Christine Mboma: Gabadhii musiibada ku dhacday ee markii dambe guul qaran soo hoyisay

Published

Markii ay jirtay 13 sano, Christine Mboma waxaa ka kala dhaqaaqay saaxiibbadeed - iyagoo sababo arxan darro ah adeegsanayay - balse hadda boqoraddan uusan muranka ku jirin ee ciyaaraha Namibia waa ruux uu qof walba xiiseynayo.

Marka ay kasoo noqotay Tokyo, oo ay ku noqotay haweeneydii ugu horreysay ee reer Namibia ah oo ku guuleysatay billadda ciyaaraha Olympi-ga, safarkeedii ka billowday garoonka diyaaradaha ilaa magaalada caasimadda ah ee Windhoek wuxuu muujiyay nolosha cusub ee u billaabatay.

Safarkaas oo 45 kiiloo mitir ahaa islamarkaana qaatay saddex saacadood waxay ku dhex martay dadweyne bannaanka usoo baxay.

"Dadku magaceyga ayay ku qeylinayeen wayna ordayeen, iyagoo gaariga eryanaya - waxay ahayd arrin cajiib ah oo xiiso badan," ayay BBC Sport Africa ku tiri Mboma oo 18 jir ah.

Balse shan sano ka hor, xaaladdeedu waxay ahayd mid aad uga duwan sidan, iyadoo ku sugneyd baadiyaha waqooyiga dalka Namibia, halkaasoo guri aad ciriiri ah ay kula nooleyd mid ka mid ah waalidiinteeda. Waxay Mboma hal sariir kula seexaneysay ayeeyadeed, sariirtaasina ma uusan saarneyn wax furaash ah.

"Waxaa isoo korisay hooyadeey oo kaligeed ah," ayay tiri gabadhan oo loo xushay abaalmarinta shakhsiga ciyaaraha ee sanadkan oo ay bixiso BBC Afrika.

"Markii aay jiray 13 sano, hooyadeey way geeriyootay, waxaana la joogay adeerkeey iyo ayaayadeey.

"Wax walba way isbaddaleen, waxaana iga kala tagay saaxiibbo badan. Dadka qaarkood waxay igu naceen inaan ahaa gabar rajo ah oo ay hooyadeed dhimatay."

Aabbeheed wuu noolaa balse kaddib markii uu ka tagay hooyadeed, oo naafo ahayd, xilligaasoo Mboma ay lix sano jirtay, aad buu oga fogaaday qoyska.

Mboma waxa uu caqligeeda u kobcay si deg deg ah, maadaama ay qaadday mas'uuliyadda korinta labo walaalaheed ah.

"Hadda waa carruurteyda. Waxaan ku jiray nolol adag - welwel badan, waxaana ka fikiri jiray hooyadeey oo keliya," ayay tiri.

"Xoogaa waan isku buuqsanaa, kaddib waxaan billaabay xirfadda ciyaaraha."

Waxyaabaha ay ka baratay ciyaaraha ayaa baddalaya nolosheeda, mana aha dhinaca dhaqaalaha kaliya, balse waxay sidoo kale u baddalayaan dhinaca juqraafiga, maadaama ay hadda ku nooshahay meel ku dhawaad 500km u jirta gurigeeda iyo guriga tababaraheeda, Henk Botha.

"Maadaama ay kasoo jeedday qoys aad sabool u ah, Christine waqti adag ayay kusoo kortay, kaddibna hooyadeed ayaa ku dhimatay umul raac, cunugii dhalanayayna wuu la dhintay," ayuu yiri Botha, oo ah tababarihii hore ee kooxda rugby-ga Namibia.

Wax ka yar hal isbuuc gudihiis, Mboma xirfaddeeda way isu rogtay dhanka kale.

30-kii bishii June, waxay jabisay taariikhda u taallay tartanka 400m ee dadka ka yar 20-ka sano ee adduunka. Waa nooca tartanka ay ugu jeceshahay, wuxuuna ka dhacay Poland - "Waan naxay, balse waan faraxsanaa".

Labo maalmood kaddib, waxay ogaatay inay gali karto tartanka intaas ka sii dheer ee ka sarreeya 400m maadaama ay awood dabiici ah leedahay - "Waan naxay, waana murugooday."

"Wuxuu ahaa war xun," ayay tiri iyadoo dib u xasuusaneysa.

Xeer Xiriirka Ciyaaraha ee adduunka ayaa dhigaya in haweeney kasta oo awooddeeda dabiiciga ah ay ka sarreyso sida caadiga ah aysan ka qayb gali karin tartamada u dhaxeeya 400m ilaa hal meyl, ilaa ay awooddeeda wax ka dhinto mooyaane.

"Waxaan sheegay inaan heystay hal fursad - oo ah tartanka 200m," ayay tiri Mboma. "Haddii aan ka fikiri lahaa 400m iyo wax noocaas ah, waxaa iga lumi lahaa diiradda aan saarayay dadaalka, mana aanan ku fiicnaan lahayn Olympic-da."

Labo bilood gudahooda markii ay masaafaha baddashay, Mboma waxay afar jeer jabisay taariikhdii u taallay Afrika ee tartanka 200m ee dadka ka hooseeya da'da 20-ka sano. Afartaas jeer hal mid ayaa ahaa tartamadii Tokyo.

"Markii aan gaaray kama dambeysta Olympic-da, waan cabsanayay," ayay tiri gabadhan dhallinyarada ah oo guulo kasoo hoyineysay tartamadii socday sanadkan.

"Waxaan iska dhigayay qof fiican oo aysan waxba ka halleysneyn, waan dhoollacaddeynayay, dadkana gacanta ayaan u taagayay, waxaana eegayay kaamirooyinka."

Way mudneyd inay walwasho.

Iyadoo uu caalamku fiirsanayo, ayay gabar ku jirta billowga xirfaddeeda oo saddex sano ka hor billowday tababar ka guuleysatay xiddigo ilaa yaraantoodii halyeeyo ahaa, sida Shelly-Ann Fraser-Pryce oo u dhalatay Jamaica iyo Marie-Josee Ta Lou, oo kasoo jeedda Ivory Coast.

Siddeed iyo toban maalmood kaddib, Mboma waxay ku guuleysatay billadda Adduunka ee ciyaartoyda ka yar 20-ka sano, tartankii ka dhacay Kenya.

Bishii September waxay ku guuleysatay tartan sannadle ah oo ka dhacay magaalada Zurich.

Mustaqbal dahabi ah?

Mboma waxa ay sheegtay inaysan fahmin shuruucda adag ee ciyaaraha adduunka, iyo sida ay ciyaartoyda ugu kala saaraan lab iyo dhaddig.

"Wax fikrad ah kama heysto," ayay tiri iyadoo u muuqata inay qiraneyso.

Haddii xiriirka ciyaaraha caalamiga ah uusan sharciyadiisa mar kale wax ka baddalin, oo tartanka 200m u diidin gabadhan, waxay leedahay mustaqbal dahabi ah oo aad u ifaya, sida uu sheegay macallinkeeda, Botha.

"Ujeeddadeydu waa inaan sare u qaado shakhsiyaddeyda aana arko waxa dhaca."

"Markii aan billadda qaatay oo aan qoorta gishtay, illin ayaa iga soo daadatay. Waligey kuma riyoonin inaan ku guuleysto tartanka Olympic-da, haddana waxaan heystaa billadda qalinka - aad baan ugu faraxsanahay."

Ma jirtaa cid ay u hibeysay billaddeeda?

"Haa - Hooyadeey."