You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Barafka Pakistan: 'Dhowr saacadood ayaan dhimashada meel ku sugayay'
Haweeney dalxiise ah oo gaarigeeda ku dhex xannibneyd muddo saacado ah oo uu baraf xoog leh ka da'ayay waddanka Pakistan ayaa xaaladdaas ku qeexday inay "geerida ka aragtay horteeda" xilli ay sugeysay in la caawiyo.
Samina waxa ay ka mid ahayd kumannaan qof oo u degdegayay si ay usoo daawadaan barafka xilliga qaboobaha ka da'aya buuraha magaalada Murree.
Balse duufaan baraf ah ayaa Jimcadii si lama filaan ah ugu dhufatay halkaas, taasoo geedaha dhulka ku ridday islamarkaana xirtay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa magaaladaas dhinaca waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah.
22 ruux ayaa ku geeriyooday musiibadan , halka qiyaastii 1,000 gaari ay ku xannibmay waddada. Dadka dhintay waxaa ka mid ah labo qoys oo xubno badan ka koobnaa.
Samina ayaa BBC-da u sheegtay in ay gurigeeda ka tagtay markii ay saacaddu ahayd 16:00 waqtiga maxalliga ah, si ay ugu safarto magaalada Murree, balse waxay durba ogaatay in ay ku jirto dadka ku xayirmay barafka.
Sawirro iyo muuqaallo lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa muujinaya gawaari xayirmay oo sanka isku wada haya, kuwaasoo dusha sare uu ka daboolay barafka.
"Waxaan arkayay dhimashadii oo horteyda timid," ayay tiri Samina. "Waxay ila ahayd in buuro baraf ah ay ka sameysmeen gaarigeygeenna dushiisa... Hadal kuma soo koobi karo xaaladda aan ku jiray.
"Waxaan baryeynay Alle si uu noo caawiyo waxaana ka baqeynay inaan ku dhimanno duufaanta barafka ah."
Sida uu sheegay Tariq Ullah, oo ah sarkaal ka tirsan maamulka magaalada u dhow halkaas ee lagu magacaabo Nathiagali, duufaanta barafka ah waxay dhigtay bafar dhulka ka sarreeyay 1.5m (5ft) kaasoo heerkaas ku gaaray saacado kooban gudahood.
"Waxay ahayd duufaan aan la fileynin," ayuu ku yiri Wakaaladda Wararka ee AFP. "Waxaa jiray dabeylo xoog badan, oo geedaha xididka u siibtay. Dadka ku dhawaa meelahaas way argagaxeen."
Samina waxaa ugu dambeyn la badbaadiyay abaare 10:00 subaxnimo ee maalintii xigtay, iyadoo habeenkii oo dhan ku qaadatay meel hoy ah oo laga dhisay magaaladan loo dalxiiska tago, oo heerka badda ka sarreysa 2,300 mitir (7,500 feet).
Hase yeeshee dadka dhintay waxaa ka mid ah 10 carruur ah, sida ay ku warrameen shaqaalaha gurmadka degdegga ah, iyo sidoo kale labo qoys oo ka kala koobnaa shan xubnood iyo siddeed xubnood.
Mas'uuliyiinta booliska ayaa sheegay in siddeed qof ay u dhinteen qabow dartiis, halka kuwa kalena loo maleynayo in ay sababsadeen qiiqa ka dhashay kuleylka ay gawaaridooda ku shideen si ay diirrimaad u helaan.
Su'aalo badan ayaa la iska weydiinayaa hadda sida ay arrintan ku dhacday iyadoo aan laga sii warqabin saadaasha cimilada.
"Wax digniin ah kama aannaan helin dhinaca bulshada, dowladda Google-ka, wararka iyo waaxda saadaasha hawada intaba," ayay tiri dalxiise lagu magacaabo Duaa Kashif Ali, oo la hadashay Wakaaladda Wararka ee AFP.
Iyada iyo 13 qof oo ka mid ah qoyskeeda iyo saaxiibbadeed ayaa ku xannibmay gawaaridii ay saarnaayeen kaddibna waxa ay lugeeyeen masaafe dhan 1.5 km oo ay ku tageen hoteel ay hoy ka raadsadeen.
Sida ay kusoo warrantay Wariyaha BBC-da, Farhat Javed, oo ku sugan Murree, magaalada ayaa halkii mar qaadi karta ilaa 5,000 oo gawaari ah.
Balse Jimcadii, 100,000 oo qof ayaa loo fasaxay in ay soo booqdaan halkaas, taasoo sababtay in saxmad weyn oo baabuurta ah ay ka dhalato, waxaana socodkooda gaabinayay barafka da'ayay.
Gawaarida qaar ayaa looga tagay waddooyinka dhexdooda, shaqaalaha gurmadka degdegga ahna - oo dhibaatada markii ugu horreysay lagu wargeliyay subaxdii Jimcada - waxa ay BBC-da u sheegeen in howshooda ay gaabis ku noqotay saxmadda awgeed.
Dowlad goboleedka Punjab ayaa sheegtay in ay baaritaan buuxda ku sameyn doonaan eedeymo ku saabsan in lagu guul darreystay bixinta digniinaha la xiriira cimilada.
"Guddi heer sare ah ayaa loo xil-saari doonaa baarista, haddii la helo wax dayacaad ahna, waxaa tallaabo laga qaadi doonaa dadka ku lugta leh," ayuu afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Hasaan Khawar.
Balse baaritaanka lama billaabi doona ka hor inta laga nadiifinayo waddooyinka magaalada Murree oo la dhisay xilligii gumeysiga Ingiriiska ee qarnigii 19-aad.