You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Waxaa horteyda ku geeriyooday saddex aan dhalay iyo afar aan awoowe u ahay"
Rahmat Gul qoyskiisu waxay isku dayayaan inay dhistaan Teendho uu siiyay siyaasi reer Afghanistaan ah. Dhinaca kale waxaa ay sidoo kale ka taageen Teendho ay siiysay hay'adda Bisha Cas. Waxay ka dhisanayaan Teendhooyinkaan dhul cidlo ah oo hadda la deegaameeyay, mana haystaan agab badan maadama wixii ay haysteen oo dhan ay waayeen hadda.
Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay koofur-bari dalka Afghanistaan ayaa guryahoodii cagta mariyay waxayna degganaayeen gobalka Gayan oo u dhow halka dhul-gariirku ka dhacay .Toddobo qof ayaa hal mar qoyskooda ka geeriyootay .
"Nolashu wax micno ah iima lahan".
"Saddex gabdhood oo aan dhalay iyo afar aan awoowe u ahaa ayaa horteyda ku geeriyooday aad ayaana uga xumaaday," ayuu yiri . Balse wali wuxuu haystaa caruur kale oo daryeel uga baahan.
Qosykiisa habeenkii dhul-gariirka waxay la haydeen murugo waxayna jiifteen meel bannaan ah oo roob ayaa ku dul da'ay. "Waxaan u baahannahay caawin wax kasta oo aan haysanay waan waynay,"ayuu yiri .Zarma Gul ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay dhulgariirka. Markii ay arintu dhacday waxa uu ku jaha wareeray badbaadinta qoyskiisa isaga oo is waydiiyay sida xaal noqon doono.
Wuxuu yiri: "Markii saqafka iyo darbiyadu ay dillaaceen, xaaskeyga waxay tiri i babadbaadi, laakiin sidoo kale waxaa qolka ku jirtay gabadheyda, sidaas darteed waxaan bilaabay inaan dibadda u saaro."
Dabadeed qolkii kale ayuu u orday si uu u hubiyo carruurtiisa kale. Markii uu ku soo noqday xaaskiisa wuxuu la kulmay iyada oo geeriyootay. Hadda waxay gacan ka helaan hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee caawiya dadka saboolka ah iyo sidoo kale dowladda Taliban .
Meesha ay ku nool yihiin qoyska Rahmat, Bisha Cas waxay ka qaybisaa waxyaabaha aasaasiga ah nolasha sida saliidda cuntada iyo bustayaal. In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhintay dhul-gariirka iyo daadad ku dhuftay dalka Afghanistaan. Dhakhaatiirta Afgaanistaan ayaa BBC-da u sheegay in caruur badan ay ku dhinteen dhul-gariirka Arbacadii ka dhacay qaybo ka mid ah dalka Afghanistan.
Dadka reer Afghanistan ayaa horeyba ula daalaa dhacayay dhibaatooyin is biirsaday,sida gaajo,dhaqaale yari iyo dhibaatooyin kale oo dalka uu wajahay tan iyo markii ay Taliban la wareegen sanadkii hore.