Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in
weerarrada ay “joojin doonaan dhowaan” kadib codsi ka yimid Iran.
Sida ay ku warrantay Fox News, Trump wuxuu wareysi ku
sheegay inuu amar ku bixiyay in la hakiyo weerarro cusub oo ka dhan ah Iran
kadib “wicis taleefoon oo toos ah oo ka yimid Iran” iyo codsi uu sameeyay
mas’uul sare oo dalkaasi ah.
Dhanka kale, warbaahinta rasmiga ah ee ku dhow Ilaalada
Kacaanka (IRGC) ee Iran ayaa si cad u diiday sheegashadaas, iyagoo ku tilmaamay
“been” in Iran ay codsatay joojinta weerarrada.
Wariyaha Fox News ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu ku
xusay wicitaanka telefoonka ah in weerarro lagu qaaday gudaha Iran ay ku lug
lahaayeen gantaallada Tomahawk oo lagu bartilmaameedsaday raadaarada difaaca,
xarumaha difaaca, iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.
Weerarradaas ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha Iran,
dhowr kiilomitir meel u jira magaalada caasimada ah ee Tehran.
Markii la weydiiyay su’aal ku saabsan suuragalnimada in Iran
ay diido heshiiska uu Mareykanku soo jeediyay, Trump wuxuu ku jawaabay: “haddii
ay diidaan, mar kale waa la duqeeyn doonaa.”