Turkiga: Haweenay mucaarad ah oo Erdogan baad cayday loo xidhay

Canan Kaftancioglu

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Canan Kaftancioglu
Published

Siyaasiyad caan ah oo aragtideedu tahay cilmaani oo Tuki ah aya alagu xukumay toban sano ku dhawaad xadhig ah, waxaana loo haystaa "cay iyo borobagaando aragagixiso" oo ay kala hor timid dawladda Turkiga.

Canan Kaftancioglu oo 47 jir ah ayaa dembiyada lagu helay waxa ay u badan yihiin qoraallo ay Twitter-ka ku qortay dhawr sannadood ka hor.

Waxay sheegtay in eedaha lagu oo oogay yihiin kuwo dano siyaasadeed laga leehay, xabsigana aanay gelayn ilaa inta racfaan ay qaadatay go'aan laga gaadhayo.

Canan waa gudoomiyaha xafiiska magaalada ugu wayn dalka, Istanbul ee Xisbiga Jamhuuriga Shacabka (CHP) ee mucaaradk ah.

Kaftancioglu waxay door wayn ka ciyaartay guushii duqa magaalada Istanbul uu ku guulaystay bishii Juun xisbiga CHP ee uu kaga adkaaday xisbiga talada haya ee AKP.

Ekrem Imamoglu oo ahaa musharaxa CHP ayaa musharaxii xibiga madaxweyne Erdogan doorashadii ku celiska ahayd afka ciidda ugu daray.

Jimcihii ayaa lagu xukumay Canan sagaal sano, sideed bilood iyo labaatan cisho oo xabsi ah.

Waxaana lagu eedeeyey in ay ku "cayday" Madaxweyne Erdogan iyo dawlada Turkiga ba qoraalkaa ay ku baahisay Twitter-ka iyo in ay sidoo kale "faafinaysay borobagaando aragagixiso".

Eedahaa lagu soo oogay waxay salka ku hayaan mudaharaaddo dawladda lagaga soo horjeeday oo dhacay 2013-kii iyo xisbiga PKK ee la mamnuucay ee Kurdiyiinta.

Hal qabsi ahaa #TurkiyeSeninleCananBaskan ( Turkigu wuu ku garab taagan yahay, gudoomiye Canan-eey) ayaa ahaa ka ugu horeeya doodaha ka socday baraha bulshadu ku xidhiidho ee Turkiga intii ay Istanbul ka socotay dacwadda Kaftaniouglu.

Markii uu dhacay xukunka maxkamaddu ka dib ayaa Imamoglu waxa uu yidhi "caddaaladi dalkan kamajirto. Turkiga garsorayaashiisu halkii damiirkoogu hagi lahaa ayaa ay eegayaan dhanka qasriga madaxtooyada".

Madaxweyne Erdogan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Erdogan

Waxaanu sheegay in Canan xukunkaa lagu riday "sababtiisu tahay guushii ay ka soo hoysay doorashadii Istanbul".

Musharaxii CHP, Ekrem Imamoglu, wuxu codad badan oo aan la filayn inuu ka heli doono doorashadaa kaga adkaaday musharaxii AKP Binali Yildrim ooh ore u soo noqday ra'isal wasaare.

Guushii uu gaadhay doorashadii hore ee dhacday bishii Maarj ayaa la buriyey, ka dib markii xisbiga AKP ku dooday in musuq dhacay.

Hase yeeshee Yildrim doorashadii ku celiska ahayd wuu aqbalay in Imamoglu ka adkaaday, madaxweyne Erdoganna wuu ugu hambalyeeyey musharaxii CHP guushii uu gaadhay.

Mar doorashada ka horraysay ayuu se Erdogan yidhi "ciddii ku guulaysata Istanbul uun baa Turkigana ku guulaysan".

Erdogan wuxu dalka xukumayaa ilaa 2003-dii oo uu marna ahaa ra'isal wasaare haatanna madaxweyne, waxaanu noqday hogaamiyihii ugu awoodda badnaa dalka marka laga reebo Mustafa Kemal Ataturk, oo ahaa ninkii aasaasay jamhuuriyadda casriga ah ee Turkiga.