Sabaayadda reer Uganda ee gashay Diiwaanka Adduunka

Xigashada Sawirka, MIRIAM WATSAMBA/BB
Sabaayadda duuduubka ah ee adduunka ugu weyn waxa garaamkiisa dhanyahay 204.6 kg, dherer ahaana waxa ay dhantahay 2.32 mitir , waxayna gashay diiwaan dhacdooyinka adduunka.
Sabaayaddan ayaa lagu magacaabaa rolex, balse ma ahan saacadda qaaliga ah ee Swiss-ka ah, iyada oo dadka reer Uganda ay ku kaftamaan "reer Swiszerland rolex waa ay xidhaan, anagana waan cunnaa".
Sabaayadan ayaa lagu laabaa ukun iyo qudaar , waxaana laga helaa dhinacyada dariiqyada Uganda.
Buugga ama Diiwaanka Dhacdooyinka Caalamka ee afka qalaad lagu yiraahdo Guinness World Records ayaa dhowaan siiyay shahaadada aqoonsiga ee ah in sabaayaddani tahay tan ugu weyn adduunka.
Marka la samaynayo sabaayadda, waxaa la diyaariyaa 1,200 xabbo oo ukun ah, 90kg oo qudaar ah oo isugu jira basal, yaanyo, ansalaato, daba-caseeye, iyo basbaas, 72 kg oo bur ah iyo 40kg oo saliid ah.
Illaa 60 qof ayaa ka qeybgasha diyaarinta cuntadan halkii mar, iyada oo ninka Youtube-ka wax ku baahiya ee reer Uganda Raymond Kahuma uu isu keenay cunto kariyeyaal kuwaas oo muddo 14 saac ah diyaarinayay cuntadan.
Shaqada ugu culus waa xashka cajiinka, iyo xilliga karinta.
Xilliga habeenkii ah ayaa aad looga helaa rolex dariiqyada magaalada Kampala iyo magaalooyinka kale.
Markii ugu horeysay waxaa la rumeysanyahay in sabaayaddan ay soo caan baxday kadib markii nin cuntada fudud kariya uu ka iibin jirey arday baahan ee jaamacadda Makarere ee Kampala.

Xigashada Sawirka, MIRIAM WATSAMBA/BBC
Dadka ganacsigan ku jira waxaa ka mid ah Aaron Odeke oo 12 sano ka hor galay kadib markii uu shaqo waayay, maalinkii wuxuu iibiyaa illaa 100 xabbo oo sabaayad ah, halkii xabbana waxa uu ku iibiyaa lacag dhan $0.57 oo u dhiganta 2 kun oo lacagta Uganda ah.
Dadka macaamiisha waxaa ka mid ah Nsubuga Male oo ah arday sharciga barta, wuxuuna sheegay in marka uu sabaayadda cuno ay la mid tahay in isaga oo maqaayad weyn ka qadeeyay oo kale.
Cuntadan ayaa lagu sameeyaa dalabka macmiilka kadib, iyada oo xitaa ay aad u dalbadaan dadka shaqooyinka wanaagsan haysta ee xiran suudadka.













