxay xitaa gaadhi karaan tobanaan sano. Hadafyadan waxa aad u isticmaali kartaa si aad u dhabayso riyooyinkaaga, sida bilaabidda ganacsi ama dhisashada guri IWM.

Laakiin haddii ay arrinta la hiigsanayaa tahay muddo intaas kasii durugsan, markaa waxay noqoneysaa yoolasha noloshaada. Waxyaabaha aad rabto inaad gaadho inta aad nooshahay. Waxay noqon kartaa waxyaabo la xidhiidha dhaxalkaaga ama taariikhda aad rabto in aad ka tagto.

Habka loo samaysto Hadafyada;

Qaabka ugu caansan ee lagu qeexo yoolasha taabbagalka ah waa in ay yoolashu noqdaan; kuwo cayiman, la cabbiri karo, la gaari karo, macquul ah, oo waqti ku xiran.

Gaaridda yoolasha:

Gaaridda Yoolka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka aan halkan marayno, waxa uu maluhu yahay in aad leedahay oo aad dejisatay yoolal. Wejiga labaad - oo ah kan ugu adag, wuxuu noqonayaa in aad si dhab ah u xaqiijiso yoolashaada.

Waa halka ay ka billaabmayso shaqada teeda ugu adag. Waayo, ujeedada dhan ee aad ka leedahay dejinta yoolashu waa in aad gacanta ku dhigto noloshaada oo aad si quman ugu jihayso meesha aad rabto. Marka aad dhabaynta yoolashaada gudagasho, waxaad la kulmi doontaa caqabado.

Hadaba tabahan hoose waxa ay kaa caawin karaan ka midho-dhalinta yoolasha aad ka leedahay noloshaada.

  • Qorshe ku haga samayso

Ka feker oo qoro qorshaha iyo tallaabooyinka aad u baahan tahay inaad qaaddo si aad u dhabayso yoolashaada. Haddii aadan qorshe ku haga samaysan, si fudud ayaad uga anban doontaa dariiqa. Qorshuhu waa jiheeyahaaga kugu haynaya dariiqa aad ku dhabaynayso yoolashaada.  

  • Yaryarayso hadafyada oo u jajabi kuwo yaryar

Marka hore, qeex yoolka weyn ee aad rabto inaad gaarto. Dabadeed jajabso oo ka dhig hadafyo yaryar oo aad si fudud u gaari karto. Hadaf kasta oo yar oo aad gaartaa wuxuu kuu dhawaynayaa hadafka weyn ee aad rabto inaad gaarto.

  • Maalin kaste samee wax kuu dhawayn kara hadafkaaga

Naftaada ku adkee in aad maalin kasta tallaabo u qaado dhanka yoolkaaga isla markaana samee wax kuu dhawaynaya yoolkaaga. Haddii aadan tallaabo weyn qaadi karin mar keliya, si joogto ah u qaad tallaabooyin yaryar. Laakin yaanay maalin qura ku dhaafin adigoon tallaabo u qaadin dhanka yoolkaaga.

  • Hadafkaaga ku qoro meel uu kaaga muuqan karo oo aad arki kartid mar walba

Ku dheji hadafyadaada meel aad ka arki karto mar walba si ay kuu xasuusiso meesha aad rabto inaad gaarto. Waxa aad ku dhejisan kartaa madaxa sariirtaada, qolkaaga fadhiga, miiska aad wax ku akhrisato, gaadhigaaga dhexdiisa iwm, si aad subax walba u aragto waxa aad rabto inaad gaarto.

  • Yoolkaaga haka gorgortamin laakiin tabaha waad beddeli kartaa haddii aad ku qasbanaato

Yoolkaagu waa higsiga aad beegsanayso. Kaasi waa inaad ku mitiddaa oo aadan ka gorgortamin. Laakiin duruufaha ayaa is beddeli kara, taas oo saamayn karta tabaha iyo qorshaha aad rabto inaad ku gaarto yoolkaaga. Marka sidan oo kale dhacdo, dariiqa ama habka aad rabto in aad ku gaarto yoolkaaga waad beddeli kartaa amma dib u qorshayn kartaa.

  • Ugu danbayn, samayso cid kugula xisaabtanta gaaridda yoolashaada

Inaad gaartid hadafyadaada waa shaqo kuu gaar ah, laakiin mararka qaar waa cidlo iyo wehel la’aan. Inaad samaysato cid kugula xisaabtanta gaarida yoolashaada waxay kaa caawin kartaa inaad samayso horumar joogto ah, waxayna kugu dhiirigelisaa ku dadaalidda yoolashaada.

Waxaad la wadaagi kartaa hadafyadaada saaxiib aad ku kalsoontahay ama qof qoyskaaga ka mid ah.

Maxamed Cumar waa tababare horumarinta ganacsiyada iyo howl-qabadka ah oo uu Bankiga Adduunku aqoonsan yahay. Waa dhiirrigeliye aad looga yaqaan geyiga Soomaalida. Waa Macallin “Hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar ee Afrika” ka dhiga Jaamacadda Jaen ee dalka Spain. Sidoo kale waa Agaasimaha Machadka The Success Institute oo fadhigiisu uu yahay Hargeysa.

Qoraalkan waa aragtidiisa gaarka ah, kamana tarjumayo aragtida BBC-da.