65 jirka kow iyo toban-ka jeer qaatay tallaalka Covid-19 ee mahadinaya

Published

Nin ku nool Hindiya ayaa lagu qaatay tallaalka Covid-19 ugu yaraan siddeed jeer sannadkii dhawaan naga dhamaaday, sida uu xaqiijiyay sarkaal caafimaad.

Brahmdeo Mandal, oo 65 jir ah, ayaa sheegay in uu gobolka Bihar ka qaatay 11 qiyaasood oo tallaalka Covid-19 ah.

Boostaalaha shaqada ka fadhiistay ayaa sheegay in tallaallada ay ka caawiyeen in uu ka yaraado xanuunka sidoo kalana uu dareemay "caafimaad". Wuxuu ku sheegay inuusan wax saameyn xun ah kala kulmin.

Mr Mondal ayaa markii ugu dambayntii laga joojiyay in uu qaato tallaalkii ​​12-aad todobaadkii hore.

Baaritaan ayaa socda si loo ogaado sida Mr Mandal, oo qoyskiisa kula nool degmada Madhepura, ay ugu suurtagashay inuu helo tallaal badan.

"Waxaan horay u helnay cadeymo muujinaya inuu sideed tallaal ka soo qaatay afar meelood," Amarendra Pratap Shahi, oo ah dhaqtarka Madhepura, ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.

Tan iyo markii tallaalku bilaabmay 16-kii Jannaayo ee sannadkii hore, Hindiya waxay inta badan bixinaysay laba tallaal oo maxalli ah oo kala ah, Covishield iyo Covaxin.

Tallaalku waxaa laga bixiyaa, in ka badan 90,000 oo xarumood, oo badankoodu ay dawladdu maamusho.

Waxaa ka mid ah kooxo wareegaya oo dadka siiya tallaalka balse aan horay looga diiwaangelin dhanka online-ka. Ka faa'iidaystaha wuxuu u baahan yahay inuu keeno caddaynta aqoonsiga, aqoonsiga codbixiyaha ama shatiga wadista gawaarida.

Xogta laga soo ururiyay goobaha waxaa la galiyay bogga talaalka India ee CoWin.

Baaritaanno hore ayaa lagu ogaaday in Mr Mandal uu qaatay "laba tallaal nus saac gudahii" isla maalintaas oo mid kasta oo ka mid ah tallaaladaas "ay ka diiwaan gashan yihiin bogga talaalka India ee CoWin".

"Waan ku wareersanahay sida ay tani u dhici karto. Waxa ay u muuqataa in uu jirto khaladaad dhanka diwaan gelinta online-ka ah."

Khabiir ku takhasusay caafimaadka bulshada oo la yirahdo Chandrakant Lahariya ayaa BBC u sheegay in "sida kaliya" ee tani ku dhici karto ay tahay haddii xogta tallaalka ee laga helo goobaha la soo geliyo ee barta internetka muddo dheer kaddib.

"Laakiin waxaan weli la yaabanahay inaan la ogaanin iyadoo uu qaatay tallaal waqti dheer u kala dhexeeya kaas oo aan la oran karin diwaan gelinta ayaa dib u dhacday."

Mr Mandal, oo si faahfaahsan u xafiday qoraalo gacan ku qoran oo ku saabsan taariikhaha, waqtiyada iyo xerooyinka, ayaa ku andacoonaya inuu qaatay 11 tallaal intii u dhaxaysay Febraayo iyo Disembar ee sannadkii hore.

Waxa uu BBC-da u sheegay in uu u safray xeryaha tallaalka ee ku yaalla Madhepura iyo xitaa ugu yaraan laba degmo oo deris ah oo mid kasta ay degmadiisa u jirto in ka badan 100km waxa uu intaasi u marayay si uu qaato tallaal dheeraad ah. Waxa uu adeegsaday kaarar aqoonsi oo kala duwan si uu isaga diiwaan geliyo goobahaas.

"Kadib markii aan tallaalka qaatay waxaa i daayay xanuunkii, gaar ahaan jilbo xanuun i hayay. Ul ayaan ku socon jiray, balse hadda ma qaato, waan fiicanahay."

Qandho, madax-xanuun, daal iyo xanuun ayaa ah waxyeelada ugu badan ee la soo sheego kadib qaadashada tallaalka Covid-19. Xasaasiyadda daran waa dhif oo inta badan ma dhacdo.

"Marka qaadashada tallaalo badan oo Covid-19 ah, waa inay noqdaan kuwo aan waxyeello lahayn, sababtoo ah unugyada difaaca jirka horay ayaa loo sameeyay tallaaladuna waxay ka kooban yihiin qaybo aan waxyeello lahayn," Dr Lahariya ayaa sidaasi yiri.

Qiyaastii 65% dadka qaangaarka ah ee Hindiya ayaa si buuxda loo tallaalay iyadoo ku dhawaad ​​91% ay heleen ugu yaraan hal tallaal.