You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Guur doon: Nin boor waddada surtay si uu u helo xaas
Nin guur doon ah ayaa adeegsanaya boorar waaweyn oo ay ku qoran yihiin farriimo cajiib ah oo uu ku baadi-goobayo xaas.
Muhammad Malik, oo 29 jir ah, ayaa boorar xayeysiinno ah oo uu surtay waddooyinka London iyo Birminghama ku ogeysiinaya haweenka inuu yahay qof madax bannaan.
Waxaa ku qoran: "Iga badbaadi guurka la soo qorsheeyay," oo uu ula jeedo in aanu dooneyn gabar lagu daray.
Wuxuu sheegay inuusan arrintaas ka soo horjeedin balse uu door bidayo inuu isku dayayo inuu "iskiis qof u helo".
Balse ilaa iyo haatan baadi-goobkaas waxba ugama miro dhalin ninkan la taliyaha u ah banki ku yaalla London wuxuuna rajeynayaa inuu sameeyo website gaar ah oo lagu magacaabo - findmalikawife.com - uu beddeli doono nasiibkiisa.
Tan iyo intii uu boorarkaas suray Sabtidii, Mr Malik ayaa sheegay inuu helay boqollaal farriimo ah oo ka yimid hablo isaga daneynaya.
"Weli ma helin waqti aan ku eego," ayuu yiri. "Waxaan u baahanahay inaan waqti u qoondeeyo."
Mr Malik ayaa sheegay inuu isku dayay habab dhowr ah oo uu kula kulmo hablo kahor inta uusan boorarka surin waddooyinka.
"Waxaan ka soo jeedaa Pakistan gaar haatan Desi," ayuu yiri, "marka waxa ugu horreeya ee naloo sheego waa awoodda eeddoyaasha." Balse habkaas "ma uusan shaqeyn".
Waxaa haddana jiray apps-ka la isku shukaansado iyo shukaansi dhex maray hablo, balse wuxuu sheegay inuusan taas ku qancin.
Ugu dambeyn, qof saaxiibkiis ah ayaa u soo jeediyay inuu isku dayo inuu is xayeysiiyo. Mr Malik ayaa yiri: "Waxaan iri 'maxaan ku diidayaa - waa maxay waxa ugu xun ee dhici kara'?"
Borarkan, oo waddooyinka surnaan doona ilaa 14 January, ayaa waxaa taageeray qoyskiisa, iyadoo markii hore aysan waaliddiintiisu ku qanacsaneyn, inkastoo uu qirtay in
Mr Malik ayaa sheegay in gabadha uu jeclaan lahaa inuu nolosha la wadaago ay noqon doonto Muslim iyo qof ay si fiican isku fahmaan waaliddiintiisa.