You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mareykanka: Ciidamadeenna looma qabsan doono weerarkii Kabul
Saraakiisha militariga Maraykanka ayaa sheegay in aan cid ka tirsan ciidamadooda wax eed ah laga saarayn weerarkii diyaaad aan duuliye lahayn ay 10 qof oo rayid ah ku dishay dalka Afghanistan maalimihii ugu dambeeyey ee Maraykanku dalkaas ka baxayey. Gantaalkaas ay ridday diyaaraddaasi ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa kii ugu dambeeyey ee ciidamadiisu ku ridaan Afghanistan muddadii labaatanka sano ahayd ee ay dagaalka halkaas ka wadeen.
Weerarkan ayaa dhacay labo todobaad kadib markii Kabul ay gacanta u gashay Taliban, saddex maalmood ka dibna ku dhowaad 170 qof - oo ay ku jiraan 13 askari Mareykan ah - ayaa lagu dilay weerar uu fuliyay qof is qarxiyay.
Iyada oo uu waqtigu gabaabsi ahaa oo la doonayay in la dhammaystiro daabulildda iyo ka bixitaankii ciidamada ajaanibta ah ayay saraakiiishu heleen xog sirdoon oo tibaaxaysay in baabuur dhex marayay caasimadda Afgaanistaan uu xidhiidh la leeyahay kooxda IS oo sheegatay weerarka lagu hoobtay ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Kaabuul oo xilligaasi aad u mashquul-badnaa.
Hase yeeshee ka dib weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ku naf waayay dhammaan dadkii saarnaa gaariga ay bartilmaameedsadeen.
Waxaana markii dambe la ogaaday in gaariga uu saarnaa nin reer Afghanistan oo u shaqeynayay hay'ad gargaar oo Mareykan ah iyo sagaal qof oo kale oo rayid ahaa oo ay ku jiraan toddobo carruur ah.
Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in dib u eegis rasmi ah ay ku talisay si loogu adeegsado habab cusub oo la xiriira weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, laakiin ma aysan jirin cid la sheegay in loo ciqaabayo dhacdada.
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka - oo la yirahdo John Kirby - ayaa sheegay in cadeymaha ay muujinayaan inaysan jirin wax dayacaad, anshax xumo ama hoggaan xumo ah oo ka timaaday dhanka kooxdii fulisay weerarka.
Qiimeyn sare oo bishii la soo dhaafay lagu sameeyay weerarkaas, ayaa lagu sheegay inaysan jirin sabab tallaabo ciqaab ah loo qaado, maaddaama aan wax sharci ah la jebin, isla markaana aysan jirin wax caddeynaya sharci-jebin iyo dayacaad.
Dhowr warbaahin oo Mareykanka laga leeyahay ayaa tebisay in qiimeyntaasi uu shalay ansixiyay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin.
Ciidamada Mareykanka ayaa beegsaay gaari uu saarnaa Zamairi Ahmadi, oo shaqaale gargaar ahaa xilli uu u sii socday gurigiisa oo 3km (1.8 meyl) u jiray garoonka.
Gaariga ayaa la sheegay in lagu arkay xero lala xiriiriyay kooxda IS-K, iyadoo loo maleynayay inay kooxdu qorsheyneyso weerar kale.
Weerarka ayaa sababay qarax labaad oo gaariga ka dhex dhacay, taas oo markii hore Mareykanku uu sheegay inay caddeyn u tahay in gaarigu siday walxaha qarxa. Si kastaba, baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday inay u dhowdahay in qaraxu uu ka dhashay taangiga shidaalka ee gaariga.
Muxuu markii hore sheegay Mareykanka?
Waa mid ka mid ah weerarradii ugu dambeeyay ee dhimashada badnaa ee Mareykanku qaaday intii uu socday dagaalkii 20-ka sano ka socday ee Afghanistan, waxaana ka horyimid baaritaanno lagu sameeyay warbaahinta Mareykanka ugu waawayn.
Wargeysyada New York Times iyo Washington Post ayaa sheegaya in duqeynta uu Mareykanku sheegay in lagu bartilmaameedsaday sarkaal ka tirsan Dowladda Islaamiga ay dhab ahaantii ku dhinteen shaqaale samafal oo ka hawl galayay Kabul.
Waxay sheegeen in caddeyntooda ay wiiqeyso warbixinnada ciidamada Mareykanka ee sheegaya in waxyaabaha qarxa ee gaariga la beegsaday uu sababay qarax labaad.
Isaga oo ka jawaabayay wararka warbaahinta, afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in Taliska Dhexe ee Mareykanka "uu weli wado qiimeynta" weerarka balse "ma jiro ciidan kale oo si adag nooga shaqeeya si aan uga hortagno waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah", sida ay werisay Agence France-Presse.
"Sida uu sheegay Guddoomiye Milley, weerarka waxa uu ku salaysnaa baaritaan wanaagsan oo ay sameyeen sirdoonka, welina waxaan aaminsanahay inay ka hortagtay khatar ku soo fool lehayd garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan dadkii ku dhex jirayba," ayuu yiri Mr Kirby.
Pentagon -ka ayaa hore u sheegay inay wali rumaysan yihiin inay ka hortageen "khatar soo fool lehayd".
Weerarka oo lala beegsaday baabuurka- 29-kii Ogosto ayaa waxaa loo isticmaalay gantaal nooca Hellfire ah oo laga soo tuuray diyaarad aan duuliye lahayn wuxuuna dilay dishay 10 qof oo hal qoys ah, oo ay ku jiraan lix carruur ah, sida ay qaraabadu u sheegeen BBC.
Militariga Mareykanka ayaa heegan buuxa ku jiray iyadoo saddex maalmood ka hor weerarka uu qof ismiidaamiyay uu dilay in ka badan 100 qof oo rayid ah iyo 13 askari oo Mareykan ah meel ka baxsan garoonka diyaaradaha ee Kabul iyadoo muwaadiniinta iyo saraakiisha laga daadgureeyay Afghanistan ka dib markii ay Taliban qabsadeen caasimadda.
Hawlgalkii 20-ka sano ee ciidamada shisheeye wuxuu ku soo dhammaaday duulimaadkii ugu dambeeyay ee Mareykanka 30kii Ogosto.
Warbaahinnada The Times iyo Post ayaa falanqeeyay cadaymaha muuqaalka iyo sawirrada, waxay la hadleen khubarro iyo markhaatiyaal, waxayna labaduba ku soo gabagabeeyeen in caddayntu ay soo jeedinayso in wax qarxa uusan ku jirin gudaha gaariga.
Bartilmaameedka
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in aysan garanayn aqoonsiga ninka la bartilmaameedsaday ka hor weerarka balse la rumeysan yahay in uu xiriir la lahaa kooxda dowladda Islaamiga ah faraceeda Afgaanistaan.
Guddoomiyaha Taliyayaasha Guud ee Shaqaalaha, Gen Mark Milley, ayaa xilligaas ku tilmaamay "weerar xaq ah".
Post iyo Times ayaa xaqiijinaya in bartilmaameedka uu ahaa Ezmarai Ahmadi, oo 43 jir ah, oo u shaqeynayay kooxda gargaarka ee fadhigeedu yahay California, NEI, wuxuuna codsanayey dib u dejin Mareykanka ah.