You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Antonio Conte: waan sii joogi doonaa Chelsea
Published
Tababaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte ayaa waxaa uu sheegay in uu sii joogi doono kooxdaasi sannado badan, oo uu kooxda ku hogaamin doono garoonka cusub ee ay dooneyso inay dhisato.
Mr Conte ayaa sheegay in fursad cajiib ah ay u noqon doonto isaga iyo kooxdu ba inay ku wada dheelaan garoonka cusub.
Duqa magaalada London ayaa kooxda Chelsea u ogolaaday inay dib u dhis ku sameyso garoonkeeda Stamford Bridge, waxaana haddii la dhiso garonkaasi uu qaadi doonaa dad gaaraya lixdan kun oo qof.
Dhismaha garoonka ayaa waxaa lagu qiyaasay inay ku baxeyso lacag dhan shan boqol oo milyan oo gini.