You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Greta Thunberg aabaheed: Iyadu way faraxsantahee anaa walaac qaba
Greta Thunberg aabaheed ayaa sheegay in uu qabo in ay "fikrad fiican tahay" in ay inantiisu "xaga hore" ka gasho dagaalka lagula jiro isbedelka cimilada.
Malaayiin qof ayey horseed u noqotay oo kala qayb galay inanta yare e 16 jirka ah in ay dadka lagu wacyi geliyo arimaha deegaanka.
Laakiin Svante Thunberg ayaa BBC-da u sheegay in aanu "taageersanayn" in inantiisu duruusta Iskuulka kaga mashquusho halganka cimilada.
Thunberg waxa uu sheegay in Greta ay tan iyo markii ay noqotay qof u dhaqdhaqaaqa arimahaas ay farxad badan heshay laakiin uu isagu walaac ka qabo "nacaybka" soo food saara.
Barnaamijka aabaheed waraysiga lagaga qaaday Today eek a baxa BBC Radio 4 oo ay tifaftire sharafeed ka ahayd ayaa soo jeediyahu Sir David Attenborough u sheegay in ay "dunida ku baraarujisay" isbedelka cimilada.
Barnaamijka oo ay kaga qayb gashay Skype-ka iyada oo joogta magaalada Stockholm ee dalka Sweden oo ah halka ay ku nooshayay,, ayaya wxay iyadna isaga u sheegtay in ay saamayn uu qudheeda ku yeeshay hawlahaa u bilowday.
Waxa uu tebihiyii barnaamiku wuxu ku yidhi Greta "waxaad gaadhay wax qaar badan oo naga mid ah oo arintan u ololaynayey 20 sano ay gaadhi waayeen".
Waxaanu intaa ku daray in inantaa 16 jirka ahi ay "keligeed sabab u noqotay" in isbedelka cimilada noqdo qodob weyn oo lagaga doodo doorashadii guud ee dhawaan ka dhacday Ingiriiska.
Greta waxa ay ku jirtay dadkii loo magacaabay in ay mudan yihiin abaal marinta nabadda ee Noble Peace Prize, sababtuan waxay ahayd dhaqdhaaqii dunida ee ay horseedka u noqotay ee hogaamiyeyaasha dunida ka dalbanayey in ay go'aan ka gaadhaan isbedelka cimilada. Waxa sidoo kale ololeheedu dhaliyey in mudaharaaddo abaabulani iskuulada dunida oo dhan ka dhacaan.
Waxay ka mid tahay shanta qof ee dunida magaca ku leh ee barnaamijka Today tifaftire sharafeedka ka noqonaya maalmahan fasaxa ah.
BBC-da ayaa weriye Mishal Husain u dirtay Sweden si ay inantaa yar iyo aabaheed waraysi ula soo yeelato.
Qulub ay la daalaa dhacasyo.
Isagoo waraysiga siinaya Mishal ayaa Thunberg waxa uu sheegay in inantiisu ay la daalaa dhacaysay qulubka "saddex ama afar sanadood" ha intii aanay mudaharaadka ka bilaabin iskuulkeeda.
"hadalkii bay daysay…… iskuulii bay tagi weyday" ayuu yidhi.
Waxaanu intaa ku daray in 'u ahayd dhibtii ugu cuslayd ee waalid ahaan la soo derista" markii Greta diiday in ay wax cunto ba.
Si uu ugu wehel yeelo ayaa Thunberg waxa uu wakhti badan kula qaatay Greta iyo walaasheeda ka yare e Beata gurigooda. Greta hooyadeed oo ah hoobal qaada heesa opera waxay iyaduna joojisay in ay bandhigyo ka qayb gasho si qoyska oo dhami inantooda u garab joogaan.
Thunberg waxa uu sheegay in qoys ahaan ay sidoo kale goosteen in ay dhakhtar u geeyaan.
Greta markii ay 12 jirka ahayd ayaa laga helay Aperger's oo ah nooc ka mid ah Austism-ka taas oo ay sheegtay inuu fursad u siiyey in ay "arimaha dhan kale ka eegto oo fiiro dheeraato".
Thunberg wuxu yidhi Greta way "isbedeshay" oo waxay noqotay qof "aad u farad badan" waana arin ka dhalatay ololaha ay ku jirto.
Waxa uu aabaheed sidoo kale sheegay in uu si gaar aad uga walaacsanyahay "wararka beenta ah ee dadku ka sheegaan iyo nacaybka ka dhashay wararkaas".
Laakiin waxa uu intaa ku daray in inantiisu dhaliisha "si aad u fiican" uga falceliso.
"Run ahaantii garan maayo wax u sahlaye, badanaa way ku qososhaa uun, wax maad ah uun bay u aragtaa" ayuu yidhi.
Thunberg wuxu sheegay in uu rajaynayo in mustaqbalka duruufuhu "u fududaan doonaan" qoyskiisa, isla markaana uu rajaynayo in Greta "aqbali doono in ay iskuulka ku noqoto".
Waxaanu intaa ku daray in Greta 17 jir dhawaan noqon doonto oo aanay u baahan doonin in waalidkeedu safarrada la galaan.
"Hadii ay ii baahato, diyaar baan u ahay. Waxaan isku dayi doonaa in aa raaco" ayuu yidhi "laakiin u malayn maayo inay ii baahan doonto, hadda ka dib waxa kasta iyadaa qabsan doonta waana wax wanaagsan taasi".