Ruushka oo kumanaan dad rayad ah qasab ugu raraya dhulkiisa

Published

Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka inuu si qasab ah kumannaan qof oo rayid ah uga raray magaalada Mariupol, oo ah magaalada dekedda leh ee muhiimka ah oo ay burburiyeen duqeymaha Ruushku halkaa ka gaysanayo.

Ruushka ayaa xeryo ku meel gaar ah u sameyay dad gaaraya 5,000 oo qof waxaana ay ku yaallaan bariga Mariupol, xeryahaan oo lagu arkay sawirro lagu qaaday dayax-gacmeed.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa sheegtay in 40,000 oo qof laga soo raray Ukraine lana geeyay dhulka uu Ruushka haysto iyadoon arrintaa aan lagu wargalin Kyiv.

Qaxootiga laga soo raray Mariupol, oo hadda ku sugan Ruushka, ayaa yiri: "Dhammaanteen waxaa naloo qabsaday hab qasab ah".Qaar ka mid ah saraakiisha Ukraine ayaa ku tilmaamay ficilada Ruushka inay yihiin "masaafurin".

In dhinacyo dagaallamaya ay si qasab ah dad rayad ah dhulkooda uga raraan ayaa ah xadgudub ka dhan ah xuquuqda insaanka. Ku dhawaad 140,000 oo rayid ah ayay u suurtagashay in ay ka baxsadaan go'doominta Mariupol, halka 170,000 kalna ay weli halkaas ku xayiranyihiin, waxaana sidaasi sheegay mas'uuliyiinta magaalada.

Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Ruushku ku hayo in ka badan saddex toddobaad magaalada ayaa dhaliyay burburan ba'an iyadoo duqeymuhu ay dadka shacabka ah ku abuureen argagax sababay inay isku qariyaan meelo kala duwan oo ay baqaaro ku jiraan isla markaana wax ay cunaan iyo wax ay cabbaan aaney heli karin.

BBC -du si madax banaan uma xaqiijin karto tirada dadka rayidka ah ee laga soo daad gureeyay Mariupol, iyo tirada lagu dilay halkaasi. Tiro yar oo ah dad rayada ah kana cararay Mariupol ayaa isticmaalay marinnada bini'aadantinimo ee ay labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Ukraine ayaase sheegtay in ciidamada Ruushku ay sii wadeen duqeymaha ay ku garaacayaan waddooyinka laga daadgureynayo dadka, kuwaas oo la rabay in ay nabad noqdaan si dadka shacabka ah ay u badbaadaan.

Qaybo ka mid ah Mariupol oo ay qabsadeen Ruushku, warbixinnada ka imaanaya waxaa ay sheegayaan in dadka rayidka ah ay la ildaranyihiin gaajo iyo harraad ayna haystaan fursado yar oo ah inay u baxsadaan oo kaliya aagga Ruushku haysto. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa BBC-da u sheegay in meelo ay gabbaad ka dhiganayeen ay ciidamada Ruushku ka dalbadeen inay isaga baxaan sababo la xiriira ammaankooda dartood.

Ku xigeenka duqa magaalada Mariupol Serhiy Orlov ayaa isna BBC-da u sheegay in magaaladiisa ay dadka "qaar ay ugu dhimanayaan fuuq-bax iyo cunto la'aan, qaarna ay ugu dhimanayaan dawo la'aan,". Wuxuu intaa raaciyay in meydad badan ay daadsanyihii waddooyinka, maadaama aruurintooda ay tahay mid halis ah.

Askarta Ruushka ayuu sheegay ku xigeenka duqa Mariupol inay dadka ku cadaadinayaan inay haystaan daqiiqado kooban si ay ugaaraan xeryaha ku meel gaarka ah ee ay dadka sida qasabka ah ku gaynayaan.

Tobanaan qof oo ah qaxooti ka yimid Mariupol ayaa ku sugan xaruun isboorti oo ku taal Taganrog, oo ah magaalo ka tirsan Ruushka una dhaxaysa Mariupol iyo Rostov.Hay'adaha gargaarka qaarkood ayaa iska fogeeyay inay ku lug leeyihiin daad gureynta qasabka ah ee Ruushku ku sameynayo dadka reer Ukraine.