Afghanistan: Cod sir ah oo la helay iyo dagaal Taliban lagu qaadi rabo ciidda kaddib

Published

Janaraal hore oo ka tirsanaa militeriga Afghanistan ayaa sheegay in askar badan oo ciidanka ka mid ah iyo taliyeyaal, uu isagu ku jiro, ay isku diyaarinayaan in ay dagaal cusub ku qaadaan kooxda Taliban.

Labo xiddigle Janaraal Sami Sadat ayaa sheegay in muddadii siddeedda bilood ahayd ee ay Taliban xukunka hayeen ay dad badan oo ku nool dalka Afghanistan garwaaqsadeen in xilka kaliya ee loo heli karo kooxdan uu yahay howlgal militeri.

Waxa uu sheegay in howlgalkan laga yaabo inuu billowdo Ciidda kaddib, oo ku beegan bisha soo socota. Waxa uu sidoo kale qorshaynayaa janaraalkan inuu dib ugu laabto Afghanistan isla waqtigaas.

Xoogga kooxda Taliban ayaa awoodda dalka Afghanistan la wareegay bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.

Markii ay ciidamada uu Mareykanka hoggaaminayay ka baxeen dalkaas oo ay ku sugnaayeen muddo ku dhow 20 sano, Taliban waxay xukunka ku qabsadeen 10 maalmood gudahood.

'Dagaalku wuu sii socon doonaa'

Janaraal Sadat oo markii ugu horreysay ka hadlayay qorshihiisa ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo dadka kale ee ay isku fikirka yihiin "ay samayn doonaan wax kasta oo karaankooda ah si ay Afghanistan uga xoreeyaan Taliban, dibna ugu soo celiyaan dimuqraaddiyadda."

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: "Waan sii wadi doonnaa dagaalka ilaa inta aan xornimada ka heleyno, iyo ilaa inta aad ujeeddadeedda uga guulaysanayno."

Janaraalka hore ee ka tirsanaa militeriga Afghanistan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay sida ay Taliban dib ugu soo celiyeen sharcigooda adag ee ay waddanka ku maamulayaan. Shuruucdaas waxaa ka mid ah kuwo lagu xakamaynayo dumarka iyo gabdhaha yar yar. Waxa uu sheegay in hadda la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa maamulkooda, bog cusubna loo billaabi lahaa.

"Siddeeddii bilood ee ay Taliban dalka ka arriminayeen waxaan aragnay in ay Afghanistan kusoo rogeen xukun aad u qallafsan oo ay u cuskanayeen diinta. Qur'aanka waxyaabo ku jira ayaa si khaldan loo soo xigtay, waana la marin habaabiyay waxaana loo adeegsaday si aan sax ahayn oo siyaasad ku dheehan tahay," ayuu yidhi.

Sida uu BBC-da u sheegay, waxa uu markii hore qorshihiisu ahaa in uu 12 bilood u kaadiyo Taliban, uuna arko waxyaabaha ay isbaddalka ku sameyn karaan.

"Nasiib darro, subax walba waad soo kacaysaa waxaadna arkaysaa Taliban oo wax cusub samaynaya sida cadaadinta dadka, dilalka, cunto la'aanta iyo carruurta nafaqo darradu hayso," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Janaraalkan ayaa sheegay in uu maalin walba kumannaan farriimo ah ka helo dadka reer Afghanistan, kuwaasoo ay uga doonayaan inay ogaadaan waxa ay ka samaynayaan xaaladda ka jirta waddanka.

Cod si ah oo lasoo dusiyay

Farriin cod ah oo loo soo dusiyay warbaahinta ayaa la shaaciyay dhawaan. Codkaas sirta ah waxaa laga maqlayaa Janaraal Sadat oo ka hadlaya arrinta ku saabsan in militeriga loo adeegsado howlgalka lagu magacaabay "dib u xoreynta" Afghanistan.

Horay ayay kooxo hubaysan, oo ay ku jiraan Taliban, ugu guulaysteen dagaalo ka dhacay Afghanistan, iyagoo taageero ka helayay dalal deris la ah iyo dhaqaalaha shisheeyaha.

Wali ma cadda in xulafada Janaraal Sadat iyo dhammaan kooxaha kale ee hubaysan ay haystaan wax taageero dibadda ah oo ay dagaalka la sheegay u adeegsadaan.

Kooxo badan ayaa lagu soo warramay in ay hadda u midoobayaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen Taliban, balse waxay ku kala qaybsan yihiin dhinaca jinsiga iyo taliyeyaasha ay ka amar qaataan.

Janaraal Sadat ayaa sheegay in uu xiriir la leeyahay Xoogagga Iskacaabinta Qaran, oo magacooda loo soo gaabiyo NRF, kuwaasoo ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Afghanistan.

Waxaa xoogaggaas hoggaamiya Axmed Masood oo ah wiil uu dhalay Hoggaamiyihii caanka ahaa ee la oran jiray Axmed Shah Masood, oo geeriyooday.

Sadat ayaa BBC-da u sheegay in uusan garab ka haysanin waddamo shisheeye, hadda kaddibna uusan u baahnayn. Waa sarkaal 37 jir ah oo horay loogu aqoonsaday inuu ahaa janaraalka ugu da'da yar militeriga Afghanistan.