Jilaa yidhi ha la beddelo sawirka filimadu ka bixiyaan Muslimiinta

Published

Jilaaga Ingiriiska ah ee Rays Axmed ayaa billaabay sanduuq gacan ka gaysanayay joojinta in la abuuro "muuqaallo togan oo ay Muslimiinta" ka bixiyaan filimadu.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii daraasad la sameeyey ay muuisay in Muslimiinta ay dhif ku yihiin in ay ka soo baxaan shaashadaha oo hadiiba ay ka soo baxaanna muuqaalka laga bixinayaa yahay mid taban.

Xeer aan qornayn

Axmed oo ah Muslim kii uu horeeyey ee loo magacaabo inuu ku haboon yahay jilaaga ugu fiican ee u qalma abaal marinta Oscar sannadkan ayaa yidhi "la iskama sii indho tiri karo muuqaalka taban ee Muslimiinta laga bixinayo"

"Waxaan muunayntaa ku qaabilay dareen mahad naq ah shakhsi ahaan, laakiin waxaan sidoo kale dareemay murugo badan".

Waxaanu intaa ku daray "sidee ayay caqli gal u tahay in qof Muslim ah oo ka mid ah bulsho 1.6 bilyan oo qof ah oo rubuc ka ah dadka dunida ku guud nool sidee ayaanu qof kale tanoo kale u helin weli. Waxaanan is weydiiyey sababta aan keligay u noqday ee dadka kale ee ila midka ah aanay weli u gaadhin halkaa? Waa maxay xeerka aan qornayn ee Muslimiinta lagu ximmiyaa? Maxay door ugu yeelan waayeen tebinta sheekooyin kayaga iyo dhaqankayga ee bulshooyinkayaga".

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi "horumarka ay gaadheen dad tiro yar oo naga mid ahi sawir buuxa kama bixinayo hadii ay weli jito in Muslimiint aanay si muuqata uga soo bixin shaashadaha filimada oo wixii sawir ah ee laga bixiyaaana yayay muuqaallo ay metelayaan shakhisiyaad taban."

Axmed wuxuu sheegay in sanduuqa uu aasaasay ujeedadiisu tahay inuu taageero iyo tilmaan iyo maalgelin ba siiyo qoreyaasha sheekooyinka ee soo kacaya.

Waxaana jiri doona kaalmo qiimaheedu tahay 25,000 oo doolar oo la siindoono fanaaniinta da'da yare e Muslimiinta ah oo ay bixin doono gudi ay ku jiraan jileyaal ay ka mid yihiin Mahir Shalaa Cali, Raami Yuusuf iyo Xasan Minhaaj.

Daraasadda uu ku go'aan qaatay Rays Axmed ayaa lagu sheegay in ugu yaraan boqolkiiba toban filimadii lacagaha badan laga helay intii u dhaxaysay sannadihii 2017- 2019 ee Ingiriiska, Maraykanka, Australia ay ku jireen shakhsiyaad Muslimiin ah oo doorar ka metelayey.

In kasta oo shakhsiyaadkaasi aanay ahayn xidigaha sheekooyinku ku socotay ama ay metelayeen door halis ah ma sumcad dilida ahaa ayaa hadana waxaa ka muuqday in ku dhawaad saddex meeloodw laba shakhsiyaadkaasi ay metalayeen door colaad iyo dhibaatayn ah oo loogu talo galay.

Waxa uu Axmed sheegay in shakhsiyaadkaa badankooda lagu muujiyey "doorar cunsirinimo ah" waxaanu intaa ku daray in "sawirka Muslimiinta lagaga bixinayo shaashadaha filimadu uu dhiiri galin u yahay siyaasadaha qaarkood iyo hawl gallada ka dhasha ee ah dilalka iyo duulaannada lagu qaado dalalka. Xogtu been ma sheegto daraasaddanina waxay muujisay heerka dhibatada ka jirta filimadu ay leegtahay".

Albab Khan oo ka mid ah dadka daraasadda sameeyey ayaa sheegay in "Muslimiintu ku noolyihiin daafaha dunida laakiin dadka daawada filimadani ay ku qiimeeyaan doorarka xadidan ee filimada lagu muujiyo ee aanay arag nolosha dhabta ah ee Muslimiinta ee ay yihiin dad saaxiibtinimo leh jaar ah oo la jaalkoodu nolosha badh ka yahay".

Rays Axmed wuxuu ku soo shaac baxay doorkii shakhsiyad jihaad doonka ahayd ee uu ka matelay filimka"afarta libaax" ee caanka noqoday sannadkii 2010. Waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in filimkaas dartii loogu magacaabay inuu u qalmo abaal marinta Oscar-ka

Filimkiisii ugu dambeeyey waaa Moghul Mowgli oo soo bandhigaya dhaqanka Aasiya.

Jilidda filimada ka sokow waxa kale oo lagu yaqaan Axmed inuu yahay heesaa qaada raabka waxaanu albamkiisuu ugu dambeeyey ee soo baxay sannadkii 2020 kaga hadlayey arinta Islaam nacaybka ee ka jirta Ingiriiska.