Waqtigii uu Ruushka qaamaha isaga bixin lahaa oo foodda soo ah

Published

Ruushka ayaa ku andacoodey in uu dulsaar fiican siiyey maal-gashadayaasha caalamiga ah isaga oo iska ilaalinaya in uu ka baaqsado bixinta deenta.

Cunaqabataynta reer galbeedka ayaa lagu soo rogay Ruushka ka dib markii uu ku duulay Ukraine, iyada oo laga xayiray helitaanka kaydka lacagaha shisheeye.

Ruushka ayaa sheegay in ay bixiyeen lacag dhan 117 milyan doolar , balse maalgashadayaasha aan weli la bixin.

Haddii lacagta aan la bixinta ilaa 30 bisha april , waxaa markaa ay noqonaysa in uu deenta iska bixin waayay.

Isagoo ku dhawaaqayay in Ruushku uu bixiyay deynta, ayuu wasiirka maaliyadda ee Ruushka Anton Siluanov uu sheegay in uusan hubin in lacagtaas ay dhaafi doonto waqtiga loo qabtay in ay ku bixiyaan cunaqabateynta saaran darteed.

"Waan haysanaa lacag, waanu bixinay lacag, hadda kubbadu waxay taalaa maxkamada, gaar ahaan, mas'uuliyiinta Maraykanka.". Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in cunaqabateynta hadda aysan ka hor istaagi doonin Ruushka in uu lacagta bixiyo.

Inkasta oo jahawareer badan jiro, hadana haddii deynta aan ugu dambeynta la bixin dhamaadka 30-ka maalmood ee soo socda, waxa ay micnaheeda noqon doontaa in ay Ruushka ku guuldareysan doonaan bixnteeda.

Wakaaladaha qiimeynta amaahda ayaa ka digtay in ay suuragal tahay in deyn uu Ruushku " iska bixin waayo".

Waa maxay sababta Ruushku uusan u bixin karin deynta?

Dawladda Ruushka - iyo shirkadaha sida Gazprom, Lukoil iyo Sberbank - waxay ku leeyihiin ku dhawaad ​​150 bilyan oo doolar maalgashadayaasha ajnabiga ah.

Inta badan lacagtaas waa dollar ama euro, dulsaarka iyo dib u bixinta waa in ay noqtaa labadaas lacagood.

Balse cunaqabataynta la saaray kadib markii Ruushku uu gudaha u galay Ukrain ayaa la macno ah in uu lumiyay in badan oo ka mid ah kaydka sarifka lacagaha qalaad oo dhan 630 bilyan oo doolar.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu Ruushka wali Shidaalka iyo Gaaska ku sii iibiyaan Doolar iyo waxyaabaha kale ee ay dibadda u iibgeyso. Haddii Ruushku ku guuldareysto bixinta lacagtani, waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee ay deenta iska bixin waayaan tan iyo 1998.

Waxa kale oo ay noqon doontaa markii ugu horeysay ee uu ku dhaco deynta lacagta ajnabiga ah tan iyo kacaankii 1917, markii dawladda cusub ee Bolshevik ay diiday inay aqoonsato deymihii ugu dambeeyay.

Saamayn intee le'eg ayay ku yeelanaysaa Ruushka haddii uu deemaha iska bixin waayo?

Mar kasta oo ay Ruushka ku guuldareystaan bixinta deynta waxay u badan tahay inay sii murjin doonto dhibaatooyinka dhaqaale ee Ruushka haysta.

Ka hor inta uusan duulaanka ku qaadin dalka Ukrain, Ruushka waxaa lagu tirin jiray mid ka mid ah dalalka ugu daynta yar caalamka, iyadoo ay hooseyso deymaha lagu leeyahay. Laakiin arrimuhu si weyn ayay imika isu beddeleen.

Iyadoo taasi jirto, dhaqaalaha Ruushka ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco 7% sanadkan sababo la xiriira cunaqabataynta.

Sicir bararka bishii Febraayo wuxuu ahaa 9.15% ka hor duulaankii Ukraine. Hadda waxaa la filayaa inay si weyn kor ugu kacdo sanadkan, inkastoo bangiga dhexe ee Ruushka uu kor u qaaday dulsaarka 9.5% ilaa 20%.