Colaadda Ukraine: Reer Galbeedka oo loo iftiimiyay qaabka ay ku joojin karaan duullaanka Ruushka

Ruushka ayaa tamarta ugu badan siiya Yurub

Xigashada Sawirka, Anadolu / Getty

Qoraalka sawirka, Ruushka ayaa tamarta ugu badan siiya Yurub
Published

In gebi ahaanta la hakiyo iibsiga tamarta Ruushka ayaa joojin karta colaadda Ukraine, sida uu ku taliyay madaxii hore ee arrimaha dhaqaalaha u qaabilsanaa Madaxweyne Vladimir Putin.

Dr Andrei Illarionov ayaa sheegay in Ruushka uusan "dhan u qaadan" hanjabaada dalalka kale ee ah inay yareynayaan isticmaalka tamarta.

Yurub ayaa ilaa haatan iibsata shidaalka iyo gaaska Ruushka, inkastoo ay sheegtay inay dhimayso ku tiirsanaanta dalkaas.

Sanadkii la soo dhaafay, kharashaadka ay bixisay dowladda Ruushka ayaa 36% ka yimid dhakhliga tamarta.

Lacagtaas u soo xarootay ayaa inteeda badan waxaa bixiyay Midowga Yurub oo 40% gaaska ka hela Ruushka halka 27% shidaalkana uu ka soo dhoofsado waddankaas.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee ururkaas, Josep Borrell, ayaa maalmo ka hor sheegay in "maalintiiba ay bilyan Euro dhakhli ahaan u siiyaan Ruushka".

"Haddii dalalka Galbeedka ay si dhab ah u hakiyaan gaaska iyo shidaalka Ruushka, waxaan hubaa in bil ama laba bilood gudahood uu ku joogsanayo duullaanka Ruushka," ayuu yiri la taliyihii hore ee Putin.

"Waa qaabka ugu wanaagsan ee ay dalalka Galbeedka wax uga qaban karaan xaaladda taagan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Andrei Illarionov
Qoraalka sawirka, Dr Andrei Illarionov, oo la taliyaha dhaqaalaha u ahaa Putin sanadihii 2000 ilaa 2005.

Cunaqateynta Reer Galbeedka ayaa sababtay in shirkado badan ay isaga baxaan Ruushka, taasoo saamaysay dhaqaalaha waddankaas. Bangiga dhexe ee Ruushka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha dalkiisa uu sanadkan hoos u dhici doono 8%, halka Mac-hadka Caalamiga ah ee Dhaqaalaha uu qiyaastiisa gaarsiiyay 15%.

Shidaalka uu Ruushka dhoofiyo

Ruushka ayaa ah dalka saddexaad ee shidaalka ugu badan soo saara. Waa ka horreeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Kala bar shanta milyan ee barmiil ee uu maalintii soo saaro Ruushka ayaa waxaa loo dhoofiyaa Yurub. UK ayaa 8% shidaalkeeda ka soo iibsata Ruushka. Maraykanka ayaa isna 3% shidaalka ka iibsada Ruushka.

Sicirka shidaalka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sicirka shidaalka adduunka ayaa gaaray meeshii ugu saraysay muddo 14 sano ah.

Yaa buuxin kara kaalinta Ruushka?

Ben McWilliams oo ah khabiir ku xeel dheer siyaasadaha tamarta ayaa sheegay in la heli karo dalal buuxiya kaalinta shidaal ee Ruushka, balse ay adag tahay in la buuxiyo kaalintiisa gaaska.

Maraykanka ayaa ka codsaday Sacuudi Carabiya inay kordhiso shidaalka ay soo saarto, balse xukuumadda Riyadh ayaan marar hore ka diiday codsi noocaas ah.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka fekeraya inuu khafiifiyo xayiraadda uu saaray shidaalka Venezuela, oo hadda intiisa badan loo dhoofiyo Shiinaha.

Gaaska Ruushka ee Yurub

Haddii uu Ruushka gaaska ka jaro Galbeedka Yurub, waxaa aad sare ugu kici doona qiimihiisa. Gaaska Ruushka ayaa u dhigma 40% gaaska dabiiciga ah ee laga isticmaalo Yurub.

Haddii uu Ruushka joojiyo gaaskiisa, saameynta ugu badan waxa ay ku yeelan doontaa dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga.

Yurub ayaa u weecan karta dalalka gaaska soo saara sida Qatar, Aljeeriya ama Nigeria, balse waxa ay caqabad ka taagan tahay sida durba loo ballaarin karo soo saaridda gaas dheeraad ah.

UK ayaa 5% ku tiirsan gaaska Ruushka, halka Maraykanku uusan wax gaaska ah ka iibsan Moscow.

Hase yeeshee gaas yarida caalamka ayaa sare u qaaday sicirka waddamada Maraykanka iyo UK.

Midowga Yurub ayaa soo jeediyay qorshe uu qaaraddiisa uga dhigayo mid ka madax bannaan tamarta Ruushka ka hor sanadka 2030. Waxa qorshaha ka mid ah in aan lagu tiirsanaan gaaska iyo shidaalka oo keliya, balse la raadiyo hab kale oo lagu heli karo tamarta.

Saameynta dhaqaale

Dagaalka Ukraine ayaa durbadiiba horseeday in dadweynaha ay kharashaad dheeri ah ku bixiyaan shidaalka iyo gaaska.

Shacabka UK ayaa lagu wadaa in bilaha soo socota ay bixiyaan kharash ku dhaw sadex laab intii ay horay uga bixin jireen tamarta ay guryaha ku isticmaalaan.

Sicirka shidaalka ee Maraykanka ayaa gaaray meeshii ugu sarraysay tan iyo 2008, iyadoo la sheegay in 11% uu sare u kacay todobaadkii la soo dhaafay.

Andrei Illarionov iyo Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dr Andrei Illarionov oo Madaxweyne Putin la sawiran 2004.

Dr Andrei Illarionov oo hadda ku nool Maraykanka ayaa sheegay in goor ay noqotoba loo baahan yahay isbedal ku yimaada xukunka Ruushka.

"Suuragal ma aha in mustaqbal wanaagsan lala yeesho Ruush uu ka talinayo hoggaanka hadda. Ruushku dib uguma soo noqon karo saaxadda iyo dhaqaalaha caalamka," ayuu sheegay la taliyahan hore ee Putin.