Shan arimood oo ku saabsan sida uu Cali Xarbi u dilay xildhibaankii UK

Published

Cali Xarbi Cali oo 26 jir ah ayaa shalay lagu helay dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabo Sir David Amess. Xildhibaanka oo laga soo doortay deegaanka Southend West ee magaalada London ayaa 20 jeer toorrey la geliyay 15-kii October 2021.

Xeerbeegtidii qaadeysay dacwadda Cali ayaa waxay keliya ku qaadatay 18 daqiiqo iyagoo sidoo kale xukmiyay inuu qorsheynayay falal argagixiso.

Cali oo ka soo jeeda Magaalada Kentish, waqooyiga London, hayaa hore u beeniyay eedeymahaas wuxuuna sheegay in sababta uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay inuu u codeeyay duqeymihii Suuriya.

"Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn," ayuu yiri Cali oo beeniyay in falkaas uu ahaa argagixisannimo.

"Isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go'aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta," ayuu ka hor sheegay xeer beegti kiiskiisa dhagaysanayso.

Mar la weydiiyay waxa dilka xildhibaanka ay xaaladda ka bedali karto, ayaa Cali waxa uu ku jawaabay "hadda ma uu coddeyn karoo o codkiisa kuma dhibi karo Muslimiinta, waana farriinta aan u dirayo saaxiibbadii."

Eedeysanaha ayaa tilmaamay in arrinta kale ee uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay xubinnimadiisa saaxiibbada Israa'iil ee xisbiga Conservative-ga.

Mar la weydiiyay inuu yahay Muslim xagjir ah, ayaa waxa uu ku jawaabay "waxaan ahay Muslim qunyar socod ah".

Cali ayaa telefoonka kula hadlayay walaashiis - oo u muuqatay "mid naxsan" - ayaa la maqli karay iyadoo isaga ku qeylineysa, sida loo sheegay xeerbeegtida.

Wuxuu ballansaday xildhibaanka kahor inta uusan dilin

Cali ayaa ku guuleystay inuu la ballamo xidlhibaanka isagoo xafiiskiisa ku qanciyay inuu ka shaqeeyo caafimaadka uuna u soo guurayo deegaankaas, isla markaaa uu rabo inuu xildhibaanka kala sheekeysto arrimaha gudaha. Cali ayaa muddo ku kaliyoobay xildhibaanka, taas oo ah nidaam loo ogolyahay xildhibaanada in ay ku qaabilaan dadka codbixiyeyaasha ah.

Ninkan oo jaamacadda isaga baxay isagoo aan dhammeysan ayaa ka soo safray magaaladiisa Kentish, waqooyiga London,wuxuuna soo aaday Kaniisadda Belfairs Methodist Church oo ku taalla xaafadda Leigh-on-Sea, halkaas oo uu xildhibaanku kula hadlayay bulshada.

Kalkaalisada xildhibaanka oo lagu magacaabo Rebecca Hayton ayaa sheegtay in Cali uu u muuqday mid "deggan oo furfuran" markii uu xildhibaanka la kumayay.

Waxay sheegtay in wada sheekeysi dheer oo arrimaha siyaasadda ku saabsna kaddib, uu Cali istaagay isagoo leh "waan ka xumahay", wuxuu dharkiisa kala soo baxay toorrey, xildhibaanka ayuuna "toos caloosha"uga geliyay.

"Sir David wuu cabaaday," ayuu dacwad-ooge Tom Little QC u sheegay maxkamadda.

"Mar kale ayuu toorreyda ku dhufta. Dabcan, dhowr jeer ayuu geliyay."

Kaddib markii Cali uu ka hor yimid nin aan hubeysneyn oo kulan la lahaa Sir David, wuxuu u sheegay inuu doonayay inay toogtaan booliiska sidaasna uu ku noqdo "shahiid".

Wuxuu sheegtay inuu masiixi yahay

Cali ayaa sheegtay inuu xiiseynayo inuu wax ka ogaado kaniisadaha iyo diinta Kirishtaanka kahor inta uusan dilin David Amess, sida maxkamadda loo sheegay.

Xeerbeegtida ayaa loo sheegay in Cali uu iska dhigay Kirishtaan doonaya inuu deegaankaas usoo guuro si ay ugu suurto gasho inuu kulan la qaato Amess.

Wuxuu xafiiska xildhibaanka u soo diray email, wuxuuna yiri: "Waxaan doonayay inaan deegaanka u soo guuro oo aan barto xildhibaankeyga mustaqbalka. Maaddaama aan ka shaqeeyo daryeelka caafimaadka, waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado qorshooyinkiisa, haddiiba ay jiraan, ee isbitaalka iyo shaqaalaha.

Wuxuu intaa raaciyay: "Sidoo kale, aniga oo ah qof daneynaya Kirishtaannimada, waxaan arkay kaniisado badan oo xaafaddeyda ku yaalla inaysan dad badan imaan, waxayna halis ugu jiraan in la burburiyo. Waxaan doonayay inaan ogaado in xaaladda Southend ay la mid tahay, haddii ay jirtana, waa maxay xalku." Ayuu ku yiri farriintiisa.

Wuxuu internetka ka baaray xildhibaano kale

Inta lagu guda jiray dhageysiga dacwadda ayaa xeerbeegtidu waxa ay dhageysteen sida uu u diyaarinayay weeraro qorshaysaan oo ka dhan xildhibaano kale, oo uu ku jiro wasiir Michael Gove kaas oo uu rumaysnaa Cali "in uu dhibaato ku yahay muslimiinta".

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhagaysatay in eedeysanaha ay ka go'need in uu qaado weerar uuna sahansaday xafiiska xildhibaan Finchley, Mike Freer, isaga oo baaritaan online ah ku sameeyay xildhibaano kale oo uu ku jiro hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Sir Keir Stamer.

Maxkamadda ayaa horraan u dhegaysatay in eedaysane Cali uu qorsheynayay inuu beegsado wasiirka dowladaha hoose ee UK, Michael Gove.

"Waxaan rumaysanahay inuu [Michael Gove] dhibaato badan u geystay Muslimiinta," ayuu Cali u sheegay xeer beegtida.

Waxa uu aad u doonayay inuu ku biiro ururka isku magacaabay dowladda Islaamka, oo uu rabay inuu Suuriya u safro mudadii u dhexaysay 2015 iyo 2017, balse ay taa ku adkaatay.

Waxa uu go'aansaday dilka xildhibaan David kadib arkii uu twitter ka ogaaday in uu qabanayo shir.

Waxa uu garnaqsigiisa ku soo afjaray inuu filayo in dilka xildhibaan Sir David ay cashar u noqon doonto xildhibaannada kale, isla markaana "ay joojin doonaan colaadda ka dhanka ah Muslimiinta".

"Waxaan u sameeyay dagaalka Suuriya dartiis"

Kaddib weerarka, Cali ayaa sheegay inuu doonayay in "xildhibaan walba oo saxiixay duqeyntii Suuriya, isla markaana oggolaaday dagaalkii Ciraaq, uu dhinto".

"Waxaan u sameeyay Suuriya darteed," ayuu yiri Cali. "Waxaan u sameeyay dadka aan waxba galabsan dartood. Waxaan u sameeyay duqeynta darteed. Wuu mudnaa inuu dhinto."

Wuxuu intaa raaciyay: "Wuxuu ahaa dil uu fuliyay nin dhalinyaro ah oo sanado badan qorsheynayay weerar uun, isla markaana ahaa haddana ah argagixiso xagjir ah."

Aabihiis wuxuu la taliye u ahaa Ra'isulwasaaraha Soomaaliya

Cali wuxuu ku dhashay London kaddib markii qoyskiisa ay ka soo guureen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadihii 1990-meeyadii, sida la qiyaasayo.

Aabbihiis, Xarbi Cali Kulane, wuxuu hore u ahaa agaasimaha xiriirka ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Cali ayaa dugsi sare ka dhigtay xaafadda Croydon, koofurta London, aa ayuuna ugu firfircoonaa shantii sano ee ugu horreysay.

Si kastaba, tegitaankiisii iskuulka iyo dadaalkiisiiba ayaahoos u dhacay markii dambe mana uusna keeneyn natiijadii la filayay.

Cali ayaa sheegay in markii uu ogaaday dagaalkii Suuriya ay taas ku dhiirrogelisay in waxyaabaha argagixisada la xiriira uu ka baaro online-ka sanadkii 2014.

Wuxuu kaddib galay Jaamacadda City oo uu ka baranayay raajada balse wuu isaga baxay sanadkii 2016 isagoo ku sheegay "sababo qof ahaaneed", sida laga soo xigtay jaamacadda.