You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dadka ay tahay in aysan u dhawaan oo ay cunin Canbaha
Xilliga kulaylaha ee, cambaha waa mid ka mid ah miraha sida weyn loo jecel yahay loona isticmaalo.
Jilicsanaantiisa, macaankiisa, iyo udgoonkiisa ayaa ka dhigaya in dad badan aysan ka maarmin cunistiisa.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo mirahan ay caan yihiin, khubarada caafimaadku waxay sheegayaan in aanay habboonayn in qof walba uu cabo casiirka cambaha ama uu si xad-dhaaf ah u cuno cambaha.
Xaaladaha qaarkood, waxa loo arko "nafaqo wanaagsan" ayaa dhibaato u keeni karta kooxo gaar ah oo dadk ka mid ah haddii aan taxaddar la muujin, sida ay u sheegeyso khabiirka nafaqada Dr. Amina Yusuf oo la hadashay BBC.
Maxaa ka mid ah nafaqooyinka ku jira canbaha?
Khabiirkan ayaa sheegay in canbaha ay ku jiraan maaddooyin badan oo faa'iido leh kuwaas oo kor u qaada tamarta jirka kana ilaaliya cudurrada qaarkood.
Waxyaabaha nafaqada leh ee ku jira cambaha waxaa ka mid ah:
- Vitamin C – Waxay ka caawisaa xoojinta difaaca jirka iyo dayactirka unugyada.
- Vitamin A (madada Beta-carotene) – Nafaqadan waxay faa'iido u leedahay caafimaadka indhaha iyo maqaarka.
- Fiber – Waxay ka caawisaa dheefshiidka cuntada waxayna yaraysaa calool-fadhiga iyo bararka caloosha.
- Potassium – Waxay gacan ka geysataa xakamaynta garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga.
- Folate (Vitamin B9) – Khabiirku waxay sheegtay inay si gaar ah muhiim ugu tahay haweenka uurka leh.
- Magnesium – Waxay ka caawisaa shaqada murqaha iyo neerfayaasha.
- Antioxidants sida Mangiferin, Quercetin, Catechins, iyo Gallic Acid – Kuwani waxay ka ilaaliyaan unugyada jirka waxyeellada iyo dhaawaca.
- Sida ay sheegtay khabiirku, nafaqooyinkan ayaa si weyn uga qayb qaata xoojinta iyo ilaalinta nidaamka difaaca jirka.
Yay tahay inuusan cunin canbaha?
Dhaqtarku waxa uu sheegay in marka laga yimaado faa'iidooyinkan uu canbaha u keeno bini'aadamka, haddana ay jiraan kooxo gaar ah oo ay tahay in ay ka digtoonaadaan isticmaalkiisa ama aanay haba yaraatee cunin.
Dadka waxaa ka mid ah;
Sonkorowga
Cambaha waxaa ku jira sonkor, inkastoo aysan ahayn nooca macmacaanka laga helo. Isticmaalka canbaha badan waxay keeni kartaa in heerka sonkorta dhiigga kor u kacdo.
"Ma odhan lahaa dadka macaanka qaba waa in aanay haba yaraatee cunin canbaha, laakiin waa in ay ka taxadaraan cadadka ay cunayaan, cunista badan ee hal mar waxa ay saamayn ku yeelan kartaa sida uu jidhku u habeeyo sonkorta" ayay tidhi Dr Aamina.
Dadka qaba dhibaatooyinka kelyaha
Khabiirka ayaa sheegtay in maadada Potassium ay ka mid tahay nafaqooyinka faraha badan ee ku jira canbaha. Inkasta oo potassium-ka uu ka caawiyo habaynta heerka garaaca wadnaha iyo shaqada muruqa, dadka kelyuhu shaqayn waayeen waxay la kulmi karaan dhibaatooyin haddii ay isticmaalaan.
Haddii potassium-ku ku badan yahay jirka, waxay keeni kartaa dhibaatooyin wadnaha iyo dhibaatooyin kale oo halis ah.
Dadka qaba shuban ama dhibaatooyinka mindhicirka
Cambaha waxaa ku jira xaddi badan oo fiber ah, taasoo ka caawisa dhaqdhaqaaqa xiidmaha.
Si kastaba ha ahaatee, dadka qaba shuban ama dhibaatooyinka kale ee mindhicirka, cunista badan ee canbaha waxay uga sii dari kartaa dhibaatada.
Dadka doonaya inay lumiyaan miisaankooda ama cayilka
Inkasta oo cambe ay faa'iido u leedahay caafimaadka, waxay ka kooban tahay kalooriyo iyo sonkor ka badan miraha kale, ayay tiri.
"Dadka doonaya in ay miisaankooda dhimaan ama dufanka yareeyaan waa in aysan cunin canbaha ama waa in ay si aad ah u isticmaalaan."
Sida loo cuno canbaha
Khabiirka ayaa sheegay in canbaha uu faa'iido u leeyahay caafimaadka haddii si dhexdhexaad ah loo isticmaalo.
Waxay farta ku fiqday tillaabooyinka ay tahay in la raaco cunista Cambaha;
Dooro canbaha wanaagsan oo leh qaab-dhismeed wanaagsan: Khabiirku waxay sheegtay in canbaha dhadhankiisu fiican yahay la isticmaalo oo hal ama dhawr xabbo maalintii ay ku filnaan karto qayb ka mid ah cuntada nafaqada leh.
- Si fiican u dhaq ka hor intaadan cunin.
- Iska ilaali cunista canbaha badan hal mar.
- Cab ka dib markaad cunto cunto nafaqo leh.
- Iska ilaali inaad sida dadka qaar u cunto qolofta cambaha