You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qofka aan weli guursan maxaa doobnimadu loogu ceebeeyaa?
Xilliyadan dambe dunida waxaa ku soo badanaya dadka 'doobka' ee aan guursan, haddana waxay dadkaasi sheegaan iney dhawaan lammaane heli doonaan maadaamaa ay bulshada cadaadis kala kulmaan. Bulshooyin badan dhexdoodana doobnimada waxaa looga arkaa ceeb.
Qofka doobka ah marka uu la kulmo dadka lammaana ah ama isqaba waxa ugu horreeya ee la weydiiyo waxay tahay weli ma guursan miyaa iyo goormaad guursaneysaa.
Su'aalaha badan ee dadka doobka ah dhanka lammaanayaasha uga imanayana waxay ku kalliftaa iney saaxibba ka dhigtaan dadka iyaga la midka oo keli ah, kana fogaadaan lammaanayaasha maadaamaa ay dhibsadeen su'aasha badan ee uga imaneyso.
Su'aasha qofka doobka ah sida fudud loo weydiiyo ee ah 'weli ma doob ayaad tahay?', dadka qaar wey xanuujisaa halka wax u tari lahayd oo ay dhiirragelin u noqon lahayd.
Dadka aan guursan ama aan lammaana ahayn waxaa loo arkaa kuwa murugsan ama aan farxad haysan ama ay wax ka khaldan yihiin.
Haddaba cilmi-baadhayaal u kuurgalay dhibaatada ay bulshada ku hayso takooridda loo geysto dadka doobka ah ayaa eeegay dhibaatadu heerka ay gaarsiisan tahay.
Xog uu barnaamijka BBC Worklife ka helay macluumaad ay uruurisay shabakadda shukaansiga ee Match ayaa muujineysa in 52% oo kamid ah 1,000 -kii qof oo doob ah oo ku nool dalka UK oo da'da dhalinyaranimada ku jira ay sheegeen iney dareemayaan cadaadis bulshada uga imanaya doobnimadooda awgii.
Halka 59% ay dhalinyarada iskaabulada ah ay sheegeen iney ku qanacsan yihiin 'xaaladda xiriirka ay ku sugan yihiin' inkasta oo maalin walba dadka ay ku dhex nool yihiin ay kala kulmaan su'aalo joogta ah.
Bella DePaulo oo ka mid ah khubarada daraasadda sameysay waxay sheegtay dadka Mareykanka ku nool noolashooda ugu badan inay ku qaataan doobnimo halka ay reer ka yeelan lahaayeen.
Iyada oo soo xiganeyso xogta tirakoobka Mareykanka ee 1970-kii waxay sheegtay 40% dadka Mareykanka ku nool oo ay da'doodu gaartay guur iney reero sameysteen, 17% oo keli ahna ay xilligaa guur la'aan ahaayeen.
Halka 2012, 27% dadka ku nool Mareykanka ay doob yihiin, halka 20% oo keli ah waalid noqdeen oo ay carruur dhaleen.
1,000-ki dhlinyara ah ee ku nool UK 52% ka mid ah waxay sheegeen iney la kulmaan takoorka bulshada uga yimaadda doobnimadooda dartii.
Dhibaatada ay leedahay qofka doobka in la ceebeeyo
Allison Abrams oo ku takhasustay cilminafsiga waxay sheegtay ceebeynta iyo cadaadiska bulsho ee lagu hayo dadka doobka ee aan weli guursan ay mararka qaar dareemaan in da' gaar ah lagu guursado. Mar walbna ay dareemaan in da'dooda ay guurka dhaaftay ama guurka ay ka cabsadaan.
Inta ay khubaradu daraasadda sameynayeen bogga shukaansiga ee Match waxay soo dhigeen 'Kalmadda ay ka siman yihiin', dadka doobka ah oo ay bulshada kala kulmaan. 35% dadki ka falceliyey waxay sheegeen su'aasha had iyo jeer la weydiiyo ee ay dhibsadeen iney tahay 'maxaad doob u tahay?' su'aashaa oo ay jawaab u haynin.
Halka 38% boqolkina ay sheegeen si ay su'aasha joogtada ee bulshada uga timaadda ai ay uga nabad galaan iney guursadeen oo ay doobnimo ka baxeen.
Khubarada daraasadda iyo xog uruurinta sameysayna waxay soo jeedinayaan in qofku inta uu yar yahay ay habboon tahay inuu guursado, maadaamaa uu guurka muhiim u yahay taranka iyo jiritaanka bulshada.
Aragtida khaldan ee ku saabsan doobka kuma eka oo keliya khaladnimada balse waxay sidoo kale qofku ku yeelan karaan cawaaqib xun. Sida uu sheegay dhakhtar cilmi nafsiga ku takhasusay oo lagu magacaabo Abrams, ceebaynta gudaha ee ka imanaysa dabeecadaha bulshada ee ku wajahan kalinimada waxay si xun u saamayn kartaa nafsadda qofka.
Su'aalaha doobnimadana ragga waxay kaga badan tahay dumarka aan weli guursan maadaamaa da'da dumarka ay hooya ku noqon karaan ay tahay mid xaddiidan marka ragga loo eego.
Dhibaatada doobnimadana waxay si aad ah ugu badan waddamada horumaray intooda badan halka dhalinyarada rag iyo dumarba leh oo da'da dhalinyaranimada ku guursada ay u badan waddamada soo koraya.
Da'da ugu wanaagsan ee ay khubaradu ku talinayaan inuu qofka ku guursadana waxay ku sheegeen iney tahay inta u dhaxeysa 25-30 jir.
App-ka shukaansiga Bumble oo bishii Oktober 2021-ki xogta daraasad uu sameeyey la wadaagay BBC Work life waxay muujineysaa 53% oo 8,500 oo qof daraasadda laga qayb geliyey oo ka soo jeeda waddamada Canada, Faransiiska, Jarmalka, Hindiya, Mexico, Philippine, Australia, UK iyo Mareykanka waxay isku raaceen iney caadi tahay inuu qofku in muddo ah uu doob ahaaado.
Khubarada daraasadda sameysay waxay sheegeen iney ku rajo weyn yihiin mustaqbalka iney isbaddasho tirada badan ee dadka doobka ah oo sanad walba tirakoobka marka la soo saaro sida weyn uga muuqata oo ay dadkuna kelinimada ka baxaan oo ay ka war doonaan lammaanenimada ama iney guursadaan si ay iyaguna uga badbaadaan su'aasha bulshada uga imaneysa ee ah 'ma guursan miyaa iyo goormaad guursan?'.