Soomaali ahaan: 5 tallaabo oo aad ku dhisi karto kalsoonidaada

Published

W/Q: Mohamed Omer

Soomaali dhiirran

Xigashada Sawirka, Maxamed Cumar/Facebook

Kalsoonidu ma aha wax uu qofku ku dhasho. Waxay ka dhalataa casharrada iyo waayo-aragnimada aad ka dhaxasho nolosha. Sidaas si la mid ah casharrada iyo waayo-aragnimada aad ka dhaxasho noloshaada ayaa kuu horseedi kara inaad lumiso kalsoonida aad ku qabto naftaada. Hase ahaatee, waxaa jira tabo iyo tilmaamo qofka ka caawin kara in uu dhiso kalsoonidiisa. Tabahaas qaarkood ayaan halkan idinkula wadaagayaa.

Kalsoonidu lagama-maarmaan ayay u tahay dhinac kasta oo nolosheenna ka mid ah. Dad badan ayaa la daalaadhacaya kalsoonidarro. Nasiibdarro, haddii ay heli waayaan caawimo waxay noqon kartaa darbi xanniba oo ay soo dhaafi kari waayaan.

Dadka aan isku kalsoonayn waxay u badan tahay in aanay nolosha ka gaadhin libin. Dhanka kale, dadka kalsoonida leh waa dad dhiirran, ku dhac badan oo nalkoodu u daaran yahay. Waxa ay sidoo kalena daaraan nalka dadka kale oo waxay ku beeraan kalsooni.

Maqaalkan waxaan ugu talagalay in aad wax ka ogaato kalsoonida. Waxaa kale oo aan ugu talagalay in uu kuu hoga tusaaleeyo sida aad u noqon karto qof kalsooni leh. Si qunyar oo deggan u akhri maqaalkan kaddibna tijaabi tabaha ku jira si aad u dhisto kalsooni heer sarreysa.

Maxaa lagu gartaa dadka isku kalsoon?

Dadka kalsoonida leh waxay leeyihiin sifooyin ka sooca dadka kale oo lagu garan karo. Sifooyinkaas waxaa ka mid ah: Waa dad xagga wanaagsan wax ka eega oo yididiilo badan. Waxay leeyihiin ku-dhac ay ugu badheedhaan khataraha laga yaabo in ay dadka kale ka maagaan. Waxay sameeyaan waxay aaminsan yihiin inay sax tahay, xitaa haddii ay tahay mid aan la jeclayn oo dadka kale ay ku raacsan yihiin. Haddii wax wanaagsan laga sheego si sharaf leh ayay u qaataan iyaga oo aaminsan in ay u qalmaan. Way u fududdahay qirashada qaladkoodu marka ay gafaan. Sidoo kalena casharro ayay ka bartaan qaladaadkooga. Waa dad xagga wanaagsan wax ka eega oo yididiilo badan.

Tabaha kaa caawin kara in aad dhisto kaldsoonidaada

Tallaabooyinkan ayaad qaadi kartaa si aad kalsoonidaada u dhisto. Qaarkood waa  isbeddello yaryar oo aad ku samayn karto hab-fekerkaaga. Kuwa kalena waxay u baahan yihiin inaad ka shaqeyso muddo dheer si aad uga dhigto caadooyin  aad qabatintay oo dhaqankaaga ka mid ah.

Dad faraxsan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

1. Is xasuusi oo dib u dhugo waxyaabo aad ku dedaashay oo aad gaadhay

Si fudud ayay kalsoonidaadu u dhiman kartaa haddii aad aaminsan tahay in aanad waxba gaadhi karin. Marka inaad is-xasuusisid waxyaabaha aad gaadhay waxay naftaada dareensiiyaan, caddeyna u yihiin  in aad leedahay awood iyo karti kuu suuragelinaysa inaad gaadhid waxyaabaha aad ku hammido. Waxa kale oo ay sii kordhisaa kalsoonidaada iyo iimaanka aad ku qabto karaankaaga.

Samayso isqiimayn qofeed oo is weydii maxaad ku fiican tahay? Maxaadan ku fiicnayn? Maxaa fursado kuu ah? Iyo maxaa caqabo kugu ah? Halkaas waxaa kaaga soo bixi kara waxyaabaha aad ku fiican tahay adigoo maanka ku haya waxyaabaha aad horay u gaadhay.

Intaas kaddib waxa aad samaysataa liis ay ku qoran yihiin 10 shay oo aad gaadhay, aadna ugu hanweyn tahay. Mar kasta oo aad gaadho wax, ku dar liiskan. Naftaada tus oo akhriso liiskan mar kasta oo aad dareento kalsoonidarro. Waxa ay dib kuu xusuusin doontaa awooddaada iyo waxa aad qabsan karto. Waxa kale oo uu liiskan kuu fududayn doonaa in aad ka adkaato isla-hadalka-nafta ee xun oo wax u dhimaya kalsoonidaada.

2. Samayso yoolal kaddibna ku dedaal gaadhidooda

Bani’aadanku waa ujeeddo u noole, haddii uu ujeeddo beelana waxa uu qaadaa dariiqa buburkiisa. In aad hadaf iyo qasdi leedahay oo aad ku howlan tahay dhabaynta qasdigaasina waa waxa nolosha u yeela dhadhanka macaan. Dejinta iyo gaadhitaanka yoolashu waa waxyaabaha ugu mudan ee kobcin kara kalsoonida.

Yoolashu waxa ay qofka siiyaan ujeeddo iyo jiho. Waxa ay kor u qaadaan sida uu qofku isku arko. Waxa ayna ku siiyaan tamar cusub oo samaysa kalsoonidaada. Haddaba mar labaad samayso is-qiimayn-nafeed oo is weydii maxaan ku fiicanahay? Maxaanan ku fiicnayn? Maxaa fursado ii ah? Iyo maxaa caqabo igu hor gudban?

Yoolasha aad samaysanayso waa in ay ku qotomaan isqiimayntaada. Waxa aad yoolal ka samaysan kartaa horumarinta wax aad ku wanaagsan tahay, kobcinta waxyaabaha aad ku liidato, iyo ka faa’iidaysiga fursadaha aad haysato. Ha isku adkayn oo ha samaysan hadafyo waaweyn. Marka hore qunyar soco oo ku billow hadafyo yar yar. Kaddibna qoro tallaabooyinka aad qaadi karto ee ku gaadhsiin kara yoolkaas. Arrintan waxay ku siin doontaa tamar iyo jiho cusub oo kor u qaadi doonta kalsoonidaada. 

3. Ka feker oo raadi waxyaabaha aad ku fiican tahay

Maxamed Cumar

Xigashada Sawirka, Maxamed Cumar/Facebook

Qoraalka sawirka, Maxamed Cumar

Qof kasta wuxuu leeyahay awood iyo karti sooc ah oo dhadhan u yeesha howlqabadkiisa iyo ahaanshihiisa. Waxa ay noqon kartaa wax kuu fudud oo aad ku raaxaysato qabashadiisa. Waxa ay noqon kartaa hibo gaar ah IWM. Maxaad  ku fiican tahay adigu? Garashada waxa aad ku fiican tahay iyo isticmaaliddeedu waxay kobcisaa kalsoonidaada. 

4. Isla-hadalka nafta ee togan

Waxaa jira isla-hadal-nafeed oo dabiici ah. Isla-hadalkaas waa jiheeye gudahaaga ku rakiban oo kuu saamaxa in aad dhowr dhinac ka aragto arrimaha aad kala kulanto noloshaada. Isla-hadalkaas waxa uu noqdaa mid togan ama mid taban. Waxa ayna ku xidhan tahay hadba sida aad u laylido. Haddaba way adag tahay in aad kalsooni dareentid haddii aad leedahay isla-hadal-nafeed taban oo kuu sheegaya in aadan wanaagsanayn. Waxyaabaha kalsoonida dhisa waxaa ka mid ah dhisidda isla-hadal-nafeed togan. Naftaada ula dhaqan sida saaxiibkaaga ugu fiican oo isku kalsoonow.

5. Samayso caadooyin wanaagsan

Si aad u horumariso oo aad u dhisto kalsoonidaada iyo hankaaga, waa inaad samaysataa caadooyinka wanaagsan, isla markaana jebisaa caadooyinka xun! Jimicsiga joogtada ah iyo cunto caafimaad leh ayaa si weyn u wanaajin kara caafimaadkaaga jidheed iyo maskaxeed, isla markaana kor u qaadi kara kalsoonidaada iyo sida aad isku aragto. Cilmi-baadhisyo ayaa inoo  caddaynaya in hurdo wanaagsan oo habeenkii la seexdo ay la xidhiidho kor u kaca yididiilladaada iyo isku kalsoonidaada.

Maxamed Cumar waa tababare horumarinta ganacsiyada iyo howl-qabadka ah oo uu Bankiga Adduunku aqoonsan yahay. Waa dhiirrigeliye aad looga yaqaan geyiga Soomaalida. Waa Macallin “Hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar ee Afrika” ka dhiga Jaamacadda Jaen ee dalka Spain. Sidoo kale waa Agaasimaha Machadka The Success Institute oo fadhigiisu uu yahay Hargeysa.

Qoraalkan waa aragtidiisa gaarka ah, kamana tarjumayo aragtida BBC-da.