Badri Cabdicasiis, ninka uu Maraykanku halka milyan dul dhigay oo lagu qabtay xadka Soomaaliya

Published

Mid ka mid ah labadii nin ee baxsadka ahaa ee uu Mareykanku ku raadjoogay loona haystay ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta ayaa la xiray, sida uu qoray wargeyska Nation ee ka soo baxa dalka Kenya.

Badru Cabdul Casiis Salax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska.

Qabashada ninkan ayaa ku soo beegmaysa afar maalmood uun ka dib markii Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta.

Balse waxaa ay booliiska wali ku raadjoogaan, Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Saalax waxaa lagu hayaa xarunta laanta la-dagaallanka argagixisada, halkaasi oo ay dambi barayaasha ku waydiinayaan su'aalo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Cabdi Xuseen, halka uu ku sugan yahay iyo waxa uu dalka ka hayo.

Safaaradda Mareykanka ayaa toddobaadkii hore u yaboohday 1 milyan oo doolar cidii keenta xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto Saalax oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha.

Qaabkii loo soo qabtay ayaan faahfaahin laga bixin isla markana ma cadda in ay jirto cid qaadatay abaalmarintii uu Mareykanku ballanqaaday.

Balse safaaradda Mareykanka ayaa maanta xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa.

Bayaan ay soo saareen, mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in xog ay ka heleen shacabka ay ku howlgaleen laamaha dambi baarista Mareykanka iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya ay Isniintii soo qabteen Saalax.

"Saalax waxa uu ku jiraa xabsiga Nairobi. Xogta lagu soo qabtay waxa ay jawaab u tahay 26-kii May oo lagu dhawaaqay in abaal-marin lacageed lagu raadinayo macluumaad horseedaya in la xiro, lana maxkamadeeyo Saalax iyo Cabdi Xuseen Axmed," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.