You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ruushka & Ukraine: Baasaboorka Ruushka oo la siinayo dadka deggan magaalooyinka qaar
Maamulka Ruushka ee ka taliya koonfurta Ukraine ayaa sheegay inuu billaabay bixinta baasaboorka Ruushka oo la siinayo dadka deggen Kherson iyo Melitopol.
Ukraine waxay cambaaraysay tallabada uu Ruushku baasaboorrada ku siinayo muwaadiniinteeda.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in 23-kii qof ee ugu horreeyay ee deggen Kherson la siiyay baasaboorka Ruushka Sabtidii.
TASS waxay intaa ku dartay in kumannaan qof ay dalbadeen baasaboorrada, balse ma jirto cid ka madax-bannaan oo arrintan xaqiijin karta.
"Dhammaan saaxiibbadayada Kherson waxay rabaan inay helaan baasaboor (Ruush) ah iyo dhalasho sida ugu dhaqsaha badan," ayuu yiri Volodymyr Saldo oo ah guddoomiyaha militariga ee Ruushku uu u magacaabay Kherson.
Ukraine ayaa cambaareysay tallaabadaas oo ay ku tilmaantay "xadgudub qaawan" oo ka dhan ah madax-bannaanideeda dhuleed, iyadoo sheegtay in wareegtada Madaxweyne Putin ay tahay "mid sharci-darro ah".
Tallaabadan ayaa timid markii Ruushka uu horay ugu qaybiyey baasaboorka dadka deggen gobollada Ukraine, ee ay qabsadeen ciidamadooda tan iyo 2014-kii sida Crimea iyo qayb ballaaran oo ka mid ah Donbass.
Ruushku waxa uu horay ula wareegay Crimea, wuxuuna Jamhuuriyad madax-bannaan u aqoonsaday gobollada Donetsk iyo Luhansk, taas oo uu caalamku si wayn u cambaareeyay.
Ukraine ayaa hadda ka cabsi qabta howshan ka socda goobihii ay ciidamada Ruushka ku qabsadeen duullaanka hadda socda.
Marka dadka maxalliga ah ay qaataan baasaboorka Ruushka, Kremlin-ku waxay dadkan xaq ugu yeelanayaan in ay difaacaan.
Waxaa jira warar sheegaya in dadka Ukraine ay diideen amarka Ruushka ee ah inay isticmaalaan lacagta Ruushka ee Ruble.
Melitopol waxa ay ku taal koonfurta-bari ee gobolka Zaporizhia, inta badan waxa gacanta ku haya ciidamada Ruushka oo ay ku jirto warshadda tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub.
Crimea oo uu Ruushku maamulo iyo Donbass iyo waliba Donetsk iyo Luhansk - Moscow waxay soo rogtay amar ah in dadka ay qaataan lacagteeda Ruble, iyo in dugsiyadu ay qaataan manhajka waxbarashada Ruushka.
Mustaqbalka nidaamka caalamiga ah
Dhankiisa, madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa carrabka ku adkeeyay in natiijada dagaalka dalkiisa aysan saameyn doonin Ukraine oo kaliya, laakiin ay wax u dhimi doonto mustaqbalka nidaamka caalamiga ah.
"Xeerarka mustaqbalka ee lagu maareynayo adduunka ayaa lagu qeexay goobaha dagaalka uu ka socda ee Ukraine," ayuu yiri Zelensky.
Wuxuu tilmaamay in ciidamada Ukraine ay si adag u difaacayaan si ay isaga caabbiyaan weerarrada ba'an ee Ruushka uu ka wado bariga dalkaasi, gaar ahaan agagaarka magaalada Severodonetsk.
Isagoo tixraacaya taageerada ilaa hadda laga helayo Galbeedka iyo xulafada Aasiya, Zelensky wuxuu sheegay inay muhiim tahay in waddammada soo diraya gargaarka aysan ka soo daahin.
Zelensky ayaa sidoo kale xusay in Ruushku uu wali xayirayo dekedaha ku yaal Badda-madow iyo Azov, isagoo ka hortagaya in cuntada Ukraine loo dhoofiyo suuqyada adduunka.