Wax ka ogow khatarta ku hoos jirta caado-wareerka

Kelly

Xigashada Sawirka, PENDRY FAMILY

Published

Kelly Pendry waxay dhowr sano la nooleyd kansar aan laga baarin.

Haweeneydan, oo 42 jir ah, waxay calaamadaha cudurkan markii ugu horreysay isku aragtay sanadkii 2016. Waxay ahayd "caado muddo dheer socotay oo dhiig culus la socdo" iyo "xanuun badan."

Balse sanadkii 2021 un bey ahayd markii ugu dambeyn laga helay uterine leiomyosarcoma, oo ah kansar dhif iyo naadir ah oo saameeya murqaha unugyada.

Kelly ayaa haatan is weydiineysa in arrimuhu is beddeli lahaayeen haddii goor hore laga baari lahaa cudurka.

Burooyin dhif ah

Leiomyosarcoma waxay ka mid tahay koox burooyin ah oo caadi ahaan laga helo minka, caloosha, xiidmaha yar, xuddunta hoosteesa, amaba xiidmaha jilicsan.

Waa kuwo aad u saameeya qof waase burooyin dhif ah. Dalka UK waxay saameeyaan ilaa 600 oo qof sanad walba.

Kelly, oo heysata labo carruur ah, waxay sheegtay in markii ugu horreysay ee ay calaamadaheeda la wadaagtay dhaqtar, loo sheegay in jirkeeda "uu qaadan doono waqti uu caadi ugu soo laabto [kaddib uurka]."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haweeneydan ayaa sheegtay in lagula taliyay inay ka fekerto qaadashada kaniiniga kala fogeynta ilmaha amaba la geliyo qalab isla ujeeddaas loo isticmaalo.

Mar kalena, waxay sheegtay, in loo qoray dawooyinka loo qaato qulubka ama isku buuqa.

"Waxaan dareemay inaan ka sii darayo," ayay tiri. "Waxaan dareemay inaan la sii qabsanayo waxaana u maleeyay in keliya aan aniga iska dhaadhiciyay."

Balse xanuunka Kelly wuxuu ahaa mid daran.

"Waxaa jiray maalmo uu xanuunku labolaab igu noqonayay," ayuu yiri.

"Waxaan maalmo badan ku qaadanayay dhiig-bax. Si aanan sababta ogeyn ayaan u cayilayay. Caloosheydu aad iyo aad, ayay u bararsaneyd."

'Sidee ugu dulqaadan kartaa?'

Bishii April 2020, dhaqtar guud oo Kelly ku tilmaamay "geesiyad," aayaa ku raacday in wax ay khaldanaayeen kaddib markii ay wax kuusan ka dareentay xuddunta Kelly hoosteeda.

"Markii ugu horreysay, qof ayaa wax ansixiyay," ayay tiri. "Dhaqtarka ayaa yiri, 'Sidee u qaadan doontaa?' Waxaan iri, 'Ma qaadanayo.'"

Kelly

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bishii November 2020, Kelly waxaa laga helay burooyinka loo yaqaan benign fibroids.

Waxay u sheegeen in waxa ugu wanaagsan ay tahay minka oo laga saaro, balse xanuunka safmarka ah ayaa sababay in ballamaheeda isbitaalka marar badan la beddelo, qalliinkana weligeedba laguma sameyn.

Bishii June 2021, Kelly waxay sheegtay inay maalin walba dhiig-baxaysay ayna "u muuqatay inay leedahay uur sagaal bilood ah."

Xilliyadan ayay ahayd markii dhaqtar uu markii ugu horreysay ka dhawaajiyay suurto-galnimada ah inay qabto kansarka nooca sarcoma, balse burada lama baarin ilaa bishii November 2021 kaddib qalliin looga sameeyay sambabbada.

Xaalku markuu halkaa marayay, Kelly waxaa loo sheegay in kansarkeeda uu marayay heerka afaraad oo aan wax laga qaban karin.

"Kalkaaliso ayaa ii sheegtay inaan isku diyaarin ciidda Christmas," ayay tiri.

Kelly waxay sheegtay in dhaqtar ku takhasusay kansarka uu u sheegay in uu sameyn doono wax walba oo suurto-gal ah si uu u daweeyo kansarkeeda, inkastoo uu ahaa mid aan la daweyn karin.

"Wuxuu na weydiiyay waxa aan dooneyno waxaana u sheegnay inaan waqti rabno," ayay tiri.

"Awood" chemotherapy

"Waxaan iri, 'Ma maleysan karo inaan ka warqabi doonin korriimada carruurta,' waxyaabaha yaryar sida lammaaneyaasheydii ugu horreeyay, saaxiibbadeyda gabdhaha ah, qalinjebinta."

"Marxaladdaas, waxaan ku fekeray, xitaa ma arki doono haddii ay gaaraan 10 sano."

Lix daaweynta qaabka chemotherapy oo aad u adag ayaa ka caawiyay Kelly inay hesho waqti dheeri ah.

Ku dhowaad sanad kaddib markii ay dhammaatay daaweynta, weli waxay dareemeysaa saameyn, sida daal, kuleyl iyo xanuun.

Balse waxay sheegtay in xanuunkan aa marna lala barbardhigi karin kii ay hore u dareemeysay.

Si kastaba, xaqiiqda ayaa ah in Kelly weli kansarkeedu uu yahay mid aan wax laga qaban karin.

"Muddo sanad ah xaalkeyga waa degganaa," ayay tiri, "balse waan ognahay in tan ay isbeddeli karto, ayna si deg deg ah isku beddeli karto."

Kelly waxay dooneysaa in ilmo-galeenka laga saaro, balse waxay sheegtay in arrintaas aysan haatan suurtogal ahayn.

"Farriintu waxay u muuqataa: kansarkeyga waa marxaladda afaraad qalliinna looma adeegsado in nolosha lagu dheereeyo."

Seyga Kelly, Michael, ayaa haatan rajeynaya inuu ururiyo lacag dhan $60,000 oo qalliin loogu sameeyo Mareykanka.

Kelly

"Halkaasi qalliinku waa daaweyn," ayuu yiri.

Kelly ma dooneyso inay cambaareyso waaxda Caafimaadka Britain ee NHS. Balse waxay dareemeysaa in waddooyin kale laga heli karo dalalka kale.