Ethiopia: 'Labo askari markuu dilay ayuu ninkeyga isdilay maadaamaa hortiisa la igu kufsaday'

.
Published

Haweeney ay Kufsi wadareed u geysteen ciidamada Fallaagada TPLF oo ka dagaallanto dalka Itoobiya oo BBC wareysi siisay waxay sheegtay seygeeda marki uu dilay laba ka mid ah raggi iyada kufsaday uu isna isdilay.

Zahra (Magaceeda saxda la qariyey) oo ah gabadha kufsi wadareedka loo geystay waxay ku nooleyd magaalada Marsa oo ka tirsan deegaanka Amxaarada ee dalkaasi Itoobiya.

Dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socday marki uu soo gaaray magaalada ay ku nooleyd ee Marsa iyada, seygeeda iyo wiil ay dhaleen waxay u qaxeen dhul miyi ah oo magaaladooda aan ka fogeen si ay naftooda u badbadsadaan.

Intaa ka gadaal, tuuladi ay ku sugnaayeen waxaa soo gaaray ciidamada fallaagada TPLF oo billaabay guriyaha tuulada ku yaallay oo dhan iney mid mid u baaraan waxayna soo galeen guri ay ku jireen haweeneyda la kufsaday, seygeeda iyo wiil yar oo ay dhaleen.

Sideey wax u dhaceen?

Zahar (Magaceeda saxda la qariyey) waxaa Kufsi wadareed u geystay ciidamo ka tirsan fallagada TPLF. Iyada oo BBC uga warrantay sida ay wax u dhaceenna waxay tiri:

Gurigi aan ku jiray ayuu nin hubeysan iigu soo galay wuxuuna isku dayay inuu i dhunkado balse waan ka diiday candhuuf ayaanna ku tufay. Kaddib askariga middi ayuu i geliyey.

'Idinku dowladda dagaal kulama jirtaane hadafkiinnu waa inaad shacabka baab'isaan. Maadaamaa cid idin jeclaaneysaa jirin waddada keli ee idiin furan ayaa waxay tahay inaad dumarka kufsataan, ayuu seygeyga hadalkiisa sii raaciyey', ayey tiri.

Markiba ul weyn uu askariga gacanta ku sitay ayuu ninkeyga la dhacay, dhulka ayuuna ku dhacay. Kaddibna seygeyga gacmaha iyo lugaha ayey ka xireen.

.

Dhimashada Seygeeda

Ninkeyga hortiisa ayuu mid ka mid ah askarta TPLF xumaan igu sameeyey (igu kufsada). Kufsiga marka la ii geysanayana seygeeda dhulka ayuu yaallaa isaga oo gacmaha iyo lugahaba ka xiran, wiilkeygi yaraa oo guriga nagula jirayna si argagax leh ayuu ii fiirinayey.

'Ninka Kufsiga igu sameeyey oo korka iga saaran ayaan arkay seygeyga oo isku dayaya inuu iska furo xarigga gacamaha uga xirnaa, marki aan damcay inaan qeyliyana wuxuu ii ishaaray inaan aamuso.'

Xarigga marka uu iska furay ayuu ninki korka iga saarna qori uu sitay oo dhulka yaalla qaatay ayuu xabbad ku dhuftay naxariis laawihi kufsiga ii geystay, askarigina nafta dhulka kulama dhicin.

Askarti kale ee fallaagada oo dibadda guriga joogtay oo maqashay xabadda guriga gudahiisa ka dhacday ayaa qoriga soo cabbeystay, marki uu damcay inuu gudaha guriga soo galana waxaa xabbad ku dhuftay seygeeyga siyaa ayuuna labo askari oo fallaagada TPLF ka tirsan ku dilay.

'Kaddibna askar badan oo bannaanka guriga joogtay ayaa guriga soo wada gashay, intaa ka gadaal wixi dhacay inaan ka shekeeyo ma doonayo', ayey tiri.

'Askar aan tiradooda sheegi karin oo kuwa fallagada TPLF ah ayaa saf ii soo galay oo Kufsi wadareed ii geystay, waxa ay igu sameeyeen iyo dhibka i gaaray kama sheekeyn karo oo waxaan jeclaa inaan sidaa ku dhinto oo aan sii noolaan', ayey tii gabadha dhibbanaha oo hadalkeeda sii wadata.

.

Indhaheyga xataa lilmo wey ka iman weyday oo caloosha ayaan in mudda ah ka ka ooynayey xanuunka i gaaray awgii, oo maalmahan ayaan illin isku arkaa, ayey tiri.

Gabdha kufsiga loo geystay seygeeda marki uu arkay ciidan badan oo guriga soo galay ayuu xabbad isku dhuftay sidaana nafta isku dhaafiyey.

'Ma fileyn seygeeda inuu gacantiisa uu isku dilayo, marka uu xabadda isku dhufanayayna waan arkayey, balse anigu wax awood ah maanan laheen oo nafta unbaa igu jirtay oo tabar kale maanan laheen. Intaan xusuusto waan neefsanayey, dhiig badanna wuu iga socday, lugahana maanan dhaqaajin karin.'

Xataa waxaan awoodi waayey wiilkeyga yar oo meel aan iga fogeyn fadhiyey inaan u tago oo aan soo xambaarto.

.

Kaddib Maxaa dhacay?

Muddo marki aan halki la igu kufsaday yaallay oo ay askarti i kufasatyana iga kala tageen ayaan isa soo dhibay aniga oo aan tabar badan laheen balse weli ka baqanaya iney markale igu soo noqdaan oo ay i kufsadaan amaba i dilaan.

Kaddibna iyada iyo wiilkeedi yaraa waxay lug ku tageen magaalo u dhow waxayna magaalada kula kulantay ehelkeeda.

Hooyadey waxa igu dhacay ayey aad uga naxday oo timaha ayey iska riftay. Aniga meyd socda oo kale ayaan ahay, ilmahaygi yaraa wuxuu i leeyahay hooya cunto i sii maadaamaa ay gaajo daran heyso naasahaygana caano uu ka waayey.

'Magaaladi aan joogay maadaamaa aan ka weysay cunto aan ilmahayga siiyo ama aniga ku noolaado waxaan go'aansaaay inaan u lugeeyo magaalada Dese, waxaanna galay xero barakacayaal oo magaaladaasi ku taallo.'

Inta aan xeradaasi ku jirayna dhibka igu dhacay cidna uma sheegin maadamaa aan ka baqayey in wiilkeyga yar lagu caayo oo lagu yirahado hooyadaa waa qof la soo kufsday.

In mudda ah maqana jooga ayaan ahaa, waxan marwalba rabay ilmahayga oo aan waxba noqon inaan aniga iska dhinto. Marar badan oo isku dayay inaan isdilana marweliba waxaan uga joogay ilamahyaga yar oo aabba la'aanta noqday iney hooyo la'aan ugu darsanto.

Guriga Gabadha lagu kufsaday

Hadda maxay dareemeysaa?

Ilmahayga yar marka aan arko waxaan iisu arkaa inaan ahay qof dhammeystiran, haddana marweliba waxaan ka baqayaa in sheekadeyda la maqlo oo ilmahayga niyadda laga dilo.

Waxaanna marwalba ku taamaa ilmaha yar iney dad kale ii koriyaan si uu taariikhdeyda iyo waxa igu dhacay uu u ogaan.

Su'aalaha marwalabna igu soo noqnoqdo waxay yihiin wiilkeyga yar waxa igu dhacay haddii uu maqlo maxaa ku dhacaya? Muxuuse sameyn doonaa?

Xaaladda hadda aan ku jiro sidi hore wey dhaantaa balse markasta oo aan xusuusto dhibaatadi ragga araxn laawayaasha ahaa ay ii geysteen waxaan ka baqayaa inaan waasho oo aan dharka tuuro.

Muuqaalka Gabadha oo la qariyey

Xigashada Sawirka, Abdurahman Haji Adow

Qoraalka sawirka, Sawir qarsoon

Ururrada Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha u doodana waxay horay u sheegeen ciidamada fallagada TPLF falal kufsi ay geysteen.

Halka TPLF dhankooda ay dalbadeen eedda eedda ay ururrada xuquuqda aadanaha ay u soo jeediyeen cid madax bannaan iney baarto.