You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
BBC-da oo shaacisay inay dhimeyso shaqaale dhan 450
Ku dhawaad 450 shaqo ayay BBC-da sheegtay in ay xireyso, kuwaas oo qeyb ka ah ujeedka 2020-ka ee la doonayo in lagu yareyo isticmaalka kharash dhan 80 milyan oo Pound.
Madaxa wararka e BBC-da, Fran Unsworth oo sharaxaad ka bixisay ujeedada arrintan ayaa sheegtay in ay doonayaan inay u weecdaan qaab wararka loo tebiyo ee casriga ee Digitaalka-ah, waxna laga badelo sidii markii hore wararka loo tabin jiray.
Madaxa urur ay ku mideysan yihiin weriyeyaasha oo lagu magacaabo Bectu ayaa sheegay in tani ay ka dhigan tahay cadaadis horleh oo la saari doona shaqaalaha, si ay hawsha u qabtaan.
Shaqo dhimista la shaaciyay ayaa waxaa kamid ah barnaamijyo horay loo shaaciyay in la xirayo, waxaana kamid ah barnaamijka ka baxa laanta BBC Two's ee Victoria Derbyshire ee qeybta English-ka.
Qebta wararka ee BBC News ayaa waxaa haatan u shaqeeya 6 kun oo shaqaale oo ay kamid yihiin 1,700 oo ka hawgala meel ka baxsan dalka Ingiriiska.
Marka laga gudbo hawsha shaqo dhimista, waxaa barnaamijyada BBC News sanadkiiba ku bixi doonta lacag dhan 480 milyan oo Ginia am Pound.
Unsworth, agaasimaha wararka ee BBC-da waxaa kale oo ay sheegtay in loo baahan yahay in lala jaanqaado dunida casriga h.
"Waxaanu u baahanahay dib u habeyn aan ku sameynayo BBC-da tobanka sano ee soo socda, si aynu u yareyno kharaashadka inagu baxa. Dhaqaale badan waxaa uu inooga baxaa qaabkii hore ee wararka loo tebin jiray, waxbadanna kuma bixino habka casriga ah ee wararka loo tebiyo", ayay tiri.
Muxuu yahay qorshahan?
BBC-da ayaa sanadkii 2016-ka waxay guud ahaan shaacisay qorshe lagu dhimayo kharash dhan 800 oo milyan oo Gini, waxaana 80 milyan oo kamid ah lacagtaas laga dhimayaa barnamaijyada wararka.
40 milyan oo kamid ah lacagtaas ayay BBC-du sheegtay in durbaba la keydiiyay afartii sano ee lasoo dhaafay.
Waxaa kale oo madaxda BBC-da ay sheegeen in sheekooyin la qorsheeyay oo isku mid ah laga baahin doona barnamaijyada, taasi oo ay sheegeen inay joojin doonta barnaamijyada isku midka ah ee ka baxa BBC-da, dhaqalaaha badanna lagu bixiyo.
Kharaashadka dhiman ayaa la sheegay in laga soo saari doonaa dib u habeynta lagu sameynayo qaabka wararka loo tebiyo.
Haseyeeshee arrintan ayaa waxay ka dhigan tahay in ay yaraan doonaan sheekooyinka laga baahiyo barnaamijka BBC Newsnight.
Hey'adda waxaa kale oo ay sheegtay in fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shaqooyinka la dhimi doona ay dib kasoo sheegi doonaan.
Unsworth waxaa kale oo ay sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doona barnaamijy daadihiyaasha BBC News iyo sida ay u shaqeeyaan.
Inkastoo la xirayo barnaamijyada Victoria Derbyshire iyo World Update, haddana Unsworth waxaa kale oo ay sheegtay in gebi ahaanba laga yaabo in la xiro laantaasi mustaqbalka.
Shaqo dhimista la sameyn doona ayaa waxay saameyn doontaa 50 shaqaale oo katirsan BBC-da qeybteeda dibadaha la hadasho ee la yirahdo BBC World Services.