Koox Ingiriis ah oo garoonkeeda qeyb ka siisay dad darbi-jiif ah

CRYSTAL PALACE Darbi jiif

Xigashada Sawirka, CRYSTAL PALACE FC

Qoraalka sawirka, Halka ay seexan doonaan dadka darbi jiifka ah
Published

Kooxda Crystal Palace ee ka dheesha horyaalka Ingiriiska ayaa qeyb ka mid ah garoonkeeda Selhurst Park hooy uga dhigtay dadka darbi-jiifka ah.

Iyadoo la saadaalinayo in dhawaan uu qabow daran ka dhici doono Britain, ayaa kooxdan waxa ay hadda bilowday in ilaa 10 qof oo darbi-jiif ah ay ku hoydaan garoonka.

Dadkaasi ayaa sidoo kale heli doona cunno iyo meelo ay isku nadiifiyaan sida uu sheegay golaha deegaanka Croydon oo kooxda ka caawiyay arinkan.

Sideed qof oo darbi jiif ah ayaa habeenkii Khamiista lagu billaabay hoygaasi, waxaana ay ku seexdeen sariiraha safarrada loo qaato.

Madaxa fulinta ee Crystal Palace, Phil Alexander, ayaa sheegay inay doonayaan in kooxda ay wax u tarto bulshada deegaanka.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa naadigaasi waxaa loo ogolaaday inuu kordhiyo tirada kuraasta garoonka Selhurst Park oo hadda ah 25,456, taasoo laga dhigi doono in ka badan 34,000.

Kooxda Palace ayaa maanta kulan xiiso leh la dheeli doonta Liverpool oo hadda hogaanka u haysa horyaalka xilli ciyaareedkan.