You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ilhan Cumar iyo Trump oo mar kale fooda-isdaray ''Waxaan ku noolahay maskaxda Trump''
Madaxweynaha Maraykanka iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa mar kale fooda-isdaray, kadib markii uu Trump eedo hawada u mariyay xildhibaanada isaga oo sheegay inay tahay in dalka laga saaro.
Shir jaraa'id oo uu kaga hadlayay arrimaha Iiraan iyo kaluumaysatada ayaa su'aalo la weydiinayay uu kusoo dhex daray eeda uu ujeedinayo Xildhibaanada iyo sidoo kale Soomaaliya oo ah dalka ay asal ahaan kasoo jeedo.
Gobolka Minnesota ayuu tusaale ahaan usoo qaatay waxa ka dhacaya iyo sidoo kale Soomaaliya oo uu sheegay inay ka yimaadeen, kuwo uu sheegay inay khiyaameen nidaamkooda.
'' Eeg waxa ka dhacay Minnesota. Soomaaliya. Dadkan oo dhan waxay ka yimaadeen Soomaaliya. Waxay khiyaameeyeen nidaamkeenna. Waxaa jirta haweeney guursatay walaalkeed. Waxay timid oo guursatay walaalkeed. Miyaanay qurux badnayn?''
Waxa uu sheegay in Ilhaan Cumar ay ka hadasho dastuurka Maraykanka, uusana dastuur lahayn dalka ay ka timid.
'' Kadibna waxay ka hadashaa Dastuurka Mareykanka. Waxay ka timid Soomaaliya. Soomaaliya dastuur ma leh. Boolis ma leh. Waxba ma leh. Waxa kaliya ee ay hayaan waa dad is daba ordaya oo is tooganaya. Kadibna waxay timaadaa oo na baraysaa sida waddankeena loo maamulo. Anigu taas ma jecli. Dadkani ma jecla. Waxaan kuu sheegi karaa. Waxaan u maleynayaa inaan idiin hadli karo.''
Soomaaliya ayuu ku tilmaamay inay tahay mid kamid ah dalalka ugu xun adduunka oo aan waxba lahayn.
''Ilhan Omar. Waa ay timid. Waxay na baraysaa sida Mareykanka loo maamulo. Waxay ka timi meel aan waxba lahayn. Aan waxba lahayn. Malaha waa mid ka mid ah dalalka ugu xun adduunka. Kadibna waxay leedahay, Dastuurka Mareykanka ayaa i difaacaya. Ma ahayn in la difaaco. Runtii, waa in dalka laga saaraa''
Waxa kale oo uu weeraray nidaamka cod bixinta ee gobolka Minnesota iyo masuuliyiinta laga soo doorto, isaga oo sheegay inuu saddex jeer ku guulaystay Minnesota, laakiinse aan isaga la siin guusha.
''Waa musuq iyadu. Dadka intooda badan ee yimid waa musuq. Nidaamka codbixinta oo dhan waa musuq ka jira Minnesota. Waxaan ku guuleystay Minnesota saddex jeer. Si fudud. Waxaan ku guuleystay ku dhowaad degmo kasta. Laakiin ima siin. Waa nidaam musuq ah. Waa Gobol aad u musuq ah. Guddoomiyuhu waa xun yahay. Xeer ilaaliyaha guud waa xun waa xun yahay. Dhammaantood waa dad musuq ah''
Eedaha qaar ee Soomaaliya, Minnesota iyo Ilhaan Cumar uu u jeediyay ayaan ahayn kuwo ay caddeymo la socdaan, aanana la xaqiijin karin dhab ahaantooda.
Dhankeeda Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa barteeda bulshada soo dhigtay qoraal jawaab u ah eedaha uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu iyada u jeediyay, iyada oo sheegtay inay ku dhex nooshahay maskaxda Trump si bilaash ah, ayna ahayd sida ay tilmaantay inuu wakhti ku bixiyo dhaqaalaha halka uu iyada ka fikiri lahaa.
''Waxaan ku dhex noolahay maskaxda Trump si bilaash ah. Bal qiyaas haddii uu nus kamid ah wakhtiga uu ku bixiyo hagaajinta dhaqaalaha halkii uu iga fikiri lahaa?''
Ma aha markii u horaysay oo madaxweyne Trump uu weerar afka ah uu ku qaado Xildhibaan Ilhaan Cumar, masuuliyiinta gobolka Minnesota iyo Soomaaliya oo uu dal ahaan wax badan uga sheegay.
Doorashooyinka soo socda ee la filayo in sannadka ay ka qabsoomaan Maraykanka ayaa qayb ka ahaan doono eedaha labada dhinac ee Trump iyo Ilhan ay isku jeedinayaan.