Doorashada Faransiiska: Macron oo cambaareeyay mamnuucidda xijaabka haweenka Muslimiinta ah

Published

Afar maalmood kahor inta dadka Faransiiska aysan u codeyn madaxweynahooda xiga, ayaa labada musharrax ee isugu soo haray tartanka doorashadaas waxay madaxa iskula galeen dood laga baahiyay telefishinnada.

Hoggaamiyaha xisbiga midig-fog Marine Le Pen ayaa ka hooseysa Emmanuel Macron kaddib ra'yi ururin la sameeyay balse malaayiin codbixiyeyaal ah ayaanan weli go'aan gaarin.

Wax badan ma aysan qaadan in ay kululaato doodda oo socotay labo saac iyo 45 daqiiqo.

Labada musharrax ayaa isaga hor yimid sicir bararka, Ruushka, isbeddelka cimilada iyo socdaalka.

Qiimaha cirka isku sii shareeraya ee tamarta ayaa hareeyay ololaha wuxuuna si deg deg ah udub dhexaad ugu noqday doodda oo ay baahiyeen labada telefishin ee ugu weyn dalkaas, iyo sidoo kaletelefihsinnada kale ee caalamka ee waaweyn.

Emmanuel Macron ayaa si weyn loogu arkay inuu ku guuleystay dooddi 2017-kii, markaas oo musharraxii la tartamayay loo arkay mid aan diyaarsaneyn. Balse markan, Marine Le Pen ayaa billowgiiba diyaarsaneyd.

Intii ay dooddu socotay, Macron ayaa doodda kululeynayay, isagoo u muuqday mid loollan ku jira beddelkii uu u muuqan lahaa nin haatanba xilka haya, isagoo si joogto ah hadalka uga dhex galayay Le Pen.

Le Pen ayaa sheegtay in 70% dadka Faransiiska ay aaminsna yihiin in heerkooda nolosha uu hoos u dhacay shantii sano ee la soo dhaafay ayna iyadu noqon doonto maaxweynaha nabadda rayidka iyo walaaltinnimada qaranka. "Waxaan u baahannahay inaan dalkooda muhiimadda ku siinno dadka Faransiiska ah," ayay tiri.

Iyadoo ay jirto horumar ay sameysay Ms Le Pen, ra'yi ururin laga sameeyay codbixiyeyaasha oo laga daayay telefishinka dalkaas laga leeyahay ee BFMTV iyo wargeyska L'Express ayaa muujinaya in Macron uu ku guuleysan doono madaxtinnimada dalkaas. Codbixinta ayaa muujineysa in 59% dadku ay aad ugu qanacsanaayeen Macron.

Falanqeyn: Macron oo ka fogaanaya dabinnada doodda

Dhibka madaxweynaha ayaa ahaa in si ka duwan sanadkii 2017, uu haatan difaacayay arrimo muuqda oo xafiiskiisa ah.

Waxay ka dhigan tahya in marka la weydiiyo waxa uu u qorsheeyay haddii mar labaad la dorto, wuxuu ku adkeysanayay inuu sii wadi doono waxyaabaha uu ku guuleystay. Haweeneyda la tartameysa ayaa ku weerareysay guul darrooyinkii shanta sano ee dowladdiisa.

Haddana weli, madaxweynuhu marna ma uusan muujin dareenka ah inuusan cago ku taagneyn. Weerarradiisa Marine Le Pen ee deynta ay ka qaadatay bangi Ruushka ah, Yurub iyo xijaabka haweenka Islaamka ayaa dhammaantood ahaa kuwo dalkaasi ka taagan.

Dhanka dhaqaalaha, wuxuu si xoog ah ugu doodayay in so jeediinadiisa ku aaddan wax ka qabashada sicir bararka dalkaas ay yihiin kuwo wax ku ool ah kana fiican fakradaha ay soo jeedisay Le Pen.

Wuxuu sidoo kale ka fogaaday dabinka ah inuu u muuqdo qof dabci xun. Aalaaba, wuxuu muujinayay inuu doonayo inuu qof aad u a adag isaga dhigo Le Pen balse dib ayuu isku celinayay.

Sida ay dooddu u kululaatay

Kaddib si qabow oo ay ku bilaabatay, waxay durba is beddeshay markii labada musharrax ay ka hadleen arrinta ugu weyn ee ay daneynayaan codbixiyeyaasha.

Sicirka quutul daruuriga ah: Billowgii Marine Le Pen ayaa sheegtay in tani ay ahayd muhiimaddeeda: "Si abadiyan ah ayaan u dhimi doonaa canshuurta tamarta. Waxaan sidoo kale dhimi doonaa canshuuraha, wax canshuur ah lagama dhimayo mushaarka dadka ka yar 30 sano. Waxay Mr Macron ku eedeysay inuu oggolaaday hoos u dhaca lacagaha caymiska.

Mr Macron ayaa sheegay in xalka uu u hayo arrintaas ay tahay wax ka beddelka qiimaha taas oo "labo jibbaar ka waxtar badan dhimidda canshuurta iibka".

Waxay aad madaxa iskula galeen sidii loo dhimi lahaa qiimaha tamarta. Macron ayaa ku celceliyay in soo jeedinnada Marine ay yihiin kuwo aan shaqeyneyn. Waxay ugu war celisay: "Waxaan doonayaa inaan dadka Faransiiska dib ugu celiyo lacagtooda."

Muhaajiriinta iyo Islaamka: Marine Le Pen ayaa si kulul u hadashay, iyadoo ballan qaadday in afti loo sameyn doono cidda joogeysa iyo cidda ka tegeysa Faransiiska iyadoo cambaareysay waxa ay ugu yeertay "qulqulka baahsan ee muhaajiriinta" kaas oo horseeday ammaan darrada.

Waxay kaddib ka hadashay arrin kale oo muhiim u ah siyaasaddeeda, taas oo ah mamnuucidda xirashada xijaabka, iyadoo ku doodday inay tahay in haweenka laga xoreeyo "cadaadiska Islaamiyiinta". Mr Macron ayaa u jawaabay oo sheegay inay khalad tahay in la isku milo Islaamka iyo Islaamiyiinta. Siyaasaddeeda, ayuu sheegay, inay horseedi doonto "dagaal sokeeye" ayna meel ka dhac ku tahay qiyamka Faransiiska: "Waxaa la arki doonaa booliis tuban waddooyinka oo cayrsanaya gabar xijaab xiran iyo [wiilasha Yuhuudda ah] oo xiran kippah."

Marine Le Pen, haddii ay xilka la wareegto, waxay ballan qaaday inay joojiso dhammaan mashaariicda masaajidda lagu dhisayo ee Faransiiska ilaa la xaqiijiyo ilaha dakhliga, ayna xoojineyso sharciga mamnuucaya in astaamaha diimaha loo xirto iskuullada ayna ku dareyso meelaha ay bulshadu isugu timaaddo, oo aysan keliya mamnuuceyn indha shareerka ama burqa, balse sidoo kale xijaabka.

Waxay sidoo kale ku baaqeysaa mamnuucidda gowricidda xayawaannada sida ay qabto shareecada Islaamka, iyo in lagu iibiyo hilibka maqaayadaha iyadoo la leeyahay "waa xalaal", ama sida ay qabaan Masiixiyiinta.

Dagaalka Ruushka ee Ukraine: Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ruushka "uu ku socday waddo khatar ah" isla markaana doorka Faransiiska iyo Yurub uu ahaa inay Ukraine siiyaan qalab militari ayna qaataan qaxootiga dalkaas.

Ms Le Pen, ayaa lagu cambaareeyay xiriirka dhow ee ay la leedahay Aqalka Kremlin iyo in banki Ruushka ku yaalla ay xisbigeeda uga qaadday deyn, waxayna ka digtay in Ukraine oo hub la siiyo ay Faransiiska ka dhigeyso mid "labada dal ka barbar dagaallamaya". Si kastaba, waxay taageertay siyaasadda Macron ee ah caawinta Ukraine iyo in qaxootiga magangalyo la siiyo.

Markay intaa mareysay, Macron ayaa weerar ku qaaday, isagoo tilmaamay inay ka mid ahayd hoggaamiyeyaashii siyaasadeed ee ugu horreeyay ee sanadkii 2014 aqoonsada qabsashada Ruushka ee Crimea. "Waxaad la hadleysaa bankigaaga markaad la hadleyso Ruushka," ayuu yiri.

Ms Le Pen ayaa sheegtay inay qaadatay lacagta Ruushka maaddaama uusan banki Faransiis ahayn lacag deymin lahayn xisbigeeda. Markii ay ku doodday inay ku qasbanaatay inay lacag soo deynsato si la mid ah malaayiinta kale ee Faransiiska, wuxuu ku weeraray in Faransiisku uusan dhaqaale u doonan Ruushka.

Midowga Yurub: Marine Le Pen ayaa beddeshay siyaasaddeedii ahayd ka bixitaanka Midowga Yurub iyadoo ku beddeshay inay isbeddel ka dhex raadiso. Balse Macron ayaa ku dooday in fekerkeeda ah "Yurubta dalalka" uu saadaalinayo dhammaadka Midowga Yurub iyo "inaad iibinayso been".

Waxay sheegtay in Faransiisku uu ku guul darreystay inuu danihiisa ka difaacdo Midowga Yurub ayna joojin doonto gorgortaka heshiisyada ganacsi ee "dhaawacaya beeralleyda Faransiiska".

Da'da howlgabka: Tani waxay ka mid tahay arrimaha kale ee waaweyn ee doorashada: Emmanuel Macron ayaa sheegay in Faransiiska uu u baahan yahay inuu sare u qaado da'da caymiska ee 62 kana dhigo 65, halka Ms Le Pen ay dooneyso inaan laga beddelin 62.

Ms Le Pen ayaa sheegtay in soo jeedinteeda ay ahayd "mid aan haba yaraatee loo dulqaadan karin". Weerar celin ayuu ku sameeyay isagoo sheegay inay ballan qaadeyso inay u roonaan doonto shirkadaha caymiska balse aysan sharraxaad ka bixin sida ay u bixin doonto lacagahaas.

Isbeddelka cimilada: Tamarta la cusbooneysiin karo ayaa ah arrin kale oo ay isku maan dhaafeen labada musharrax. Waxa keliya ee ay isaga mid noqdeen ayaa ahayd dhisidda xarumo nukliyeer oo badan.

"Waxaad tahay qof shaki gelinaya cimilada, waasina way caddahay," ayuu Mr Macron ku yiri Marine. Musharraxa keliya ee madaxtinnimada ee taageersan wax ka qabashada isbeddelka cimilada ayaa codbixiyeyaasha ugu baaqay inay taageeraan isaga. Marine Le Pen ayaa ka jawaabtay oo sheegtay inuu yahay "munaafaq dhanka cimilada".

Si kastaba, Marine Le Pen ayaa ku doodday in badeecooyinka oo laga soo iibiyo meel kumannaan meyl u jirta dalkaas ay qeyb ka tahay isbeddelka cimilada iyo in wax soo saarka dalka oo la aamino ay gacan ka geysan karto wax ka qabashada kululaanshiyaha cimilada.

Mustaqbalka casriga ah: Iyadoo Emmanuel Macron uu sheegay in Faransiisku uu yahay dalka ugu weyn Yurub ee dhanka teknolojiyadda casriga ah, Marine Le Pen ayaa xusuusisay inay jiraan dad daawanaya "oo aan weli heysan internet."

Waxay sheegtay in waaxda teknolojiyadda ay abuurtay shaqooyin jaban, isla markaana uu hoos u dhac jiray. Macron ayaase beeniyay arrintaas.

Maxay musharraxiintu u taagan yihiin

Dookha codbixiyeyaashu wuu ka cad yahay sidii shan sano kahor, markaas oo Emmanuel Macron uu guuleystay isagoo aan khibrad badan ka heysan siyaasadda.

Siyaasadihiisa adag ee xanuunka Covid ayaa ka careysiiyay codbixiyeyaal badan waxaana lagu eedeeyay inuu matalayo "madaxweynaha maalqabeennada". Wuxuu aad caan uga yahay magaalooyinka waaweyn balse wuxuu hantiyay taageerada axsaab kale oo bidix iyo midig ah.

Marine Le Pen ayaa intii ay ololaha ku jirtay daah saartay fekerkeeda waddaniyadda ku saleysan iyo sida ay uga soo horjeeddo Midowga Yurub, balse inta ay dooddu socotay waxay caddeysay inay dooneyso inay isbeddel ku sameyso xiriirka Faranasiska iyo dalalka Yurub.