You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hindia: Maxay haweenku uga daba dhaceen ra'iisul wasaaraha dalkaas?
Nin walba oo guuleysta haweeney ayaa ka dambeysa, waa oraah caan ah.
Balse malaayiin haween ah ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan guusha xisbiga ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ee Bharatiya Janata Party (BJP) uu ka gaaray doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dalkaas.
Sida laga soo xigtay labo daraasadood oo dhowaan la sameeyay, haween ka badan ragga ayaa u codeeyay BJP doorashooyinkii February-March lagu qabtay dhan gobol, oo uu ka mid yahya gobolka Uttar Pradesh, kaas oo bulshada ku nool ay ka badan yihiin kuwa dalka Brazil.
Tan iyo sanadkii 1962 - markii Guddiga Doorashada uu bilaabay in codbixiyeyaasha uu u kala qaado rag iyo dumar marka la qabanayo doorashooyinka guud - haween badan ayaa caadiyan u codeyn jiray xisbiga Kongareeska.
Balse sanadkii 2019, markii ugu horreysay abid, BJP ayaa noqday xisbiga ay u codeeyeen tiradii ugu badneyd oo haween ah.
Haatan, xisbiga BJP - si la mid ah inta badan xisbiyada siyaasadeed ee Hindiya - kuma jiraan haween badan oo xuquuqda dumarka u dhaqdhaqaaqa wuxuuna caalamka ka aaminsna yahay inaysan u rooneyn haweenka.
Hoggaamiyeyaasha xisbiga ayaa aalaaba wararka ka sheegay hadallo liddi ku ah haweenka, dowlad-goboleedyada qaar ayaana warbaahinta caalamku ay xustaa sida ay ugu liitaan wax ka qabashada kiisaska kufsiga.
Sidoo kale dibadbaxyadii ugu dheeraa ee looga soo horjeeday sharciga lagu murmay ee dhalashada ee dowladda dalkaas ay la timid waxaa soo qaban qaabiyay haween.
Balse iyadoo ay arrimahan jiraan, xogta la ururiyay waxay muujineysaa in haween badan ay haatan u codeynayaan xisbiga BJP.
Marka sidee ayuu BJP u noqday dookha haweenka Hindiya?
"Sabab la xiriirta Mr Modi," ayuu yiri Sanjay Kumar oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Bulshada (CSDS), oo xaruntiisu tahay magaalada Delhi.
"Hal mar iskama imaan in xisbigu noqdo dookha haweenka, Mr Modi ayaa xaqiiqdii sabab u ah - waa sababta ugu weyn," ayuu intaas raaciyay.
Nalin Mehta, oo ah saynisyahan siyaasadeed iyo qoraa si qoto dheer ugu baaray qodobkan buuggiisa The New BJP (BJP-ga Cusub), ayaa wuxuu ku sheegay in xisbiga uu so jiidashada haweenka soo bilaabay sanadkii 1980 markaas oo ay sameeyeen garabka haweenka.
"BJP wuxuu lahaa haween hoggaamiyeyaal muhiim ah oo awood badan kaddibna waxay ballanqaadyo muuqda ka sameeyeen arrimaha u gaarka ah haweenka, balse haween sidaa u badan uma codeyn BJP tobnaan sano kaddib. Xisbiga waxaa loo arkay mid ay ka buuxaan rag oo aan sidaas u naasibeyn haweenka."
Isbeddelka weyn oo heer qaran ah oo dhacay sanadkii 2019, ayaa sida uu sheegay, wuxuu ka soo bilowday 2007 markii Mr Modi uu damcay in dib loo doorto isagoo markaas ahaa madaxa gobolka galbeedka ku yaalla ee Gujarat.
Waxay ahayd markii ugu horreysay, sida uu sheegay Mr Mehta, ee Mr Modi "uu si weyn u kasbaday haweenka".
Isu imaatinnada ololaha doorashada, wuxuu mar walba ka hadli jiray xabadkiisa - waana astaan ragannimo oo ay adeegsadaan ragga adag ee gobollada Hinduuga looga hadlo. Balse Modi oo lagu yaqaanno siyaasaddiisa "ragannimada", ayaa arrintaas caado ka dhigtay.
"Mar walba wuu soo hadal qaadi jiray, xamxam baa laga maqli jiray dadweynaha, gaar ahaanna qeybta ay haweenka fadhiyeen. Sidoo kalena aalaaba haween badan ayaa ka so qeyb geli jiray isu imaatinkiisa. Toos ayuu ula hadli jiray isagoo leh, 'Waxaan ahay walaalkaa, waxaan ahay wiilkaaga, ii codee anigana waxaan ka shaqeyn doonaa danahaaga'," ayuu yiri Mehta.
Siyaasaddiida ayaa ka caawisay in gobolka Gujarat uu ku guuleysto sanadkii 2007 iyo mar kale 2012.
Markii uu doorashada guud ku guuleystay sanadkii 2014, istaraatiijiyaddan ayuu si fiican u adeegsaday.
Khudbadiisii ugu horreysay ee isagoo ra'iisul wasaare ah uu jeediyo bishii August ee sanadkaas, wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka haweenka, wuxuu cambaareeyay kufsiyada isagoo waaliddiinta ugu baaqay inay barbaariyaan wiilal intaas ka wanaagsan.
Ra'iisul wasaare ahaan, Mr Mehta wuxuu sheegay, in Mr Modi uu noqday "kicinta isbeddelka" isagoo mar walba goobaa ay bulshadu isugu timaaddo kaga hadli jiray arrimaha haweenka - khudbadihiisii 2014 ilaa 2019, haweenka ayaa dhowr jeer lagu soo qaatay shanta qodob ee ugu horreeya.
Balse marka laga soo tago inuu shakhsi ahaan iska gaday haweenka, BJP ayaa matalaad badan haweenka ku siinayay siyaasadda.
Sanadkii 2019, waxaa isa soo sharxay haween ka badan kuwa axsaabta kale waxaana la magacaabay wasiirro badan oo haween ah si ka badan dowladihii hore. Wuxuu xisbigu sidoo kale dib u habeyn ku sameeyay qaab-dhismeedkiisa, qoondo ayaa loo sameeyay haweenka oo ay soo galayaan haween badan oo reer-miyi ah iyo kuwo sabool ah.
Tiro muuqata oo haweenka taageerada u haya BJP waxay ka soo jeedaan deegaannada miyiga ah waana kuwo sabool ah, sida uu sheegay Mr Mehta, mashaariicda daryeelka ee xisbiga ayaa sidoo kale inta bada beegsada haweenkaas.
Dalkaas oo u dhisan qaab ay raggu madax u yihiin qoysaska ayna haween tiro yar ay xuquuqda hantida leeyihiin, ilaa 68% ka mid ah 1.7 milyan guryo ah ayaa intii u dhaxeysay sanadihii 2014 iyo 2019 waxaa lagu diwaan geliyay magaca haweenka amaba inay isla leeyihiin rag.
Dowladda ayaa sidoo kale dhistan tobnaan milyan oo suuli ah waxayna malaayiin haween ah ka caawisay inay furtaan akoonno banki si ay toos ugu helaan caymis iyo faa'iidooyin kale.
"Mr Modi ayaa aalaaba laga maqlaa isagoo leh waxaan dhiseynaa hannaan daryeel oo haweenka ah. Mashruuca ma aha mid wada fiican balse isbeddel ayuu sameynayaa," ayuu yiri Mr Mehta.
"Taas waxaa ka dhashay, haween badan oo codbixiyeyaal ah ayaa weli xisbiga u arka kan ugu fiican, oo ka wanaagsan kuwa kale."
Balse taageerada jinsiga ku saleysan ee xisbiga ayaa muddo kooban ku ekaan karta, sida ay sheegtay Maya Mirchandani, oo ah weriye sare iyo madaxa daraasaadka warbaahinta ee Jaamacadda Ashoka.
"Mr Modi waa nin han leh oo damqasho u muujiya taageerayaashiisa oo u arka nin la fahmi karo, oo nolol fudud u horseedaya. Iyaga ahaan, waa nin soo jiidasho leh sababtoo ah wuu dhisan yahay. Balse haatanba waa 71 jir muuqaalkaas qaarkiina da'da ayaa baabi'in doonta."
Sidoo kale waa la arki doonaa, ayay tiri, haddii soo jiidashadiisa ay diiradda saari doonto dhibaatooyinka ay haatan wajaheyso Hindiya.