You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Bandhigga Riyaad: Waa kuma Imaamkii hore ee Xaramka Maka ee muuqaalka xayeysiinta ka soo muuqday?
Dadka ku xiran baraha ay bulshadu ku xiriiraan ee Carabta gaar ahaan Sucuudi Carabiya ayaa wax ay aad ugu mashquuleen laba arrimood oo buuq kiciyay.
Arrinta koobaad ayaa waxa uu ku saabsan yahay Imaamkii hore ee Xaramka Maka Caadil Al-Kalbaani oo ka soo muuqday xayeysiin cusub, halka tan labaad ay ku saabsan tahay dib u dhigista imaanshiyaha kooxda dadka madadaalisa ee "Stray Kids" ee Kuuriya, kooxdaas oo ka qeyb qaadan laheyd Bandhigga Riyaad, iyadoo arrintaas loo sababeeyay cimillada oo aan wanaagsanayn.
Al-Kalbaani oo ku soo baxay xayeysiis cusub
Markale ayuu Imaamkii hore ee Xaramka Maka, Sheekh Caadil Al-Kalbaani, ku soo baxay xayeysiin loo samaynayay "Bandhigga Riyaad", arrintaas oo horseedday mowjad dhaleecayn ah oo ninkaas lagu beegsaday.
Qeybta hore ee muuqaalka xayeysiinta ah ayuu Kalbaani waxa uu xiran yahay dhar qarniyadii dhexe la xiran jiray oo ay milaterigu xiran jireen waxa uu dul taagan yahay buur halkaas oo uu ka daawanayo dabeyl soo socota.
Muuqaalka oo aanan saddex daqiiqadood ka badnayn ayey dadku aad isula wadaageen ugana ra'yi dhiibteen.
In ka badan lix milyan oo jeer ayaa la daawaday tan iyo markii uu hogaamiyaha hay'adda madadaalada Sucuudiga Turki Al-Sheekh uu muuqaalkaasi soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Al-Khalbaani ayaa ku soo baxay muuqaalka oo ay ku jiraan xiddigo kubadda cagta ah iyo sakhsiyaad kale oo caan ka ah Sucuudi Carabiya. Dadkaas waxaa ka mid ah hay'adda madadaalada Sucuudiga ahna xiddig kubadda cagta Yaasir Al-Khaxdaani.
Al-Sheekh ayaa waxa uu amaanay dedaallada dadkaas ku jira xayeysiinta, isagoo hoosta ka xariiqay in "dhacdooyinkaasi ay qeyb ka yihiin natiijooyinka la doonayo in lagu gaaro Hiigsida 2030 ee uu bilaabay Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga".
Iyadoo dadka arrintaas la dhacsan ay amaaneen muuqaalka xayeysiinta ah iyo qaabka loo farsameeyayba, waxaa dhanka kale jira dad kale oo ka carooday in Sheekha uu ka qeyb qaato borobagaando noocaas oo kale ah.
Taageerayaasha xayeysiinta ayaa amaanay dhiiranaanta Al-Kalbaani iyo inuu xayeysiinta dhacdada ay suuragalka tahay in "ay gacan ka gaysato abuurista shaqooyin cusub iyo inay hoos u dhigto sida Boqortooyada ay ugu tiirsan tahay wax soo saarka shidaalka," waa sida ay u dhigeen ee.
Dhanka kalase, waxaa jira kuwo in Imaamka hore uu ku lug yeesho xayeysiinta ay tahay "isku day xun oo Boqortooyada loogaga saarayo dhaqankii diinta ee ay laheyd."
Qaarkood ayaa ku calaacalay in "Al-Kalbaani oo hore imaam uga soo noqday Xaramka Maka uu isu badalay shactiroole".
Ma ahan markii ugu horraysay oo Al-Kalbaani uu ka qeyb qaato xayeysiinta loo samaynayo Bandhigga Riyaad.
Bishii Nofeembar 2021, Kalbaani ayaa waxa uu ku soo baxay muuqaal xayeeysiin ah oo muran badan uu ka dhashay oo uu kaga sheekaynayo ciyaar Japan laga dheelo oo dagaal la xiriirta.