Waraaqaha dareenka leh ee ay is dhaafsadeen gabdho ka soo kala jeeda Soomaaliya iyo Afghanistan

Published

Tan oo qeyb ka ah taxanaha 100-ka Haween ee BBC-da, ayaa waxaanu afar hoggaamiyeyaal haween ah ka codsannay inay waraaqo is dhaafsadaan afar haween ah oo u dhashay Afghanistan kuwaas oo soo bandhigaya waxyaabaha ay jecel yihiin.

Waxaana haatan iidin soo gudbeyneysaa waraaqaha ay is dhaafsadeen Xaliima Aadan oo Soomaali ah isla markaana xayeysiisa dharka iyo Aliya Kazimy oo wax ka dhigta jaamacad ku taalla Afghanistan, isla markaana wax ka qorta sida ay Taliban u beddeleen habka labiska haweenka.

.Caaliya Qaasimi waxay qalin jebisay sanadkii 2020. Ilaa horraantii sanadkan waxay ahayd macallimad jaamacadeed, ilaa markii ay ka qaxday Afghanistan una guurtay Mareykanka.

Xaliima,

Inaan arko dharka midabbada kala duwan leh ayaa mar walba i faraxd geliya. Aad baan u jeclaan jiray midabka madow, balse taasi waxay ahayd kahor inta aanan ogaan in leygu cambaareyn doono xirashadiisa. Bal malee adiga oo aan awoodin inaad doorato dhererka amaba midabka dharkaaga, sidee ayaad dareemi lahayd? Ma aadan dareemi lahayn xorriyad.

Keliya maaha dhererka dharkeenna, waa xuquuqda aan u dagaallameyno iyo nolosha aan u soo halgannay si aan u gaarno halka aan haatan joogno.

Xaqa doorashada lebiska waa mid aasaasi ah. Kama soo horjeedo xirashada xijaabka, waan jeclahay xijaabka, balse waxaan ka soo horjeedaa in laygu qasbo inaan hal mid uun xirto, si la mid ah sida in laygu qasbo inaan xijaabka dhigo. Wax aan loo dulqaadan karin ayaan u arkaa in qof uu soo farageliyo dooqa shakhsiyadeed, iyadoo la eegayo inaan haween ahay.

In xaqooda la duudsiiyo waa un qeyb ka mid ah waxa ay haata ku sugan yihiin haweenka Afghanistan - waxaa laga qaaday xaqa waxbarashada, shaqada, amaba xuquuqda shacabku leeyihiin. Hadda oo aan qorayo warqaddan, wadnahaygu wuxuu u xanuunsanayaa dadkeyga.

Waxaan xusuustaa carruurnimadeydii inaan qaadi jiray heesaha nabadda, waxaana sawiran jirnay mustaqbal qurux badan. Waxaan xusustaa markii Taliban laga guuleustay, ee aan iskuullada aadnay markii ugu horreysay: waxay ii ahayd maalin dabaaldeg dhammaan gabdhahana waddooyinka ayay ku sugnaayeen. Waxaan xusuustaa sida wejiyada dadku ay farxad u hareysay iyagoo u qabay in dagaalku uu dhammaaday. Waxay ahayd maalintii aan dareennay inaan nahay gabdhaa ugu nasiibka badan.

Weligey kama fekerin in maalmaha madow ay soo laaban doonaan. Waxaan sidan u leeyahay sababtoo ah waxaan doonayaa inad ogaato xaaladda dhabta ah ee gabdhaha Afghanistan, si aad u fahanto in kaddib halgan aan dhammaad lahayn, ay haatan yihiin maxaabiis. Waxaanu horumar sameyneynay muddo 20 sano ah haatanna eber ayaan dib ugu laabannay.

Halkan Mareykanka, inkastoo aan ogahay inana nabadgelyo heysto, walbahaar ayaan dareemayaa, weerar walba oo ka dhaca Afghanistan waxay maskaxdeydu is weydiisaa inta dad ee la dilay amaba la dhaawacay.

Waxaan ku riyoon jiray inaan dhigto Jaamacadda Harvard tan iyo intaan yaraa, haatan oo aan ku suganahay Mareykankana waan ogahay inaan ku guuleysan karo wax walba oo riyadeyda ah oo aan dhisan karo mustaqbal ifaya. Waa dareen farxad leh. Balse waxaan xanuunka la wadaagayaa Afghanistan, dadkeeda, iyo qoyskeyga.

Waxaan rajeynayaa nabad, duni uusan dgaaal ka socon.

Caaliya

Xaliima Aadan oo dharka xayeysiisa waa gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban dharka xayeysiisa waxayna ka soo jeeddaa Soomaaliya. Way iska deysay xayeysiinta dharka, balse weli waxay saameyn ku leedahay suuqyada dharka.

Caaliya,

Hadda oo aan warqaddan qorayo wadnahaygu wuxuu la jiraa dhammaan gabdhaha iyo haweenka Afghanistan. Xoogaa waan dareemi karaa arrimaha aad wajaheysaan, waxaan qudheyda ahaa ilmo qaxooti ah markii ay qoyskeygu ka soo baxsadeen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. Waxaa la ii yaqaan gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran dharka xayeysiisa, waxaana ka qeyb galay munaasbao badan oo dhar xayeysiin ah. Balse sheekadeydu waxay ka bilaabatay Kakuma, Kenya, oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ugu waaweyn caalamka.

Waan isaga tagay xayeysiinta dharka sababtoo ah waxaan sameynayay waxyaabo aan waafaqsaneyn diinteyda, waxaana ka mid ah inaan madaxa ku xirto jiinis beddelkii aan xijaab xiran lahaa. Waan ku faraxsanahay inaan awooday inaan isaga baxo.

Dadku waa inaysan amarro ku soo rogin jirkeenna - waa carqaladeyn xuquuqda bani'aadamka ah. Haddii ay ahaan lahayd dal u codeynaya inaan xijaab lagu qaadan bulshada dhexdeeda, amaba shuruuc mamnuuceysa inaad shaqada xijaab u xirato amaba in haweeney lagu qasbo inay xirato niqaab amaba xijaab - waxaan u maleynayaa waa khalad.

Ma maleysan karo sidaan noqon lahaa haddii aan ahaan lahaa haweeney aan xiran xijaabka oo lagu qasbay inay xirato. Aniga ayaa doortay inaan xijaabka xirto, haddii la i dooran siin lahaana shaqadeyda iyo xijaabka, waxaan dooran lahaa xijaabka.

Markii aan ka fekero adiga iyo saaxiibbadaa inaad qarisaan qaanaddiinna oo mar ay ka buuxeen dhar midabbo leh, waxaan idin oran lahaa qeyb meel ka dhiga, dhiga meel aad keligiin ogtihiin, meel u dhigta maalin aad awoodi doontaan inaad xirataan. Haweenka aan haatan doorashadaas lahayna waxaan leeyahay - waan idiin dareemayaa. Maalin sidan ka fiican ayaan dhammaanteen ku duceysaneynaa.

Inaad noqoto qaxooti aad ayay u adag tahay, mararka qaar waxaad daremeysaa inay dunidu ku illowday amaba ay iska kaa indha tireyso. Balse waxaa jira wadnoyaal naxariis badan oo ku soo eegaya, dad dhaqan kale heysta ayaa ku dadaalaya inay naftooda wax baraan.

Farriinta aan u dirayo qoysaska qaatay go'aanka adag ee ah inay dalkooda ka tagaan waa inaysan ku fekerin inay dalkooda ka tagayaan, ee waa inay ogaadaan in dalkooda uu la jiro meel walba oo ay tagaan. Waxaan rajeynayaa inaad dhaqankiinna bari doontaan dadka kale sidaas ayuuna ku sii noolaan donaa.

Waxaan doonayaa inaan arko Afghanistan oo mar kale barwaaqo gashay, iyadoo dadku la siiyay xorriyad haweenkuna ay awoodaan inay xirtaan waxa ay iyagu doortaan. Waanu idiin joognaa, dunidu ma illaabin Afghanistan.

Kheyr badan,

Xaliima