You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
UK: Garoonkii ugu horreeyay ay kusoo degaan baabuurta duusha oo la furayo
Garoonkii ugu horreeyay ee dunida laga hirgeliyo kaas oo ay kusoo degi doonaan baabuurta duusha iyo diyaaradaha Drones-ka korontada ku shaqeeya ayaa laga furay dalka UK, haddii ay guul ku dhammaato arrintani waxaa dhici kartaa in dunida laga dhiso kumanaan kale oo garoonka ah.
Garoonkan waxaa laga dhisay magaalada Coventry, waxaana loogu talagalay inay ku degaan ama ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee korontada ku shaqeeya iyo tagaasida duusha, garoonkana laftiisa wuxuu ku shaqeeya unugyo shidaal maadada Haydarojiin ah.
Waxaana mashruucan iska kaashaday dowladda hoose ee Coventry iyo shirkadda laga leeyahay UK ee Urban Air si loo muujiyo isticmaalka awoodda iyo dhaqdhaqaaqa hawada magaalooyinka si loo yareeyo saxmadda iyo wasakhowga hawada.
Shirkadda Hyundai laanteeda dhanka gaadiidka hawada ayaa baabuur duula u dirtay halkaas kaas oo lagu soo bandhigi doono garoonkan diyaaradaha.
Shirkadda duulimaadka ee Urban Air ayaa sheegtay in caqabadda ku hor gudboon in la sameeyo diyaarad koronto ku shaqeyso ay tahay in aan la hayn kaabayaashii ka qeyb qaadan kara dhaqangelinta mashruucaas.
Air-One waxaa loogu talagalay inay si buuxda u madax-bannaanaato isla markaana ay horseedo in baabuurta korontada ku shaqeeya si buuxda uga mid noqdaan gaadiidka dadweynaha. Dhammaan mashruuca Coventry wuxuu qaatay 15 bilood oo kaliya laga bilaabo qorshayntiisa ilaa dhamaystirkiisa.
Isagoo ka hadlayay furitaanka garoonka, aasaasaha shirkadda Urban Airport ayaa yiri, "waa marxalad cusub oo ku saabsan gaadiidka kaas aan laheyn wax saxmad ah, si fudud ayay isaga kala gooshi doonaan, qorshaha oo ay dadka ku farxi doonaan isla markaana ah mid nabdoon"
Maadama ay suuqa qabsan doonaa mustaqbalka, tagaasida duusha iyo Drones-ka waa in loo sameeyo garoomo yar yar oo ku degi karaan, si magaalooyinka ay uga yaraadaan saxmadda iyo ciriiriga ka dhasha aaladahaas.
Garoomadan wuxuu horraan qorshaha ahaa in loo bixiyo 'Skyports' si dadka dalbada ay uga qaadaan goobahaas.
Shirkadda Joby Aviation ee fadhigeedu yahay gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa hormuud ka ah dadaallo lagu sameeynayo tagaasida duusha, ayaa waxay horraan sameysay ilaa 1,000 tijaabo ah oo ku saabsan tagaasida duusha ee loo yaqaano eVTOL.
Waxay shirkaddan ku rajo wentahay in waaxda duulaamdka Mareykanka ay ka heli doonto ogolaansho iyo ansixin ku saabsan howlgelinta tagaasida duushada si howshan u bilowdo sannadka 2024.
Tagsiga duulaya ee ay tijaabisay shirkaddan wuxuu qaadi karaa ilaa afar qof oo rakaab ah, wuxuu jari karaa masaafo dhan 322km saacadiiba.
"Waxaan saadaalineynaa in adeegeena dhanka hawada ee tagaasida ay isaga kala gooshi doono goobaha dadka ay ku badan yihiin sida magaalooyinka iyo xarumaha shaqo," ayuu yiri Oliver Walker-Jone, oo ah afhayeen u hadlay shirkadda Joby.
"Waxaan la shaqeyneynaa maamulada magaalooyinka si adeegyadeena uu ugu xirnaado gaadidyada kale, si garoomadeena looga ag dhiso tareenada, garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale".
Khuburrada waxay ka digayaan dhowr caqabadood oo soo wajahi kara mustaqbalka tagaasida duusha, gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhalan kara garoomada ay ka duuli karaan.
"Iyadoo adeegan uu ina xusuusinayo filimkii The Jetsons, inta aanan la gaarin ka miro dhalinta qorshahan, waa in la eegaa dhowr caqabadood oo ku hor gudboon arrintani," waxaa sidaas tiri Jennifer Richter, oo ah qareen ka howlgasha Mareykanka oo ku takhasustay sharciyada la xiriira Drones-ka iyo takaasida duusha.
"Waxaan ka mid ah caqabadahaas, in marka hore ay dadweynaha aqbalaan adeegan; in si xowli ah loo soo saaro; in la xoojiyo awoodda iyo maaliyadda kaabayaasha la xiriira adeegan iyo in la hormariyo maamulka hawada ee adeegan," ayay tiri Jennifer Richter.