You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maalinta haweenka aduunka: Maxay Afrika uga dhigan tahay maalinta haweenka aduunka?
Sannad kasta, Qaramada Midoobay waxay u qoonsatay 8-da Maarso maalinta loo dabaaldego xuquuqda haweenka - iyo in la muujiyo caqabadaha weli horyaalla ee soo afjaraya takoorka jinsiga ee dhammaan dhinacyada nolosha.
"Sinaanta jinsiga maanta si ay bari u noqoto mid waarta" waa hal-kudhiga ay QM u dooratay sanadkan in lagu xuso maalinta rasmiga ah ee loo yaqaanno Maalinta Haweenka Adduunka.
Maxay tahay sababta hal-kudhigan loo doortay?
Dr Maxime Houinato, oo ah agaasimaha hay'adda haweenka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaa BBC u sheegtay in "hormarinta sinnaanta jinsiga marka loo eego xaaladda cakiran ee cimilada iyo dhimista khataraha masiibooyiinka ay tahay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee caalamka ee qarnigan 21-aad".
"Haweenka iyo gabdhuhu waxay la kulmaan saameynta ugu weyn ee isbedelka cimilada," ayay raacisay.
Cilmi-baaris ay Qaramada Midoobay sameysay ayaa muujinaysa in haweenka iyo gabdhuhu ay yihiin kuwa ugu badan ee ku dhinta masiibooyinka dabiiciga ah.
"Tusaale ahaan, 95% dadkii ku dhintay fatahaadihii ku dhuftay Solomon 2014 waxay ahaayeen haween, 55% dhimashada dhulgariirkii 2015 ku dhuftay Nepal waxay ahaayeen haween , halka 59% dadkii ku barakacay duufaantii Idai 2019 ee Malawi ahaayeen haween," sida lagu dabacay barta ay internet-ka ku leedahay hay'adda xuquuqda Haweenka Qaramada Midoobay.
Intaa waxaa dheer, masiibooyinka isbadelka cimilada la xiriira ayaa sii xumeeyay dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale.
"Tusaale ahaan Uganda, markii abaartu ku dhufatay oo ay dadka xoolihii dhaafeen, dalaggii oo gabaabsi noqday, cunto yari, abaaro ba'an iyo Ayaxii ku habsaday halkaasi ayaa waxaa ka dhashay in gabdho badan ay iskuulada ka cararaan islamarkana qaarkood ay la kulmeen guur lagu qasbay ," sida ku cad maqaal lagu qoray wakaaladda wararka ee , Inter Press Service, .
Sidee ku timid maalinta haweenka aduunka?
Maalinta haweenka aduunka waxay markii ugu horeysay soo if-baxday xilligii dhaqdhaqaaqa ururada shaqalaha 1908dii, ka dibna waxay Qaramada Midoobay maalinkan u asteysay maalinka haweenka aduun waynaha sanaddi 1975.
Sannadkii 1908-dii, in ka badan 15,000 oo haween ah ayaa socod ku maray magaalada New York si ay u dalbadaan saacadaha shaqada oo gaaban, mushaar wanaagsan iyo xaqa cod bixinta.
Xisbigii Hantiwadaaga Ameerika ayaa sanad ka dib ku dhawaaqaya Maalinta Haweenka Qaranka markaasi oo la qabtay xuskii ugu horeeyay.
Marxist Jarmal iyo haweeneydii aadka ugu ololeyn jirtay xuquuqda haweenka ee Clara Zetkin ayaa ahaa shaqsiyaadkii gundhigga u ahaa aqoonsiga nooca caalamiga ah ee Maalinta Haweenka Qaranka Maraykanka.
Zetkin waxa ku biirtay 100 haween ah oo ka kala socday 17 wadan oo shir caalami ah oo ay lahaayeen haweenka shaqeeya kaasi oo ka dhacay caasimada Denmark ee Copenhagen 1910kii.
Shirku wuxuu si wada jir ah isku raacay soo jeedintii Zetkin ee ahayd in laga billaabo sanadka soo socda laga xuso maalinta haweenka ee Austria, Denmark, Jarmalka iyo Switzerland.
Fikirka Zetkin ee Maalinta Haweenka Adduunka ma lahayn taariikh cayiman.
Qaramada Midoobey ayaa markii dambe u asteysay in maalinta caalamiga ah ee haweenka sanad kasta loo dabaal-dago 8 bisha maarso.
Maxay uga dhigan tahay Afrika?
7 dal oo ku yaalla qaaradda Afrika aya Maalinta caalamiga ah ee haweenka ee 8 maarso waxay u tahay maalin fasax ah o shaqooyiinka laga nasto.
Waxaa dalalkaas ka mid ah dalka Ereteriya, iyada oo la aqoonsanayo kaalintii weynayd ee haweenka iyo hablaha ay ka geysteen halgankii madaxbannaanida ee dalkaa.
Wadamada kale ee Afrikaanka ah ee ku dhawaaqay 8-da Maarso inay tahay maalin fasax dadweyne ah waxay kala yihiin Angola, Burkina Faso, Guinea-Bissau, Sierra Leone , Uganda iyo Zambia.
Qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaa leh maalin u gaar ah maalinta haweenka - Koonfur Afrika ayaa maanta oo kale 9-ka August u ah maalin fasax ah oo lagu maamuusayo 20,000 oo haween ah oo maalintaas sanaddii 1956-kii isugu soo baxay si ay uga soo horjeedaan siyaasadihii cunsuriyadda ahaa ee taliskii caddaanka tirada yar ee talada dalka hayay waqtigaas.
Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa 31-ka July u aqoonsaday maalinta haweenka Afrika.
Midowga Afrika ayaa sheegay in maalintan looga gol leeyahay "in la aqoonsado lana xaqiijiyo" doorka haweenka ee "gaaritaanka xorriyadda siyaasadeed ee Afrika iyo horumarinta xaaladda bulsho iyo dhaqaale ee haweenka qaaradda".
In kasta oo wax badan ay u baahan yihiin in la qabto si loo helo sinnaanta jinsiga, haweenka Afrika waxay sameeyeen guulo la taaban karo iyadoo xogta Qaramada Midoobay ee 2021 ay muujinayso in Rwanda ay leedahay tirada ugu badan ee haweenka baarlamaanka - 61%, waxaa ku xiga Cuba iyo Bolivia oo leh 53% midkiiba iyo Imaaraadka Carabta 50%.
Bariga iyo koonfurta Afrika ayaa leh matalaadda ugu sarreysa ee haweenka ee baarlamaanka dalalka Saxaraha ka hooseeya - 32% marka la eego Dicember 2020, marka loo barbardhigo celcelis ahaan guud ahaan caalamka oo ah 24.5%.si.