You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay isku dilaan xaasaska guryo-joogga ah ee Hindiya?
Maxay kumannaan xaasas guryo-joog ah oo Hindiya u dhashay ay sanad walba isku dilaan?
Sida laga soo xigtay xog ay soo saartay waaxda diwaangelinta dembiyada ee dowladda NCRB, 22,372 oo xaasas guryo-joog ah ayaa sanadkii la soo dhaafay is dilay - taasina qiyaastii waa 61 qof oo maalin walba is dila amaba in 25-kii daqiiqaba uu qof is dilo.
Haweenka la qabo ee guryo-joogga ah ayaa 14.6% ka ah tirada 153,052 qof ee la diiwaangaliyay, kuwaas oo isku dilay Hindiya sanadkii 2020 iyo in ka badan 50% tirada guud ee haweenka naftooda dila.
Tan iyo sanadkii 1997 markii NCRB ay bilowday diwaan gelinta xogta dadka is dila marka loo eego shaqadooda, in ka badan 20,000 oo xaasas guryo-joog ah ayaa sanad walba naftooda dilayay. Sanadkii 2009, tiradooda ayaa kor u dhaafta 25,092.
Waxaa sababta mar walba lagu sheegaa "dhibaatooyinka qoyska" amaba "arrimaha guurka la xirira". Balse maxaa dhab ahaantii ku kallifa in kumannaan haween ah ay is dilaan?
Khubarrada caafimaadka maskaxda ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay dhibaatada qoyska - 30% dhammaan haweenka ayaa daraasad ay dhowaan sameysay dowladda u sheegay inay dhibaato kala kulmeen lammaanahooda.
"Haweenku runtii waa kuwo adkeysi leh, balse dulqaadku xad ayuu leeyahay," ayay tiri Dr Usha Verma Srivastava, oo ah khabiir dhanka cilmu nafsiga ah oo ku nool magaalada waqooyiga dalkaas ku taalla ee Varanasi.
"Inta badan gabdhaha waxaa loo guuriyaa iyagoo 18 jir ah 18 - oo ah da'da dharciga ah ee guurka. Waxay noqoneysaa xaas iyo gabar soddoh loo yahay waxayna maalintii oo dhan joogtaa guriga, iyadoo wax karineysa nadaafadda ka shaqeyneysa iyo dhammaanba howlaha guriga. Dhammaanba noocyada xayiraadaha ayaa la saraaa, xorriyad shakhsiyadeed oo aad u yar ayay heysataa inta badanna ma heysato laca ay iyadu leedahay.
"Waxbarashadeeda iyo riyooyinkeedu micno ma laha waxaana in yar in yar isu dhimaya hadafkeeda, waxaana qalbigeeda degaya niyad jab taas ayaana ku noqota uur ku taallo."
Haweenka da'da ah, ayay Dr Verma Srivastava, sheegtay in sababaha ay isku dilaan ay tahay mid taas ka duwan.
"Kuwo badan ayaa dareema cidlo kaddib marka ay carruurtu koraan ayna ka tagaan guriga qaar kale oo badan ayaana ka dhibtooda astaamaha caado go'da oo sababi kara diiqad."
Balse dadka naftooda dilaya, ayay sheegtay, in si fudud looga hortago karo "haddi aad qof joojiso hal ilbiriqsi, waxaa macquul ah inay istaagaan".
Soumitra Pathare oo isaguna ah dhaqtar dhanka caafimaadka maskaxda ayaa sheegay in inta badan is dilka ka dhaca Hindiya uu yahay mid markaa suun qofka ku dhashay "Ninka ayaa guriga imaanaya, xaaska ayuu garaacayaa, wayna is dileysaa."
Baaritaan madax bannaan oo la sameeyay, ayaa wuxuu sheegay, inuu muujinayo in saddex meel ka meel haweenka Hindiya ee is dila ay la soo kulmeen tacaddiyo guriga ka soo gaaray. Balse tacaddiyadaas laguma muujin xogta NCRB.
Chaitali Sinha, oo ku takhasustay cilmu-nafsiga kana tirsan app-ka caafimaadka maskaxda ee Wysa, ayaa tiri "haween badan oo la kulma tacaddiyada guriga ka soo gaara ayaa iska dulqaata iyadoo sababtu tahay inay helaan caawinaad aan rasmi ahayn".
Ms Sinha, oo muddo saddex sano ah ka shaqeyn jirtay isbitaal ay dowladdu leedahay oo ku yaalla Mumbai, oo la talin jirtay dadka ka badbaaday inay naftooda dilaan, ayaa sheegtay inay ogaatya in haweenku marka ay ku safrayaan tareennada gudaha iyo marka ay khudrad soo iibsanayaan ay sameystaan kooxo ay caawinaad ka heleen.
"Ma heystaan cid kale oo ay la sheekeystaan mararka qaarna waxay caradooda ku daboolaan inay dareenkooda la wadaagaan hal qof," ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in xanuunka safmarka ah iyo xayiraaduhu ay ka sii dareen xaaladda.
Hindiya ayaa waxaa ka dhaca tirada ugu badan guud ahaan dunida ee dadka is dila sanad walba: Ragga Hindiya ayaa rubuc ka ah guud ahaan dadka isku dila dunida, halka haweenka Hindiyana ay 36% ka yihiin.
"Haddii aad eegto Daraasadda Milyan Dhimasho [oo la socota ilaa 14 milyan oo ku nool ilaa 2.4 milyan oo guri intii u dhaxeysay 1998-2014] amaba daraasaddii ugu dambeysay ee Lancet, dadka is dila ee Hindiya ku nool badanaa lama tebiyo inta u dhaxeysa 30% iyo 100%."
Is dilku, "weli si furan loogama hadlo - waxaa jira ceeb iyo takoor lala xiriiriyo qoysas badanna waxay isku dayaan inay qariyaan. Baaddiyaha Hindiya, baaritaan laguma sameeyo meydka halka dadka qaniga ahna ay ku tiirsan yihiin warbixinta booliiska, warraka booliiskuna lama xaqiijiyo." Ayay tiri.
Markii ay Hindiya bilaabeysay hannaanka ka hortagga is dilka, ayaa waxay dhaqtaraddu sheegtay in muhiimadda aan la siin wax ka qabashada tayada xogta.
"Haddii aad eegto tirada dadka isku daya inay is dilaan ee Hindiya ku nool, aad ayay u hooseysaa. Meel walba oo dunida ka mid ah, waxay guud ahaan afar ilaa 20 ka badan yihiin tirada dadka is dila. Marka, Hindiya waxay sanadkii hore diwaan gelisay 150,000 qof oo is dilay, dadka isku daya waxay noqon kareen inta u dhaxeysa 600,000 iyo lix milyan."
Waxay sheegtay inay tahay in marka hore la eego bulshada u nugul ee loo sameyn karo hannaan looga hortago is dilka, waxayse intaas ku dartay in xogta oo khaldan darteed ay tasi caqabad ku tahay.