Lady Evelyn Cobbold: Muxuu yahy qabriga ay Muslimiinta UK booqdana ka hor inta aysan xajka aadin?

Published

Waa xilli barqo ah, buuraha ku yaalla waqooyi-galbeed Scotland ayaa isku beddelay keyn gawaarida lagu baakimo.

Jawigu waa mid roob la filayo, balse xoogaa cadceed ayaa soo baxday iyadoo koox 20 ka kooban ay isu diyaariyeen inay 10km (6.2 meyl) u lugeeyaan deegaanka Gleann Fhiodhaig oo ku yaalla Wester Ross.

Waa goob xilliyada dhammaadka toddobaadka lagu baakimo boqollaal gawaari ah, balse kooxdan sidoo kale waa xujey - dad dhowaan Muslimay oo qorsheynaya inay booqdaan qabriga haweeney.

Waxay ka kala yimaadeen magaalooyinka Edinburgh, Liverpool, Leicester iyo meelo ka shisheeya si ay u siyaartaan qabriga Lady Evelyn Cobbold - oo loo maleynayo inay tahay haweeneydii ugu horreysay ee Muslimad ah ee Britain u dhalatay oo xajka u aadda magaalada Maka.

Dabaaldegga diimeed ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka dadka diinta Islaamka gadaal ka qaatay, oo saldhiggiisu yahay UK kaas oo caawiya dadka dhowaan qaatay diinta.

Aaasaasaha ururkan oo lagu magacaabo Batool Al-Toma, oo qudheedu diinta Islaamka qaadatay kana soo jeedda Ireland, ayaa kooxdan horkaceysa si ay u bilaabaan safarkooda buuraha.

"Markii ugu horreysay ee aan maqlay Lady Evelyn, waxaan daneynayay sheekadeeda. Waxay ahayd haweeney adag oo aan marnaba oggoleyn in la gacan bidixeeyo iyadoo dumarnimo loo eegayo," ayay tiri Al-Toma.

Iyagoo aan wax badan soconba, waxaa billowday roob. Waxay dadku xirnaayeen koofiyado iyo jaakado roobka celiya iyo haweenka oo xijaab xirnaa.

Iyadoo roobka iyo dabeyshu hayaan, ayaa qaar badan oo kooxdan ka tirsan waxay ugu dambeyn gaareen qabriga ay Lady Evelyn dooratay in lagu aaso.

Waxay geeriyootay bishii January 1963 xilli uu jiray qabow daran waxaana lagu aasay meel buuro ah oo ku taalla gobolkii ay ka soo jeedday ee Glencarron.

Waxay ku dhalatay magaalada Edinburgh ee dalka Ingiriiska dabayaaqadii 1800-maadkii, Lady Evelyn waxay carruurnimadeedii ku qaadatay Scotland iyo Waqooyiga Africa.

Xilligeedii ay halkaas joogtay ayay baratay diinta Islaamka, iyadoo saaxiibbadeed u dhashay Al-jeeriya u raaci jirtay masjidka.

"Aniga oo aan is ogeyn Muslim yar baan ka ahaa qalbiga," ayay mar dambe tiri.

Lama oga markii ay qaadatay diinta Islaamka balse waxaa loo maleynayaa mar ay booqatay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayna la kulantay baadari ay go'aansatay inay Muslimto.

"Markii uu si kedis ah ii weydiiyay inaan haysto madhabta Kaatooligga ayaan xoogaa fekeray waxaana ugu jawaabay inaan ahay Muslim," ayay tiri.

"Waxa i qaatay ma garanayo maaddaama aan sanado badan ka fekerin Islaamka."

Lady Evelyn ayaa la baxday magaca Saynab waxayna xajka u aadday Maka iyadoo 65 sano jir ah.

Kaddib saddex saacadood oo qabow uu jiro, xujeyda ayaa xoogaa nastay kaddibna waxay sii wateen safarkoodii ay ku tagayeen halka ay ku aasan tahay Lady Evelyn.

Kooxda ayaa u lugeeyay ilaa qabriga iyagoo markii ay gaareen jilbaha dhulka dhigtay.

Mid walba wuxuu xushmad u muujiyay haweeneydan kaddibna way u duceeyeen. Xujeyda qaarkood ayaa shucuurtoodu kacsaneyd iyagoo ilmada ceshan waayay.

Kaddib markii ay dib u soo laabteen, xujeyda ayaa waxaa laga casuumay masjid ku yaalla Inverness halkaas oo ay cunto ka cuneen iyagoo fursadna u helay inay dib u milicsadaan safarkoodii.