Jiilka cusub: Adduunka sidee ayuu noqon lahaa haddii carruurta maamulka loo dhiibo?

Published

Dunidu sidee bay ahaan lahayd haddii ay maamulaan dhalinyarada? Hal shirkad ayaa go'aansatay inay ogaato.

Bixiyaha tamarta la cusboonaysiin karo ee UK, Good Energy, ayaa u magacawday lix dhallinyaro ah, oo da'doodu u dhaxayso 12 ilaa 17, inay fadhiistaan oo sameeyaan talo bixin cusub sida ay wax u arkaan - qof weyn looma ogolayn in uu ka qayb ka ahaado fadhigoodaa.

Guddigan Mustaqbalka Wanaagsan ayaa qabanayey shirar joogto ah, halkaas oo xubnahooda ay fursad u helayeen inay fikrado u soo bandhigaan madaxdaa fulinta ee shirkaddaas iyo madaxda kale, su'aalona ka weydiiyaan go'aamada ganacsigooda.

Mid ka mid ah xubnaha guddiga waa Shaina Shah, 14 jir ku nool London. Waxay aad u jeceshahay deegaanka, waxayna rabtaa inay adduunkeeda u ilaaliso jiilalka mustaqbalka soo aaddan.

"Waxay ila tahay in dadka waaweyni ay marka hore waxa keliya ee ay ka fikiraan waa lacagta," ayay tdhri. "Mar walba ma doortaan ikhtiyaarka ugu wanagsan."

"[Laakiin] dhallinyarada waxay ku koreen adduun ay saamaynta isbeddelka cimilada si cad u muuqato."

Shaina ayaa intaas ku dartay in iyada iyo shanta xubnood ee kale ee guddiga la-talinta aysan ka cabsanaynin inay dadka waaweyn u sheegaan waxa ay u arkaan in ay khaldan yihiin.

Waxaa la magacaabay ka dib markii in ka badan 1,000 carruurta dugsiyada ah ee England oo dhan ay galeen tartan ay soo qaban qaabiyeen dugsiyada samafalka deegaanka Eco-Schools.

Waxay ku qasbanaadeen inay qoraan 500 kelmadood oo shakhsi ah oo ka jawaabaysa saddex su'aalood - Maxaa kugu dhiirigeliya inaad daryeesho meeraheena? Waa maxay xirfadaha ama khibradaha aad la imaan karto? Iyo - Ma haysaa hal fikrad oo ku saabsan sida shirkadaha tamarta dib loo cusboonaysiin karo ay wax badan uga caawin karto ilaalinta meeraha?

Lixda qof ee ku guulaystey waxaa lagu tilmaamay inay u hayeen mawduucan "xamaasad cajiib ah, fahan badan ay ka haysteen".

Jack Solly, oo 13 jir ah, ayaa sidoo kale ku jira guddiga la-talinta, isaga oo magacaabiddan helay xilli uu jiro 12 sano.

Waxa uu sheegay in uu ka faa'iidaystay fursadda, isagoo doonayay inuu wax ka barto ganacsiga iyo suuqa tamarta. Waxa kale oo uu rajeynayaa in uu ka faa'iidaysto fursadda ah si uu uga caawiyo "ilaalinta qaar ka mid ah goobaha duurjoogta".

"Goobahaasi waa qaali," ayuu yiri Jack. "Oo haddii aynaan ilaalinayn markaas ma heli doonno meel aan ku noolaanno."

Waxa uu intaa ku daray in mudnaanta dhalinyaradu ay badanaa tahay, sida oo kale ay aad ugu foogan yihiin mustaqbalka marka loo eego dadka waaweyn.

"Dadka qaangaadhka ah waxay diirada aad u saaran waqtigan xaadirka ah, si ay shaqadooda u qabsadaan - miyay madaxdoodu shaqada ku farxi doonaan? Ma heli doonaan dalacsiin? Halkii ay hore uga fikiri lahaayeen oo ay tixgelin lahaayeen saameynta mustaqbalka fog ee ficilladooda, "ayuu yidhi.

"Dadka da'da yar ma saarna cadaadis iyo walbahaar badan, sidaas darteed xor bay u yihiin inay eegaan mustaqbalka."

Jagooyinka guddiga la-talineed ayaa ah lacag la'aan, laakiin xubnahan carruurta ah ayaa laga bixiyaa kharashaadkooda marka ay ka soo qaybgalaan shir sannadeedka guud ee tamarta wanaagsan.

Laba usbuuc ka hor shirkadda waxay bixisay kharashka si ay uga qaybgalaan Shirka Dhallinyarada ee Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay, oo lagu qabtay Glasgow ka hor shirka COP26 ee cimilada.

Madaxa fulinta ee shirkadda, Nigel Pocklington, ayaa ku daray: "Waxaan rabnay in aan siinno koox dhallinyaro ah oo kala duwan janis codkooda lagu maqlo xiisadda ka taagan [cimilada] taas oo saameyn doonta iyaga in ka badan jiilalka waaweyn. Waxay na siiyaan fikrado iyo aragtiyo cusub."

Shaina iyo Jack labaduba waa qayb ka mid ah Generation Z ama Gen Z - da'yarta iyo carruurta dhashay bartamihii 1990-meeyadii iyo horraantii 2010-meeyadii.

Gen Z hadda waa jiilka ugu badan Dunida, marka loo eego daraasado badan. Mid ka mid ah warbixinnada noocaas ah ayaa sheegay in xubnaha Generation Z ay hadda yihiin 2.5 bilyan oo qof, oo u dhiganta 32% dadweynaha adduunka.

Tani waxay ka horreysaa kuwa lagu tilmaamo facii labaad ee ka horreeyey (oo dhashay intii u dhaxaysay 1981 iyo 1995), kuwaas oo ka kooban 22%.

Deegaanka ayaa ah welwelka ugu weyn ee xubnaha Gen Z, sida lagu sheegay sahan caalami ah sannadkan oo ay sameeyeen kooxda xisaabaadka Deloitte. Waxaa soo raaca shaqo la'aan, daryeel caafimaad iyo waxbarasho.

Dib ugu noqoshada Good Energy, xubin kale oo guddiga la-talinta ah, Mahnoor Kamran, 17 jir, oo ka socota Stoke-on-Trent, ayaa sheegtay in kooxda ay ka doodayso "siyaasadaha ganacsiga, siyaasadaha deegaanka iyo anshaxa".

"Annaga [guddiga], maaha wax ku saabsan faa'iidooyinka muddada-gaaban iyo faa'iidada aslabna" ayay tidhi. "Dhallinyaradan ujeedkeedu waxa uu ku saabsan yahay mustaqbalkeena - maadaama aannu nahay kuwa dhibtu saamaynayso".