Afghanistan: Ashraf Ghani oo sharraxay qaabkii uu uga baxsaday Kabul

Published

Madaxweynihii hore ee Afghanistan ayaa difaacay go'aankii uu uga cararay waddankiisa xilligii ay kooxda Taliban la wareegeysay magaalada caasimadda ah ee Kabul, bartamihii sanadkan sii dhammaanaya.

Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu go'aansaday ka baxsashada Afghanistan si aan loo burburinin magaalo madaxda waddanka ee Kabul.

Markii ay caasimaddu gacanta u gashay xoogagga Taliban bishii August, kooxdu waxay si buuxda ula wareegtay talada Afghanistan.

Ghani ayaa shaaca ka qaaday in markii uu hurdada kasoo kacay 15-kii bishii August "uusan filaneynin marnaba" inay noqon doonto maalintii ugu dambeysay waddankiisa Afghanistan.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in arrintaas ay u caddaatay oo keliya markii ay diyaaraddiisa ka duushay Kabul.

Xilligaas madaxweynaha Afghanistan waxa uu la kulmay cambaareyn aad u badan iyo eedeymo loogu jeedinayay inuu dayacay waddankiisa.

Ashraf Ghani ayaa hadda daggan waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ilaa maalintii ay ahayd 15-ka bisha August, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Taliban ay oggolaayeen inaysan soo gelin gudaha magaalada Kabul - "balse labo saacadood kaddib, xaaladda meesha ka jirtay way ka duwaneyd sidaas."

"Labo garab oo kala duwan oo ka mid ah Taliban ayaa kusoo dhawaanayay caasimadda, kuwaasoo kasoo kala duulay labo jiho, suurtagalnimada in ay burburiyaan magaalada ay ku nool yihiin qiyaastii shan milyan oo ruuxna waxay ahayd mid aad u sarreysa," ayuu yiri Ghani.

Gaarigii uu sugayay ma imaanin

Madaxweynihii hore ee Afghanistan ayaa aqbalay in xaaskiisa iyo la-taliyihiisii dhanka amniga ay ka baxaan Kabul halka isagana uu sugayay gaari u kaxeeya xarunta dhexe ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Balse gaarigii ma imaanin, waxaa u yimid taliyihii ciidanka ilaalada madaxweynahana "oo argagaxsan" isagoo Ashraf Ghani u sheegay "in dhammaantood la dili doono" haddii uu ku adkeysto go'aankiisa ah inuu sii joogo Afghanistan.

"Ma uusan i siinin wax ka badan labo daqiiqo," ayuu Ghani ku yiri BBC-da. "Amarkeyga wuxuu ahaa inaan isku diyaarinno sidii aan u aadi lahayn dhinaca magaalada Khost. Balse wuxuu ii sheegay taliyaha in Khost ay gacanta u gashay Taliban, sidoo kalena ay qabsadeen magaalada Jalalabad."

"Ma aanan garaneynin meesha aan u socdo. Markii ay diyaaraddii ka duushay Kabul unbaan ogaaday in aan ka baxeyno Afghanistan. Runtii waxay ahayd arrin lama filaan ah," ayuu yiri Ashraf Ghani.

Markii uu baxay kaddib, dad uu ka mid yahay ku xigeenkiisii, Amrullah Saleh, ayaa eedeeyay, iyagoo ku tilmaamay in go'aanka uu dalka uga cararay uu ahaa mid "ceeb ah".

Ma lacag buu la baxsaday Ashraf Ghani?

Waqtigaas, wararka la isla dhex marayay waxay sheegayeen in Ashraf Ghani uu horay usii qaatay lacag aad u badan.

Hase ahaatee madaxweynihii hore ayaa wareysigan uu siiyay BBC-da si adag ugu beeniyay sheegashadaas, isagoo intaas ku daray inuu soo dhaweynayo baaritaan ay beesha caalamku ku sameyso arrintaas, si magaciisa uu nadiif u noqdo.

Isagoo taas ka hadlaya ayuu yiri: "Waxaan xaqiijinayaa in aanan qaadanin wax lacag ah oo aan ula baxay waddanka dibaddiisa. Nolosheyda iyo kharashaadkii aan isticmaalayay qof walba wuu ogaa. Maxaan ku falayaa lacagta aan qaadanayo?"