Alina Kabaeva: Xayiraad lagu soo rogay marwada qarsoon ee madaxweyne Putin?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda UK ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay xaaskii hore ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo gabadha hadda lagu tuhmayo inay saaxib la tahay Putin kadib duullaanka Ukraine.
Putin ayaa sanadkii 2014-kii guursaday Lyudmila Ocheretnaya, iyo Alina Kabaeva oo loo yaqaan 'Marwada Qarsoon' ee Ruushka kuwaas oo haatan wajahaya xayiraad dhanka socdaalka iyo hantida ee UK.
Tan iyo markii ay kala tageen Putin xaaskii hore Lyudmila Ocheretnaya, waxaa la sheegay inay ka faa'ideysatay xiriir ganacsi oo ay la sameysay hay'adaha dowladda isla markaana ay heysato hanti badan.
Lyudmila Ocheretnaya, ayaa sidoo kale xiriir dhow la leh Putin, waxayna ka heshaa faa'iido dhaqaal, sida laga soo xigtay Xafiiska Arrimaha Dibadda, ee ururka Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee UK (FCDO).
UK ayaa haatan in ka badan 1,000 qof ku dartay liiska cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss ayaa sheegtay in Britain ay " adkeynayso xayiraadda ka dhanka ah dadka u dhaw dhaw Putin'
Waxay intaa ku dartay in UK ay sii wadi doonto inay cunaqabatayn saarto dhammaan dadka ka qeyb qaata isla markaana gacan ka geysta gardarrada Putin' kadib duullaanka uu ku qaaday Ukraine.
Ms Truss ayaa sheegtay in cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka la qaadi doono oo kaliya ah marka dhammaan uu ciidamadiisa kala baxo Ukraine.
Horaantii bishan ayaa la sheegay in Midowga Yurub uu qorsheynayo in uu cunaqabateyn ku soo rogayo shaqsiyaad badan oo Ruush ah, oo ay ku jirto Ms Kabaeva.
Tan iyo markii Ruushka uu gudaha u galay Ukraine 24-kii Febraayo, kumannaan rayid ah iyo dagaalyahanno ayaa la dilay ama la dhaawacay, ilaa 14 milyan oo qof ayaa ka qaxay Ukraine iyadoo in ka badan lix milyan ay magangalyo u raadsadeen dalalka dibadda.
Waa tuma Alina Kabaeva?
Alina waxaay ku guuleystay bilad dahab ah ciyaarihii Olombikada Athens 2004. Wuxuu bilaabay jimicsiga caadiga ah iyadoo 13 jir ah waxayna ku guuleystay horyaalkeedii ugu horreeyay ee adduunka sannadkii 1998-dii.
Tan iyo markaas waxay ku guuleystay billado dhowr ah waxaana ka mid ahaa koobabkii sannadadii 2001 iyo 2002 ee Horyaalkii Yurub. Waxa ay sidoo kale ku guuleystay dhowr koob oo adduunka ah sannadkii 2003.
Alina waxa ay siyaasadda Ruushka ku soo biirtay sannadkii 2005-tii, xilligaas oo magaceeda lala xidhiidhinayey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa sidoo kale loo doortay Xisbiga Midnimada Ruushka ee Duma , oo ah aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka. Sannadkii 2014, waxa lagu sharfay inay ka mid noqoto dhawr ciyaartoy oo sitay tooshka Olombikada Olombikada Sochi.
Alina kuma aysan lug yeelan ciyaaraha iyo siyaasadda oo kaliya, balse waxa ay sidoo kale madax ka noqotay warbaahinta qaranka ee dowladda Ruushka. Sida laga soo xigtay Moscow Times, magaceeda ayaa laga saaray mareegaha kadib markii ay caddaatay bishii April in cunaqabatayn reer galbeedka lagu soo rogi karo dagaalka Ukraine awgii.
Sida uu qoray wargeyska Moscow Times, saraakiil ka kala socda Switzerland, Maraykanka iyo Yurub ayaa wargeyska Wall Street Journal u sheegay in Alina ay u safartay Switzerland sannadkii 2015 si ay ugu soo umusho. Sannadkii 2019, Elena waxay gudaha Moscow ku dhashay mataano. Hase yeeshee Madaxweyne Putin waligiis ma uusan xaqiijin warkan.













