Cali Dhaanto: "Warqaddii la igu fasaxay oo iga luntay ayaan garoonka Addis Ababa ka dagay"

Cali Dhaanto

Xigashada Sawirka, Cali Dhaanto

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee xukuumadda, galinkii dambe ee shalay, waxaa hadal haynta baraha bulshada qabsatay dhaanto.

Deegaannada Soomaalida oo caan ku ah noocyo kala duwan oo ciyaaro dhaqameed ah awgeed, waxa uu Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre kasoo jeedaa deegaan ay caan ka tahay dhaantada, taas oo u muuqata sababta keentay hadal haynta.

Dadka qaar ayaa xitaa dhaantooyinka u adeegsanayay soo dhaweynta Ra'iisul Wasaaraha cusub.

Waxaa ka mid ahayd xaflad ka dhacday dalka Mareykanka oo lagu muujinayay sida loo soo dhaweeyay Xamsa Cabdi Barre.

Haddaba, marka aad maqasho Dhaanto waxaa kugu soo dhacaya fannaaniinta ku xeel dheer ciyaar dhaqameedkan oo mid ka mid ah kuwooda ugu caansan uu yahay Cali Bashiir Cabdi oo loo garan og yahay "Cali Dhaanto".

Fannaankan oo ay dadka qaar ku naanaysaan "Boqorka Dhaantada" ayaa booqasho ku jooga magaalooyinka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo uu dhawaan dib ugu noqday kaddib markii uu ka maqnaa muddo toddobo sano ah.

Waxa uu noo sheegay in uu hadda soo wado dhaanto cusub oo uu ka sameeyay qaabkii uu reerkiisa ku yagleelay.

"Dhaantada cusub oo muuqaalkeeda aan hadda duubay waxay ku salaysan tahay taariikhda aniga iyo xaaskayga ah, oo kobtii aan ka imid iyo bartii aan ka guursaday ka hadlaysa, oo jacayl ah, marka way soo socotaa," ayuu yiri.

Cali Dhaanto

Xigashada Sawirka, Cali Dhaanto

Maaha markii ugu horraysay ee uu xaaskiisa suugaan u sameeyay balse waa markii ugu horraysay ee uu dhaanto ku cabiro qisada ku saabsan socdaalkii dheeraa ee uu u galay inuu soo guursado.

Cali ayaa ka mid ah fannaaniinta sida wayn loo xiiseeyo dhaantooyinkooda, waxaana uu la jaan qaaday ciyaarta muusiga lagu casriyeeyay ee laga daba dhacay sannadihii dambe.

"Warqaddii baa iga lugtay"

Markii uu dhawan dib ugu laabtay waddanka Itoobiya oo uu ka maqnaa ilaa toddoba sano ayuu garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa kula kulmay caqabad dhinaca socdaalka ah.

Xilligii hore ee uu garoonka ka dhoofayay ayay waaxda socdaalka ku hakisay halkaas, isagoo lagu khalday qof ay laamaha amniga doon doonayeen.

Ugu dambayn warqad fasax ah ayaa la siiyay Cali Dhaanto, taasoo, sida uu sheegay, muujinaysay in uusan ahayn qofka la raadinayay, haddii uu garoonka la imaadana u sahlaysay in la fasaxo.

Xilliga hore ee garoonka lagu xannibay waxay ahayd markii uu maamulka dowlad deegaanka madaxweyne ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar.

Cali Dhaanto

Xigashada Sawirka, Cali Dhaanto

Balse markii uu hadda tagay ayuu la kulmay caqabad la mid ah tii hore oo uusan filaynin, sida uu BBC-da u sharraxay.

"Warqad yar bay laanta socdaalku isiisay oo aan ku dhaafi jiray. Markii dambe warqaddaas way luntay, oo dhigaysay in qofka ay raadinayaan aanan ahayn. Sannado badan kaddib markii aan soo noqday anigoo ay warqaddii iga luntay, waxaan islahaa mar haddii ay waqtigii dhaaftay, isbaddalna dhacay, hadda looma baahnaan doono. Waan iska soo calool adeygay.

"Markii garoonka diyaaradaha baasaboorka la iiga qaaday, ii lagu amray inaan aado qolka 35-aad, waan iska gartay in ay tii tahay," ayuu yiri Cali Dhaanto.

Isla maalintaas ayuu sheegay in lagu sugayay magaalada Jigjiga oo laga filayay in uu usii gudbo, balse loo diiday in baasaboorka la siiyo, inkastoo markii dambe la xalliyay kiiskaas.

Heesaha dhaantada ah ee la hadal hayay tan iyo xalay waxaa ku jira qaar uu ku luuqeeyay isla fannaankan oo hal abuur fiican u leh samaynta suugaanta dhaqanka ah.