You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tignooljiyadda casriga ah: Qalab ogaanaya xannuunnada ay lo'du qarsanayaan oo la tijaabiyay
Sida saca wata nambarka 2073 ee ka soo baxayso xerada lagu maalo marka ay hormarayso kamaradda u dhow, kumbiyuutarku wuu aqoonsanayaa oo eegayaa tallaabo kasta oo uu neefka saca ah qaaddo.
Si kooban ayaa neefka looga arkayaa shaashadda, laakiin waxaa ka muuqda mashiinta sinnaan la'aan yar oo socodka saca ah, oo ay isku dayaya inuu qariyo.
Waxaa laga yaabaa in aan aadanuhu dareemin in ay wax khaldan yihiin laakiin mishiinka ayaa xaaladdaasi ogaanaya.
"Runtii, waxaan rabnaa inaan si buuxda u bedelno ilaalada gaarka ah ee xoolaha sida marka neefku seexdo, ama ay wax cunayo," ayuu yidhi Terry Canning, aasaasaha iyo madaxa fulinta ee mashruuca CattleEye ee dalka UK.
Tignoolajiyada shirkaddiisu waxay si toos ah u ogaanaysaa calaamadaha raafdillaaca iyo dhutinta ay nabarrada gaadhaa ku keenaan lo'da. Qorshahan ayaa markii hore ku koobnaa meelaha ay joogaan lo'da caanaha laga liso awgood loo dhaqaaleeyo, hadda se badi Mareykanka iyo UK Ilaa 20,000 oo lo' ah ayaa nidaamnkani xaalkooda caafimaad iyo nololeed isha ku hayaa.
Laakiin tignoolajiyada cusub ayaa sidoo kale soo kordhisay horumaro suurtagal ah oo ku saabsan habka casriga ah ee daryeelka xoolaha iyo dhimista dikhawga hawada, sida uu qabo Mr Canning.
Waxaana ay la dagaallamayaan raaf dillaaca iyo dhibaatooyinka waxyeellaynta socodkii lo'da.
Lo'da oo dhutisa ama curyaanta waxaa keena dhaawacyo ama caabuqyo kale, waxayna noqon kartaa mid aad u xanuun badan. Lo'da curyaanka ah waxay soo saartaa caano yar, haddii aan la daweynna waxay la macno tahay in ay gudhi doonto.
Cilmi-baarayaasha jaamacadda Liverpool ayaa dersay nidaamka CattleEye oo laga hirgeliyey saddex beerood oo lo'da lagu xanaaneeya si ay u hubiyaan saxnimadiisa.
CattleEye waa hal nidaam oo keenaya heerar sare oo ilaalineed, gaar ahaan beeraha ay ku sugan yihiin lo'da loo dhaqdo caanaha laga liso ee la iibgeeyo.
Qalabka kale ee lagula socdo caafimaadkooda waxaa ka mid ah qalabka dareemayaasha ee lagu magacaabo Moocall.
"Kharashka tignoolajiyada lagu heli karo ma dammaanad qaadi karaan qiimaha caanaha aannu ku iibinno" ayay tiri. Nels Nelson oo sheegtay in ninkeedu uu doorbidayo in gacmihiisa ku baadho lo'da xaaladdooda caafimaad halista tahay halkii uu ku tiirsanaan lahaa mashiinnada, ayay raacisay.
Isagu maaha dadka tignoolajiyada lidka ku ah laakiin qoysku ma heli karaan faa'iidada maalgashiga nidaamyada tignoolajiyadeed, ayay sheegtay.