Haweeney farxad darteed u dhimatay oo 100 sano ka dib la maamuusay

Qabriga Elizabeth Lingard

Xigashada Sawirka, Home Front Museum

Qoraalka sawirka, Qabriga haweeneyda farxad darteed u dhimatay Elizabeth Lingard
Published

Haweeney 1926-kii farxad darteed u dhimatay ayaa la maamusay kuwa dhawaad hal qarni marki ay geerideeda ka soo wareegtay.

Elizabeth Lingard oo ka soo jeedda Llandudno, oo ka tirsan gobolka Conwy, geerideeda waxaa la rumeysan yahay iney sababtay buug ay ka dhaxashay oo loo sheegay lacag aad u badan in lagu iibinayo.

Haweeneydaan oo marki ay geeriyooneysay ay da'deedu ahayd 90 jir ayaa taagnida ka dhacday sidaana ku geeriyootay kaddib markii loo sheegay iney taajir noqon rabto maadaamaa buugga ay hayso lacag badan lagu iibsanayo.

Haddaba koox is abaabushay ayaa qabriga Elzabeth ka taagay dhagax magaceeda iyo inti ay nooleyd muujinaya, iyada oo tani iyo markii ay geeriyootay aan maamuus noocan ah loo sameyn.

Elizabeth ayaa wargeys warbixin ka akhrisay, warbixintaasi oo sheegeysa buugga qarniga 17-aad la qoray oo loogu magacdaray 'The Pligrim's Progress' oo uu qoray John Bunyan, halkii buugba in lagu iibsanayo $6,500 oo doolar oo qiimaha lacagta hadda u dhiganto £250,000 oo giniga Ingiriiska ah.

Elizabeth waxay xusuusatay in nuqul ka mid ah buuggaasi ay 1840-yadii xilli ay yareyd haddiyad ahaan ay hooyadeey uga heshay

Iyadoo aamintay in daabacadda koobaad ee buuggaasi lacag badan looga iibsanayo, waxay la xiriirtay ina abtigeed oo ku nool Warwichshire, waxayna u sheegtay buugga iney soo diresyo si loo qiimeeyo loona iibiyo.

Buuggi bashkhad ayey ku ridday waxayna ka dirtay xafiiska boostada Llandundo ka hor inta ay gurigeeda ku soo laaban, warbixinta wargeysykana waxaa lagu sheegay iney farxadda haweeneydan sii saa'ideysay, iyada oo u sheegtay haweeneydi lahayd gurigi ay dagganeyd.

"Balse marki ay damacday iney fuusho jaranjarta qolkeeda jiifka, ayey taagnida ka dhacday kaddibna suuxday."

'Farxad darteed ayey u dhimatay'

Markiba dhaktar ayaa loo wacay, balse Elizabeth Lingarda ma nooleyn oo wey dhimatay waxaana lagu aasay qabuuro ku yaalla Great Ome iyada oo aan qabrigeedana wax calaamad ah loo sameyn.

Adrian Hughes, oo ka tirsan madxafka Llandudno, ayaa sheekada haweeneydan wargeysyada la wadaagay.

Wuxuuna yiri: "Waxaan warbixinta cinwaan uga dhigay 'Farxad ayey u dhimatay' taasoo indhaha dadka si weyn u soo jiidatay."

"Waxaanna guda galay inaan qabrigeeda raadiyo. Baadigoob muddo qaatay kaddibna waxaan arkay inuu qabrigeeda uu ahaa qabri aan haba yaraatee astaan lagu garto loo sameyn."

Seddex qof oo qabriga haweeneyda ku sugan

Xigashada Sawirka, Home Front Museum

Hughes sheekada haweeneydan wuxuu soo dhigay baraha bulshada, waxaana la soo xiriiray Lord Brown iyo Harty oo hawl-wadeenno shirkadeed ah, kuwaasoo u soo bandhigay iney qabanqaabiyaan sidii qabriga Elizabeth dhagax astaan u noqda loogu sameyn lahaa.

'Waxaa laga yaabaa inuu qiima badan ku fadhin'

Jonathan Harty wuxuu yiri: "Sax ilama aha haweeneyda iney u dhimatay iyada oo u maleyneyso iney taajir noqoneyso, balse waxaa xaqiiqa ah in haweeneydi lagu aasay qabri aan astaan lahen."

Sheekada haweeneyda waxay taabatay quluubta dad badan, waxaana dhagaxa afsaarka qabriga Elizabeth lacag la'aan ku sameeysay shirkadda Stone mason ee arrimaha qabuuraha ka shaqeyso, golaha deegaankana wuxuu ka tanaasulay kharashaadkii oggolaashaha lagu bixin lahaa."

"Sheekada buuggana wuxuu ku dhammaaday Water Orton oo ina abti u ah Elizabeth Lingard oo Warwickshire ku noolaa, balse ma garanayo wixii intaa kaddib dhacay", ayu yiri.

"Runtii waxa laga yaabaa inuu buugga gabi ahaantii qiima weyn uu ku fadhinin, waxaanna u maleynayaa inaan weligeen ogaan doonin halka uu buugasi ku dambeeyey."

Around the BBC iPlayer footer