Amiir Harry: "Markasta waxaan dareemi jiray inaan ka duwanahay qoyska intiisa kale"

Amiir Harry

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Amiir Harry ayaa sheegay in “marwalba uu dareemi jiray in uu waxoogaa ka duwan yahay” qoyskiisa, iyo in hooyadii dhimatay ay laf ahaanteeda sidaas oo kale dareemi jirtay.

Mar uu dhanka online-ka uga hadlayay dhib uu soo wajahay, uu Amiir Harry waxa uu sheegay inuu mar ka cabsaday inuu lumiyo xusuusta hooyadii Diana markaas oo aheyd markii uu bilaabay isdaweynta.

Waxa kale oo uu sheegay inuu xaqiijiyo in carruurtiisa ay “hooyo u noqoto” qof kalgacayl u haya si uu uga fogaado inay soo gaarto "waxyeelo" ama "khibrad xun" oo soo gaarta korriimadooda.

Waxa uu markaas la hadlayay Dr Gabor Maté, oo ah qoraa ku takhasusay dhibaatada maskaxiyan dadka soo gaartay iyo balwadda.

Sheekada ay ku yeeshaan California iyagoo dab kulaalaya ayaa timid kaddib cinwaankii ahaa “lanoolaanshaha qof kaa dhintay” oo qeyb ka ahaa buugii uu Amiir Harry qoray ee Spare.

Isagoo ka jawaabaya falcelinta dadweynaha ee buuggiisa ayuu Amiir Harry sheegay in uusan “dhibbane” ahayn amaba uusan doonayn in naxariis loo muujiyo.

Waxa uu qeexay in dareenkiisa ku aaddan daabacaadda buuggan muranka dhaliyay uu ahaa inuu dareemayo “inuu xor yahay”.

Amiir Harry waxa uu ka hadlay cunsuriyadda lagula dhaqmay xaaskiisa Meghan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Amiir Harry waxa uu ka hadlay cunsuriyadda lagula dhaqmay xaaskiisa Meghan

“Waxaan dareemay in culays wayn uu ka degay garbahayga,” ayuu u sheegay Dr Maté, markaas oo uu tilmaamayay in buugga uu ahaa “fal badbaado” oo uu iskudayay inuu dadka kale gacan ka siiyo inay ka gudbaan waxyaalaha la isku ceebeeyo ee la xiriira ka hadalka dhibaatooyinka xanuunnada dhimirka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wadaxaajoodkii Sabtidii ayaa diiradda lagu saarayay dareenka amiirka, isdaweyntiisa iyo waxa uu ka aamisanyahay xanuunka dhimirka.

Hasayeeshee sheekadaasi lugaha lama aanay gelin xogtii dhawaanahan laga shaacinayay boqortooyada, sida codsigii Harry iyo xaaskiisa Meghan ay ku dalbadeen inay isaga tagaan Frogmore Cottage - ama inuu ka qeybgali doono iyo inkale xafladda caleema-saarka aabihiis.

Sidoo kale lama soo hadal qaadin sida qoyska boqortooyada, oo uu ku jiro walaalkii, ay u dareemeen inuu soo bandhigo xusuus-qorkiisa oo dhan.

Amiir Harry wuxuu tilmaamay in waqtigii uu soo korayay "waxaan dareemi jiray inaan wax yar ka duwanahay qoyskayga intiisa kale" - oo uu waxa uu dareemi jiray inuu si goonni ah oo dadka ka go’an u noolyahay, iyadoo isdaawayntii uu soo maray ay ka caawisay inuu burqado.

Iyadoo caalamka oo dhanka online-ka looga daawanayo, ayaa waxaa wax laga weydiiyay sida carruurnimadiisii uu usoo wajahay xaalad adag, iyada oo aanay jirin cid habsiisa oo kalgacayl u muujisa.

Amiir Harry

Xigashada Sawirka, Pictures from Random House, Barnes & Noble, Waters

Waxa uu sheegay in carruurtiisa uu "xaqiijin doono inuu ku qarqiyo jacayl iyo kalgacayl".

"Aabbe ahaan waxaan dareemaa mas'uuliyad weyn si aan u hubiyo inaanan dhaawac cidna gaarsiin ama... xaalad adag sida middii aan carruurnimadaydii soo maray," ayuu yiri.

Waxa uu si isdaba joog ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay daawaynta, inkasta oo ay keeni karto kala fogaansho u dhaxeysa isaga iyo xiriirada kale.

Balse waxa uu sheegay in uu si khaldan uga baqay inay taasi meesha ka saari doonto dareenka uu u qabo hooyadiis, Diana, taas oo ku dhimatay shil baabuur oo ka dhacay Paris 1997 markaas oo Harry uu 12 jir ahaa.

"Mid kamid ah waxyaalihii aan aadka uga baqayay waxa ay ahayd in aan lumiyo dareenka aan hooyaday u qabo... waxkasta oo aan maankeyga ugu hayay hooyaday," ayuu yiri Amiir Harry.

Laakiin ma uusan lumin dareenkaas oo wuxuu ogaaday "in dhab ahaantii ay rabtay inaan farxo", ayuu u sheegay Dr Maté.

Buugga Amiir Harry

Xigashada Sawirka, PETER NICHOLLS

Qoraalka sawirka, Buugga Amiir Harry

Amiirku wuxuu ka hadlay inuu "aad ugu faraxsanyahay" sida xaaskiisa Meghan ay wax uga baddeshay aragtidiisa, isagoo ugu yeeray inay tahay "qof aan caadi ahayn".

Hasayeeshee wuxuu sheegay in la kulankii Meghan uu ku bartay "koorso ballaaran" oo la xiriirta khibradda cunsuriyadda, taasoo uu ku tilmaamay "wax laga naxo".

Amiir Harry waxa kale oo uu difaacay inuu isticmaalay dawooyinka dhimirka, isaga oo sheegay in ay ka caawisay in uu “la tacaalo dhibka iyo xanuunkii hore u soo maray” taas oo la mid aheyd sida loo “nadiifiyo muraayadaha dabaysha celiya”.

Waxa uu sheegay in qaadashada kookaynta aanay "waxba u tarin" laakiin "xashiishku uu ka duwan yahay, taasina runtii waa ay i caawisay".

Si dhagaystayaasha ay online-ka uga daawadaan wareysiga waxay ku qasbanaadeen inay iibsadaan nuqul kamid ah xusuus-qorka aadka u gadmay ee Amiir Harry, buugaas oo laga qoray warbixinno badan oo lagu eegayay xiisadaha aanan noocooda oo kale hore loo arag oo ka dhex jiray qoyska boqortooyada.

Waxaa kamid ahaa inuu ku andacooday inay gacan isu qaadeen walaalkii Amiir William, wuxuuna diiwaangeliyay sida uu daroogada u qaadan jiray.