Aya Yuusuf: Sheekada macallimadda Muslimadda ah ee shaqadeedii iyo ninkeediiba ku weysay muuqaal laga duubay

Qoob-ka-cayaarka caloosha ayaa la sheegaa in uu soo bilowday waqtiyadii Fircooniga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qoob-ka-cayaarka caloosha ayaa la sheegaa in uu soo bilowday waqtiyadii Fircooniga
Published

Dalka Masar, muuqaal laga duubay macalimad meel gagaaraha ciyaar dhaqameed oo caloosha la wareejiyo ayaa dhaliyay dood qaran oo ku saabsan xuquuqda haweenka iyo qiyamka muxaafidka ah ee dalka Masar.

Aya Yusuf waxaa laga ceyriyay shaqadii macalinimo, waxaana sidoo kale furay ninkeeda, ka dib markii qof ay wada shaqeynayeen oo ku sugnaa munaasabad lagu qabtay doonta Nile uu muuqaal ka duubay iyada oo aan fasax u siinin.

Muuqaalka ayaa muujinaya iyada oo marba dhinac u dhaqaaqeysa oo si fiican ula socotay dhawaaqa muusiga waxaana markaasi ku wehelinayay macalimin kale oo rag ah.

Qoob-ka-cayaarka caloosha ayaa la sheegaa in uu soo bilowday waqtiyadii Fircooniga balse waxaa inta badan dadku ay ka caroodaan in dumarka ay ku dheelaan meel fagaare ah.

Muuqaallada kale ee Ms Yousef, oo xidhan xijaabka iyo lebbiska Islaamka ka hor inta aysan gaarin goobta munaasabadda ayaa u muuqday mid aad uga duwan marka loo eego labiska reer galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee, sida aad loogu faafiyay baraha bulshada ee Carabta todobaadkii la soo dhaafay, ayaa waxa ay kicisay qeylo dhaan ka soo yeertay muxaafidiinta Masar.

Dadka iyada dhaleeceynaya ayaa waxay ku andacoodeen inay u dhaqantay si anshax darro ah: "Waxay si cad u muujinaysaa waayaha saboolka ah ee aan ku noolnahay!!

"Waxbarashadu waxay gaartay heerkii ugu hooseeyay ee Masar," qof kale ayaa sidaasi ku qoray barta Twitter-ka, isaga oo ku baaqaya in ay soo farageliyaan mas'uuliyiinta ay khuseyso.

Ms Yousef ayaa markaas ka dib laga eryay dugsiga hoose dhexe ee Dakahlia ee gobolka Niil Delta, halkaas oo ay ka shaqaynaysay dhowr sano oo ay baray luuqadda Carabiga.

Waxa ay wacad ku martay in aysan dib dambe u dheeli doonin, waxana ay sheegtay in ay ku fikirtay in ay isdisho, ka dib markii ay arrintani la soo daristay.

"Toban daqiiqo oo aan saarnaa doontii webiga Niil ayaa nolosheydii iyo muqtaqbalkaygiiba galaafatay," ayay u sheegtay suxufiyiinta.

Dadka u dooda xuquuqda haweenka ee Masar ayaa iyaguna si adag uga hadlay, waxayna ku adkaysteen in macalimaddu aanay wax khalad ah samayn, waxayna sheegeen inay dhibane u tahay koox gaar ah oo bartilmaameedsada bulshada.

Iyada oo taageero iyo difaac u muujinaysa ayay macallimad kale oo maamule ku xigeen ka ah iskuul kale baraha bulshada soo dhigtay sawirro muujinaya iyada oo arooska gabadheeda ka cayaareeyso qoob ka ciyaar.

Madaxa Xarunta Xuquuqda Haweenka Masar, Dr Nihad Abu Qumsan, ayaa u soo bandhigtay Ms Yousef shaqo xafiiskeeda ah, waxayna ka codsaday inay keento qandaraaskeeda wasaaradda waxbarashada si ay ugu gudbiso dacwad sharci ah oo ka dhan ah shaqada laga eryay.

Tani waxaa laga yaabaa inay gacan ka gaysatay in kiiskeeda dib looga fakaro. Maamulka deegaanka ayaa hadda u magacaabay Ms Yousef shaqo cusub oo iskuul kale ah.

Macallimaddu ayaa waxa ay ku doodeysa in lagu xadgudbay xuquuqdeeda gaarka ah.

Waxa ay tilmaantay in aysan wax qoob ka ciyaar ah ka sameyn goobaha dadweynaha ama ardayda hortooda, waxa ayna sheegtay in ay qorsheyneysay in ay dacweyso qofkii muuqaalka duubay bishii hore.